HomeGashaantidu Dhaqanka Soomaalida Doorkii ay Ku Lahayd

Gashaantidu Dhaqanka Soomaalida Doorkii ay Ku Lahayd

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankWaxaa dhinaca bidix nooga muuqday qof xambaarsan xaabo badan waxay tallaabada u hash-laynaysaa sida Gorayada oo kale, iyadoo ay giftinada fiiqfiiqan ee xaabada ay siddo iila eekaadeen garbaha Gorayo galbinaysa dhaloheedii oo ay socod barayso.

Xilli ay cadceeddu liiqa dhigtay, waxa dhinaca woqooyi ee deegaanka Magaalo-xoosh ee degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex, meel gaaban mudh nagaga soo tidhi inan gashaanti ah oo xambaarsan xaabo ay ku adkaysay xadhig gar ah oo ay kasheeda ku caymisay.

Inantu marka ay dhalato waxay soo martaa marxalado ay Soomaalidu u taqaano inan, Dhooray, Foodley, Seeman, Inan timo-tidcan ama Gashaanti. Marxaladahaasi waxay nolosha inanta ku kala leeyihiin masuuliyado ay kula qaybsato hawl-maalmeedka qoyskooda. Marka ay raad qaado inta laba kabood oo maas ah oo wiiqda haya loo soo tolo ayaa ul yar loo dhiibaa, si ay u celiso Maqasha ama Naylaha imminka dhashay ee loogu talogalay inay ku ababaan kambalka Guriga.

Foodlay ama Dhooray oo ah marxaladda inanta lagu aamino inay adhiga raacdo, waxay daajisaa kaymaha ugbaadka leh iyo dooxooyinka, si adhigoodu u yeesho gashi iyo qurux caano badana u dhiiqo

Sida uu ii sheegay dhaqan-yaaan Mawliid Aadan Biixi, marlaxadda la yidhaahdo Seeman waa xiliga inanta laga xiiro dhoorka ee loo diyaarinayo in ay u soo baxaan timihii dheeraa ee lagu tilmaansan jiray Inan timo-tidcan. Filkan ama xiligan masuuliyadda inantu way korodhaa, waxaanay dusha u ridataa lisidda xoolaha iyo ciirta oo ay lusho iyo waxii la hal maala.

Inantu marka ay timaha tidcato ama Gashaanti is taawiliso, waxay ku biirtaa Taliska Sare ee reerka, waana xiliga lagu aamino inta badan hawlaha guriga, waxayna Awrta u dhaamisaa masaafo fog, iyadoo xiliyada Jiilaalka iyo abaaraha biyo la’aaneed dhacaan ay xoolaha u arooriso baraago ama ceelal-biyoodyo aan cari iyo can toona lahayn.

Waxa kaloo ay ka shaqaysaa diirista maydhaxda, gurista Cawska, soo bixinta Dhigaha, soo goynta Duurka oo Kabdaha, Cawsaska iyo Aqal Soomaaliga lagu dhiso, waxayna ku soo ururisaa Buul-yaraha oo ah halka ay Gashaantidu ku qaabisho asxaabteeda.

Kartida iyo baarinimada inantan Timaha-tidcan, waxaa laga dareemi jiray arlada iyo deegaannada Mawluhu ka beeray, waxaanna sahanka ka laba-celin jiray Soddoho iyo Odayaal maal badan haysta oo wiilal ay dhaleen u ilaalo-tag ah, waxa aan iyaguna meesha ka maqnayn caa’ilad hiddaysanaysa tafiirtii qoysnimo ee ka dhexaysay. Waxaa iyaguna dhinacooda ka ilaashanaya dhallinyaradii ay wada barbaareen ee ay wada caddalooli jireen, isla markaana xiliyada la Ciyaar tumayo ay u mari jirtay

Aabbaha iyo hooyada dhalay gashaantidan, waxay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa iyo nux-nuxda dhoorayda reerku ku waranto, si ay u ogaadaan ciddii Dhaanka la rartay ama Awrta la soo caraabisay, waxayna ka dhursugayeen in Inantooda mar uun laga xoolo-qaadan doono oo xeradooda ay soo geli doonaan geel Yarad ah oo Rag Dhaqasho iyo kartiba lagu majeerto oo ay inantooda la caashaqsanaayeen.
Inanta hooyadeed waxay ku tababari jirtay sidii qoyskaas ay u dhaxday dhaliil ama xoolo mooganaan aanay ugu xaman lahayn gashasantida waxaa laga shaqayn jirey muuqaalkeeda dhinaca quruxda taas oo cuntooyinka qaar aan loo ogolayn si aanay u yeelan hilib qotonkeeda wax u dhimi kara waxyaabahii ka mamnuuca ahaa waxaa ka mid ahaa Shaaha iyo Baruurta, xiliyada la ducaysto na hilbaha ay qaybta u lahayd waxaa ka mida Misigta iyo Shanshada oo jiidh u badan

Qiimaha Soomaalidu ay u hayso xididdnimada ayaa ah meeqaamka ugu sareeya ee wax la isugu noqdo, waana la isku caawin jiray, la isku martiyi jiray, la isku magan-galin jiray, laguna nabdaadi jiray, la iskuna dhibaadin jiray oo haddii ay inani reer kaaga jirto, waxa lagugu qaddarin ogaa martabada u saraysa.

Qormadani waxay dhiirigelinaysaa qiimihii iyo milgihii ay Gashaantida ama Inanta Timo-tidcani lahaan jirtayS iyo sidii quruxda badnayd ee ay isku qaddarin jireen labada reer, qoys ama qabiil ee ay inani isku xidhay, balse waxa hadda muuqata in dunidan dhaqamadoodii isku milmeen ay sabab u noqonayaan inay sii wiiqmayso qiimihii iyo sharafkii Inantu lahaan jirtay, taasina ay saamayn wayn ku yeelatay dhaqanka iyo asluubtii wanaagsanayd ee bulshadeennu lahaan jirtay.

Xilli Casar gaaban ah ayaan sawirkan ka qaaday Inan xaabo badan xambaarsan deegaanka Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu dambayntii, waxaan soo jeedinayaa in wax badan laga ogaado qiimaha dhaqankeenu u hayo ama u hayn jiray dumarka, kaas oo safka hore kaga jiray wayxaabaha loogu qiimaynta iyo qaddarinta badnaa bulsho ahaan.
Waxaan ku soo afmeerayaa maansada Geeska Afrika ee uu tiriyay Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Hadraawi
Hablihii gu’ iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jirey
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jirey tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama’ aanay ledi jirin

Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadalkoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaaddee
Hadday godollo soomaan
Ama gaajo liitaan
Cidi aanay garan jirin

Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jirey
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jirey
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jirey

Hablahaan gankoodiyo
Hilbahooda gadi jirin

Wa Bilaahi towfiiq
Mustafe Maxamed Nuur
Mustafe Dheereeye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories