HomeGarsoore Baastoolad Ula Soo Baxay Ciyaartooy

Garsoore Baastoolad Ula Soo Baxay Ciyaartooy

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Rio de Janeiro (SLpost)- Ciyaar kubadda cagta ahayd oo ka dhacaysay dalka Brazil ayaa mar keliyo isu beddeshay xaalad colaad iyo cabsi badan kadib markii si u qaadan waa noqotay uu garsoorihii ciyaartan dhex dhexaadinayey baastoolad badheedh ugula soo baxay mid ka mid ah ciyaartoygii labada kooxood ee uu dhex-dhexaadinayey.

Garsoorahan ayaa la arkay isaga oo baastooladda ugu hanjabaya taageerayaal ciyaartan daawanayey oo ka cadhooday garsoorahan oo ciyaarta ka saaray mid ka mid ah ciyaartoyga kooxda ay taageersanaayeen.  Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in ciyaartani ay dhex maraysay laba kooxood oo isku degmo ahaa, ciyaarta oo meel aad u xasaasi ah maraysa ayaanu garsooruhu kaadhka casaanka siiyey ciyaartoy uu u arkay in aanu si habsami ah u ciyaarayn, laakiin waxaa arrintaas ka biyo diiday ciyaartoygii kale ee kooxda iyo tababarahooda oo u arkay in aanu saaxiibkooda kaadhka cas mutaysan, mid ka mid ah ciyaartoyga ayaana weerar afka ah iyo haddidaad gacanta ah ku qaaday garsooraha, taas oo uu garsooruhuna kaga jawaabay in uu la soo baxo baastoolad uguna hanjabo ciyaartoyga, tababaraha iyo xubno taageerayaal ahaa oo iyaguna buuqa soo dhex raacay.

Muuqaal Fiidyow ah oo dhacdadan laga duubay ayaa laga arkayaa gacan-yarayaasha garsooraha oo isku dayaya in ay dejiyaan xaaladda, isla markaana kula talinaya garsoorahan oo lagu magacaabo Martha Gabriel in uu baastoolada xareeyo. Xidhiidhka kubadda cagta ee degmada uu shilkani ka dhacay ayaa mar dambe caddeeyey in garsoorahani uu ka tirsan yahay ciidamada booliiska isla markaana ka mid yahay garsoorayaasha u diiwaangashan xidhiidhka kubadda cagta ee dalka. Garsooraha oo isagana arrintan wax laga weydiiyey ayaa ku andacooday in sababta uu baastooladda ula soo baxay ay ahayd in uu naftiisa ku difaaco kadib markii uu arkay in la soo weerarayo.

Garsoorahan oo arrintiisa loo gudbiyey guddida anshax marinta ee xidhiidhka kubadda cagta dalka Brazil ayaa la filayaa in inta aan tallaabo laga qaadin marka hore loo diri doono dhakhtar hubiya xaaladdiisa caafimaad.

,

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories