HomeGarowe: Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Oo Guddoomiye Cusub Doortay

Garowe: Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland Oo Guddoomiye Cusub Doortay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Garowe (SLpost)- Xarunta Golaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay u tartameen dhowr xildhibaan, kaddib markii todobaadkii hore xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jabriil kaddib markii uu ka guulaystay laba musharax oo kale oo la tartamay.

Laba Xildhibaan oo magacyadoodu kala yihiin Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa wareegii labaad ee doorashada isugu soo hadhay waxaanay kala heleen 34 Cod iyo 17 cod si ay u kala horreeyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada in wareegii labaad uu ku guulaystay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 cod halka musharaxa labaad ee la tartamayey ee Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 Cod, waxaana sidaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ku noqday Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa balanqaaday in uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono guuud ahaanba xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo ilaalinaya sharciga iyo dastuurka dowlad gobolleedka Puntland.

Xil-ka-Qaadis guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, ayaa ka dambeysay kaddib markii ay golaha mooshin ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaannada, sidaasna xilkalagaga qaaday. Xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ayaa salka ku hayey khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha Maamulkaas.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories