HomeGARNAQSIGA KA-DOORBIDA (Maanso) – W/C: Maxamuud Saleebaan

GARNAQSIGA KA-DOORBIDA (Maanso) – W/C: Maxamuud Saleebaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

febraayoMagacaygu waa Maxamuud Saleebaan  X,  Ducaale (Afweyne) oo loo yaqaano maxamuud (FEBRAAYO).

Waxaan ku dhashay tuulada Yufle oo 28 km dhanka W/galbeed kaga beegan degmada Ceerigaabo. Waxaan waqtigan wax ka bartaa dugsiga sare Blooming Secondary School ee magaalada Hargeysa.

Maansadan waxaan sameeyey (curiyey)  18 May 2013 waxayna la hadlaysaa dadka dalkan Somaliland.

Waxa igu kalifay in aan waqtigan curiyo maansadan madaxda ugu sarreysa dawlada federaalka Soomaaliya oo hadalo  wax yeelaaya  nabad ku-wada noolaashaha dadka ku nool Geeska Afrika ku daan-daansanaya dadka reer Somaliland, kuwaas oo ka hor imanaya wadahadalkii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Waxaan ku bilaabay,

Arday garasho dheerow

Geedkii baxaayow

Gobkii soo magoollow

Guulwade aqoonlow

Geenyadii jaraysaye

Ha gocanin wax kaa tegay

Gudub oo horruu soco

Samahana ha gees marin

Xaqa garabka saaroo

Guulayso weligaa

Ha godoomoin abidkaa

Nasiibkaa ma gaagaxo

Guri lagu negaadiyo

Geyigaagu waa nabad

Waa goob barwaaqo ah

Gobonimo god loo galay

Qarankaagu waa guun

Gashaankii cadceediyo

Waa damal gundheeroo

Ruux godin ku weeraray

Abidkii ma goyn karo

Gows jirid ma jarikaro

Geed sooma ridi karo

Afkuun baa gunuusee

Hadal gebi ma dumin karo

Gardarada is daba taal

Guux iyo gariirada

Gefka hadal odhaahyada

Horay ugu garwaayeenoo

Gool baad ka dhalisee

Garnaqsiga ka doorbida

Garaadkii wanaagsani

Garashuu ku hodon yahay

Allaa garab ku siiyee

Gurta midhaha guudkoo

Guta waajibkiinoo

Guulihiin u mahad naqa

Isagaa gargaaree

Gefka iyo dhibaatada

Ka gaabsada xumaatada

Garanuugta roortee

Gaashaanka sidata

Orod laguma gaadhee

Maddaxweyne geesiya

Garyaqaan siyaasiya

Guud cadaa aqoon yahan

Garashada ku hodonaa

Geyigeena maamula

Guuguulaha ciyaayaa

Waran kuu ganaayiyo

Leebkuu godaayaa

Yuu ku gelin guhaadow

Gooni qarana baad tahay

Lixda gobol waqooyiga

Golayaal is maamulay

Talladoodu gaar tahay

Guul shacabku keensaday

Goysatee horuu soco

Iska ilaali guumaha

Gadaalaba wixii jira

Geed qudha ahaada

Gundhigoodu qaran iyo

Midnimo aan gaboobayn

Yahay mowqifkaa goan

Go,aankiin ku meel mara

Gulufkiyo colaadaha

Guutada awaaraha

Goobaha dagaalada

Horaad ugu galgalatoo

Geesi baad ku noqotee

Garnaqsiga ka doorbida

Garaadkii wanaagsani

Garashuu ku hodon yahay

Allaa garab ku siiyee

Gurta midhaha guudkoo

Guta waajibkiinoo

Guulihiin u mahad naqa

Isagaa gargaaree

Gefka iyo dhibaatada

Ka gaabsada xumaatada

Gobonimadu yay jabin

Taariikh gundheer iyo

Madhac aan god dhigateen

Gaax raagtey weeyee

Aduunyada la garbsada

Girif girif haday tami

Geel nin laa u dhiidhiya

Cududaha gamuurani

Gaashaan dhigeeniyo

Goodir bay ku yaalaan

Abwaan gaydhanaayiyo

Aqoon yahanka gaadhka ah

Gaban maayo ardaygu

Haday gacani maqan tahay

Haweenkoo gedoodana

Waa ged lagu yaqaanee

Dhiiri gelinta geesiga

Guntigay u soo xidhi

Shuuliyada gacmahaiyo

Silis qoorta guud sudhan

Kuwa dhegaa u gaarka ah

Dahabkooda way gadi

Gadh cadaaga taliyaa

Gama kama ledaayee

Gogoshuu ka soo kici

Gelgelinta dagaalada

Gudcurkiyo qadoodiga

Horaad ugu gabowdoo

Guul baad ku hanatee

Garnaqsiga ka door bida

Garaadkii wanaagsani

Garashuu ku hodon yahay

Allaa garab ku siiyee

Gurta midhaha guudkoo

Guta waajibkiinoo

Guulihiin u mahadnaqa

Isagaa gargaaree

Gefka iyo dhibaatada

Ka gaabsada xumaatada

Inagoo guyaal badan

Geela nabad ku maaloo

Guryo samo ku noolayn

Geyigeena dooga ah

Weli dunidu may garan

Waxa loo golleeyahay

Garaadkii wuxuu yidhi

Gaadaa shabeeliyo

Gocondhaa ku sudhanoo

Giriigiyo shisheeyuhu

Kuma gar waaqsanaayaan

Ha ka noqon go,aankaa

Samir niyada geliyoo

Gaashaamo keligaa

Guyaal dambe aqoonsiga

Waad gaadhi  doontaa

Nimaan geyiga kula deign

Nimaan geela kula dhicin

Nimaan geeri kula tegin

Gumaadkii dadkaagiyo

Garanmaayo waagii

Gantaalkii kugu habsaday

Gorgorkii guhaadow

Guudkaaga ku cartamay

Cadho kugu gadhoodhiyo

Galliilyada ilkaha

Gowsaha is dhaafsiga

Horaad giir u kicisoo

Geel baad ku maashee

Garnaqsiga ka door bida

Garaadkii wanaagsani

Garashuu ku hodon yahay

Allaa garab ku siiyee

Gurta midhaha guudkoo

Guta waajibkiinoo

Guulihiin u mahadnaqa

Isagaa gargaaree

Gefka iyo dhibaatada

Ka gaabsada xumaatada

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories