HomeGarnaqsi Wiil Yar oo Soomaali ahi u Diray Siyaasi Madaxtinimada Maraykan U...

Garnaqsi Wiil Yar oo Soomaali ahi u Diray Siyaasi Madaxtinimada Maraykan U sharaxan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxa Ay Jawaabta Wiilkan Somali-Amerikanka Ahi Soo Jiidatay Indhaha Ra’yul-caamka Maraykanka ee hadalka Musharraxani XAjiimeeyey

Washington (SLpost)- Wiil laba iyo toban jir ah oo Soomaali-Ameerikaan ah ayaa ka jawaabay cunsuriyad uu mid ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Maraykanku  u geystay  hanka siyaasadeed ee muslimiinta ku dhaqan wadanka maraykanka, isaga oo ku goodiyey  in aan damacoodu hawaysan Karin madaxweynenimo.  Mr.  Ben Carson oo ah siyaasi ka sharraxan xisbiga Jamhuuriga  ee loollanka ugu jira jagadaasi ayaa dhawaan ku baanay in qof muslim ahi aanu dalkooda madaxweyne ka noqon Karin,  isaga oo dhinaca diinta ku kala soocaya dadka kala jinsiyadaha ah ee ku dhaqan dal weynahaasi.  Hase ahaatee Mr. Yuusuf Dayuur wiil yar oo lagu magacaabo ayaa jawaab aan laga filayn isaga iyo qayrkiiba waxa uu ka bixiyey hadalkaasi Uu Carson ku ololeeyey, waxaana cod uu telefoon ku duubay oo wiilkan yari kaga jawaabayo hadalkaasi ayaa soo jiitay indhaha muslimiinta maraykanka.    Dayuur yare oo  dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaalida balse isaga iyo qoyskiisu Ameerikaan yihiin ayaa jawaabtiisa waxa uu ku muujiyey in isaga laftiisu uu ku hamiyeyo inuu noqdo Madaxweynihii u horeeyay ee Muslim ah ee dalka Maraykanka.

Hooyada dhashay Yuusuf, ayuu ka codsaday inay jawaabta uu  bixinayo  ay hadalka kaga duubto Taleefoonka gacanta,“Tan waa jawaabta aan siinayo musharrax Ben Carson,” ayuu Yusuf ku bilaabay cod degen oo faseex ah.  Labo daqiiqo iyo 20 il-bidhiqsi  ayuu Wiilka Yar kaga hadlay arrimo la xidhiidha isirka,Diinta iyo addoonsiga, wuxuuna si badheedh ah uga dhowaajiyay inuu yahay mustaqbalka musharrax Madaxweyne dalka Maraykanka. “Mr. Carson,Bal ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha midabkaaga, ka waran haddii qof kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha isirkaaga, ka waran haddii qof uu kuu sheego in aanad Madaxweyne noqon karin sababo la xidhiidha caqiidadaada? Waana taas ta aad aniga igu sameysay.”ayuu yidhi Yuusuf Yare oo daba socda hadalka xajiinta iyo cunsuriyada leh ee Siyaasiga u taagan tartan doorashada Madaxweynaha Maraykanka.  Yusuf, waa Wiil yar oo 12-jir ah, isla markaana la nool qoyskiisa Eden Prairie, wuxuuna waxbarasho dugsiga dhexe ka dhigtaa halkaa, wuxuuna noqday mid jawaabtiisu soo jiidatay indhaha rayal caamka bulshada Maraykanka, isagoo u hadlay si la mid ah sida ay siyaasiyiinta kale ugu jawaabeen Mr. Carson.

 

Wiilkan ayaa ku dhashay magaalada  St.Louis Park, wuxuuna ka hadlay sida uu weligiiba u jeclaa inuu noqdo Madaxweyne laga soo bilaabo markii uu 2 sanadood jiray, “Dhabtii waxaad dhaawacday riyadaydii,”ayuu ku yidhi fariinta uu u diray siyaasiga Carson, “sababtoo ah waxaad tidhi qof Muslim ah Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka.”  Yuusuf Dayuur, ayaa tilmaamay in marka laga hadlayo tariikhda Maraynka sanadihii lixdamaadkii iyo toddobaatameeyadii iyo xilligii is addoonsiga ay jireen dad rumaysnaa, ama ku doodi jiray qof madow Madaxweyne kama noqon karo Maraykanka. Laakiin Madaxweyne Obama ayaa jebiyay gidaarkaa, aniga Yusufna waxa aan doonayaa in aan jebiyo gidaar kale. “Waxaan noqon doonaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Muslim ah dalka Maraynkan, waxaad arki doontaan marka aan noqdo Madaxweyne inaan tixgeliyo dadka oo dhan caqiido kasta ee ay aaminsan yihiin,midab walba ha lahaadeen diin kasta ha aaminsanaadeen.”. Mr. Ben Carson, wuxuu Axadii Todobaadkii hore waraysi uu siiyay taleefishinka NBC, ku sheegay in aanu aaminsanayn in qof Muslim ah uu Madaxweyne ka noqon karo dalka Maraykanka, balse dhawaaqa siyaasigaa oo ka mid ah musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga ee u tartamaya doorashada Madaxweynaha, waxa ka dhashay doodo iyo jawaabo kaga yimi Mujtamaca Islaamka ee Maraykanka iyo bulshooyinka kale, wuxuuna dhawaaqiisu noqday mid si weyn looga cadhoodo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories