Home“Garawshiiyo waa muhiim, laakiin...” - W/Q: Axmed Ismaaciil (Axmed Deeq

“Garawshiiyo waa muhiim, laakiin…” – W/Q: Axmed Ismaaciil (Axmed Deeq

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

axmed-deeq-373x500Maqaal, sheeko, gabey, ruwaayad, sawir kartoon iyo wax kasta oo farriin lagu gudbiyo marka aad la kulanto waxa lagama maar maan ah inaad ku dul istaagto dulucdooda iyo farriinta ay xanbaarsan yihiin.

Dabadeedna inta aad gondahaaga, gadaashaada iyo garabkaaga eegto, iswaydiiso, Maxaa ka jira dhibtan, sababteedu waa maxay, maxaase xal ah?. Halkan dhibta yar haddii aad ka anba qaado la arkee inaad wax uun soo kordhiso, isla jeerkaana qoraha isku aragti ka noqotaan dhibta iyo sababteeda, xalkeedana ku kala duwanaataan. Haddaba, dooddii ubadka iyo daryeel wanaagsan siday u heli lahaayeen daarnayd ee dulucdeedu ahayd:

Qof waliba taagtii iyo tamartii ha talaabsado waxa bilowgii helay asxaab si qaldan u adeegsaday falsafadda Diineed ee ah: “Illaahay baa risiqa bixiya ee..” . Sidoo kale kamay hadal dhib jirta iyo sababteed ee waxay iska daba dhigteen nin waa hore dhintay, qorshaha qoysna nooc uu yahayba waxay ka dhigeen bar kuma taal.

Iyada oo ay halkaa marayso [dooddu taagan tahay] ayaa koox cusubi soo gashay. Kooxdani dhibtii jirtay way ifiyeen in ka mid ah, sababna waa sheegeen, xalkuna kuma jiro bay dhaheen dhalmo yarayn, sababo badan awgood. Sidoo kale waxay dureen qorshe la’aanta, waxaanay toosh ku ifiyeen xeerarka ku xeeran risiqa Eebbe. Halkan waxa ka dhashay isku soo dhawaansho fikir [isku mid maaha] oo u dhexeeya qoladii qabtay fikirka dooddu ka bilaabantay iyo qoladan saddexaad.

Waxaana la gudo galay ubucdii doodda oo ahayd dhibta ubadka haysa iyo sababteeda iyo xalkeeda iyo inuu qof waliba aragtidiisa ka dhiibto, si wanaagsan baanay u socotaa illaa hadda. Haddaba qoladii labaad (Mustafe iyo Mahdi iyo ..…….), weli kama hayno dhib baa jirta iyo qorshe qoys baa loo baahan yahay iyo wixii la hal maala.

 Sidaa darteed, ma waxaannu ka garawnaa dhib ka hadal la’aan ubad [Mahdi labadiisa maqaal midna dhib ubad kagama hadal], mise qorshe qoys looma baahna? Mise Eebbaa risiqa bixiyee ha la iska guur guursado?. Haddii middan saaxiibkay rabo, waxa aannu leenahay maalinta aannu aragno ubad la iska dhal dhalay oo waxbarasho, caafimaad iyo nolol wanaagsan helay ayaannu ka garaabi doonaa insha alla. Waana ballan inaannu cafis iyo cudur daar dadka u gudbin doono, isla jeerkaana qori doono: Ha la iska dhal dhalo. Kana tanaasuli doono fikirka ah: Qorshe ha lagu dhalo.

Intaa ka dib, waxa asxaabta badankoodu soo qaateen weedhan oo aan dhammaystirneyn, mana aqaan sababta ay uga badh tegayaan, waayo iyada oo dhammi waxay xanbaarsan tahay masuuliyad weyn:

“Ha guursan, haddii aad guursatana ha dhalin, haddii aad dhashana hal ha ka badsan. Maxaa yeellay tobankii walaalkaa amma walaashaa amma abtigaa amma adeerkaa amma Soomaali Maxamed dhaleenba adiga ayay ku sugayaan”.

Bal hadda u fiirso aniga oo Ha guursantaa iyo sababteeda sii daba taagan baan qormadaydii labaad, ahaydna middii saddexaad ee doodda intaanu Mahdi soo gelin ku idhi: “Qorshe ku guurso, qorshena ku dhal dhal”.

Haddaba waa yaabe, halkeen ka garaabaa? Ka kaalay, weedhan kale iyo qaladka ay leedahay ee garawshiiyo mudan illaa hadda ma fahmin, bal akhriste adna aad iilla dhugo: “Ujeedkeennu (midka dooddu) waa sidii aan u soo saari lahayn ubad inaga tayo wanaagsan, waayo, sidii aan u soo koray iyo noloshii aan ku soo koray mid ka wanaagsan baan ilmahayga la jecelahay, adna la jeceshahay, dhammaana la wada jecel nahay” Hadalkan ma wax gef ah baa ku jira? Ma abaal ka dhac baa ku jira? Ma haaraan waalid baa ku jira? Mise waaba dhiiri gelin ku saabsan sidaan jiil wanaagsan u soo saari lahayn. Kumaanse jeclayn in ilmihiisu ka wanaagsanaado? Midka ilmaha iyo xudun xidhku waa jiray, waxaanse kuu sheegayaa ilmo miyi ku dhashay, kuna bar baaray kama duwana neefka yar ee waysha amma nirigta amma naysha ah ee uu la joogo.

Waxaaban qabaa inaan caruurtaasi cadaabul-qabriba lahayn. Haddaba, waa yaabe, maxaan ka garaabaa Ka kaalay, bal weedhanna illa eeg: “Maxaa yeellay qorshaha tartan (Dunida kale lala galo) inooguma jiro oo nolosheenna oo idil baa fawdo iyo qarfe iska ahayd illaa iyo ab ka ab” Bal hadalkanna aad u dhugo oo qaladka ka soo saar aan kaba garaabee.

Iska dhaaf middaa hore, oo teenna hadda ayaa qarfe iyo fawdo iska ah sidaan qabo. Wixii jiray amma jira sheegidooduna ihaano iyo hafrid maaha ee qarsashadooda ayaan wanaagsanayn sidaan qabo. Waase haddii isbadal la rabo. Ugu danbayn saaxiibkay Mahdi waan uga mahad celinayaa naqdintiisa, sidoo kale dhammaan akhyaarta doodda wajiga cusub u dhigay waan ku bogaadinayaa, waanan ka raali gelinayaa maqaalkan aan xidhiidhka tooska ah la lahayn ubadkii aan ka hadlaynay.


Qallinkii: Axmed Ismaaciil  (Axmed Deeq)

awliyo177@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories