HomeGarabyada Xisbiga Kulmiye Oo Ku Heshiiyey in Tartan Xor ah oo Bilaa...

Garabyada Xisbiga Kulmiye Oo Ku Heshiiyey in Tartan Xor ah oo Bilaa Turxaan ah la Galo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Garabyada ku loolamaya musharaxnimada Kulmiye ayaa ka heshiiyay arrimihii lagu muransanaa kadib kulamo labada dhinac gooni-gooni ula yeesheen madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la galo tartan xor ah oo ka dhaca xisbiga gudihiisa, sidoo kalena la magacaabo guddi hogaanka xisbiga ah oo qabanqaabisa shirka golaha dhexe ee xisbiga oo loo qoondeeyay bisha November 10-keeda. Waxay guddidu ka koobnaanaysaa hogaanka xisbiga iyo wasiirka gaashaandhiga.

 

Xalkan oo lagaga dhawaaqay kulamo labada garab ku yeesheen xarunta xisbiga ayaa ka dambeeyay kulan madaxweyne Siilaanyo shalay la yeeshay Muuse Biixi iyo kulan uu isla maanta la yeeshay garabka kale ee Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo xildhibaan Kijaandhe.

 

 

“Waxaa lagu heshiiyay in xisbigii Kulmiye xisbigiisii yahay, in hogaankiisu sidiisii yahay, shaqadii socotayna wixii la qabtay dib loo eegi karo, cidda hawshaas qabanaysa ee dhammaystiraysaana tahay hogaanka xisbiga, waxaana lagu kordhiyay Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo la talinaya,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ku dhawaaqay go’aanka.

 

Waxa uu intaasi raaciyay Wasiir Cukuse “Hawsha waxaa qabanaya guddoomiye xigeenka koowaad Maxamed Kaahin, guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, kuxigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo xoghayaha guud Xasan Siciid. Arrinta odhanaysa madaxweynaha ayaa guddi magacaabay waxba kama jiraan. Madaxweynuhu wuxuu ku dedaalay in xisbigu isku soo dhawaado, hogaanka xisbigana aan waxba laga bedelin ee saaxad dimuqraadi ah loo abuuro. Saaxaddaas dimuqraadiga ah ee golaha dhexe musharaxiintu ay ku tartami karto,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

 

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiska iyo midnimada tahay caadada Kulmiye, wuxuuna tilmaamay in hadda ay midaysan yihiin dhinacyadii dhawaan kala tagay  “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa saaxiibadayada naga yara cadhooday ee aanu soo ladqabaysanay oonu is fahanay, waa inoo midnimadii Kulmiye. Waa inoo tartan xalaal ah,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka khaarajiga ahna musharax ayaa isna yidhi “ Waxaa farxad noo ah anagoo gabi ahaantayo ogol in meeshaa Kulmiye la yidhaahdo ahaado xisbi xaakimkii, in midnimada xisbigu muqadas naga tahay, in nabada wadanku muqadas naga tahay, inaanu jecelahay tartan xalaal ah oo xor ah oo loo siman yahay inuu dhaco. Anigoo musharax Kulmiye ah waxaan caddaynayaa in dhammaanto aanu isku raacnay in tartan xalaal ah uu dhaco,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

 

Garabka musharaxiinta isbahaystay ayaa si weyn u doonayay in shirka golaha dhexe loo saaro guddi qabanqaabo halka garabka Muuse rabay in hogaanka xisbigu wado hawlaha qabanqaabada shirkaasi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories