HomeGarabkii ka goostay Xisbiga UCID oo Urur Siyaasadeed Cusub ku dhawaaqay (DAAWO...

Garabkii ka goostay Xisbiga UCID oo Urur Siyaasadeed Cusub ku dhawaaqay (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost) – Xubnihii dhawaan iska casilay  xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta ku dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo magaciisu yahay (Somaliland National Party)  oo lagu Magacaabo WADANI.

blankMunaasibad balaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa isla-markaana ay ka soo qayb-galeen dadwayne tiro badan oo lagu soo casuumay, ayaa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedkan cusub oo la sheegay inuu u taagan yahay rumaynta himilooyinka bulshada Somaliland oo ay ugu weyn tahay Ictiraaf.

blankUrur siyaasadeedkan cusub oo guddoomiye ku meel-gaadh ah uu ka yahay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isagu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xubin-nimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.

blankXasan Xuseen Maxamed (Cod-yare) oo ka mid ah xubnaha urur siyaasadeedkan aasaasay oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaanu ku dhawaaqaynaa urur siyaasadeedka WADANI (Somaliland National Party), midabka calankiisu waa laymuuni, caalamada ururkuna waa Galaydh, waxaasina si dhib yar kumay iman oo in badam ayaa laga fikiray guddo iyo dibadba, fikirkaa badana ka soo baxay ururkii biyo kama dhib-caanka ahaa ee WADANI, ILAAHAYNA haga dhigo kii dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca.”

blankMd Cod-yare waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedkan loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) si uu hawlaha ururka u sii wado, ninkaas oo ah siyaasi ah, aqoonyahan ah oo maamul yaqaan ah oo ka qalin-jabiyey kuliyadda xalinta khilaafaadka, ninkaas oo aanu isleenahay waa ninkii Somaliland u baahnayd.”ayuu yidhi Md Xasan Xuseen Maxamed.

blankGuddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), isla-markaana ah guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ka mid ahaa tobankii sanadood ee u dambeeyay xisbiga UCID oo aan aasaasayaashiisa ka mid ahaa, sidaa daraadeed waxaan maanta hortiina ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkii iyo xubin-nimadii xisiga UCID, kana mid ahay aasaasayaasha urur siyaasadeedka cusub ee WADANI, lana tashaday gar-yaqaano ii cadeeyay in talaabada aan qaaday ay tahay mid waafaqsan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeerarka kale, waxaana tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa Alle ha u naxariistee Madaxwaynihii wadankan dhisay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isaga oo Madaxwayne ah ayuu ururkii UDUB dhisay.”

blankMd Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in ka sakow is-casilaadiisa ay jiraan xubno ka badan15 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ay go’aansadeen inay ka baxaan xisbiga UCID “Sidoo kale, dood dheer ka dib mudanayashii aan ka midka ahaa ee ka soo baxay xisbiga UCID ay go’aansadeen inay iska casilaan xubin-nimadii iyo xilalkii ay ka hayeen xisbiga UCID, kana mid noqdaan aasaasayaasha urur siyaasadeedka WADANI”ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan waxaanu intaa ku daray “Wadani waxa uu taagan yahay sugida amniga qaranka, waxa uu u taagan yahay hanka, hiigsiga muwaadiniinta Somaliland, waxa uu u taagan yahay hirgalita himilooyinka bulshadu hiigsanayso , waxa uu u taagan yahay rumaynta hilida muwaadinka Somaliland oo ay ugu weyn tahay in ictiraaf la helo.”

blankMunaasibadan lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedkan cusub ee WADANI waxa ka maqnaa Aaden Maxamed Mirre Waqaf oo in badan ay halgan ku soo wada jireen kooxdan ururka ku dhawaaqday, kaasi oo shalay war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inaanu ka mid ahayn ururkaasi.

blank

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories