HomeGarabka Waqaf ee Xisbiga UCID oo Eng. Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay...

Garabka Waqaf ee Xisbiga UCID oo Eng. Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu meel kaga dhacayo hana-qaadka Dimuqraadiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Garabka Waqaf ee Xisbiga UCID ayaa Guddoomiyihii hore ee Xisbiga UCID, Fayal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu ka soo hor jeedo dimuqraadiyadda Somaliland isla markaana ku hanjabay inuu dalka khalkhal nabadgelyo ku abuurayo.

blank
Mid ka mid ah Hoggaanka Garabyada UCID

Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen Garabkaasi ayaa ujeeddada nuxurkiisu tahay jawaab ku aaddan hadal kuu Eng. Faysal Cali Waraabe jeediyay 2/9/2011 kaas oo ay dhaliileen hab-dhaqan ay sheegeen inuu ka hor imanayo hannaanka xisbiyada badan ee Somaliland.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xisbiga ayaa u dhignaa sidan:

“Anaga oo tixraacayna hadal uu 02/09/2011 jeediyey gudoomiyihii hore ee Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, hadaladaas oo meelka dhac weyn ku ahaa qarankan dimuqraadiga ah iyo dastuurkiisaba.

Ugu horayn waxa oo ku matalay Xisbiga UCID inuu yahay Hotel Maansoor. Oo hanti maguurto ah oo cid gaar ahina leedahay,halka Xisbiga UCID yahay Xisbi Qaran oo ummadda Somaliland wada leedahay sida uu dhigayo distuurka qaranka iyo xeerarka u yaalaba Xisbiga UCID waa Xisbi qaran waxaana wada leh gobolada dalka iyo ummadda Somaliland oo dhan.

Guddoomiyihii hore waxa dhamaatay tobankii sanno ee xeerka Xisbigu u ogolaa ee uu isagu gacantiisa ku saxeexay, hogaanka ku meel gaadhka ah ee Xisbiga UCID, Guddida fulinta iyo dhamaan masuuliyiinta gobolada dalka iyo xildhibaanada golaha wakiilada Xisbiga UCID waxay hiil u yihiin dastuurka Qaranka Somaliland iyo xeerarka u yaala.

Haddii Faysal Cali Waraabe ay suurta gasho inuu Xisbiga yeesho xisbiyada qaranka iyo ururada la furaayona cid gaar ahbaa sheegan.

Ummadda Somaliland ha ogaato in Faysal duulimaad ku yahay diimuqraadiyada ka hanaqaaday Somaliland. Waxa uu Faysal ilaa maalintii laga helay doorashadii madaxtooyada bilaabay hadalo ka hor imanaya dastuurka iyo xeerarka dalka, iyo hadalo kale faquuqaya gobolada iyo dagmooyinka dalka waxaanu kala saarsaaray shacabkii Somaliland ee isku duubnaa.

Waxa kale oo uu si badheedh ah ugu hanjabaa inuu khalkhal galindoono nabadgalyada dalka haddii aan la yeelin sida uu isagu rabo.

Mudooyinkan dambena waxa uu kusoo daray inuu yidhaahdo Xamar ayaan tagayaa haddii aan lay yeelin sidaan rabo ama maamul goboleed ayaan ka dhex sameynayaa Somaliland.

Faysal wuxu hadaladiisa ku sheegay in cidda isaga ka hor timaadaa ilaahay la colowday taas oo meel ka dhac diiniya ah.

Waxa kale oo uu hadalkiisa ku sheegay in aanay Maxkamada sare xaq u lahayn dacwada Xisbiga UCID inay ka garnaqdo. meelna uu kaga dhacay madaxbanaanida Maxkamada sare ee sharafta leh ee Somaliland.”

War-murtiyeedka ka soo baxay Garabka Waqaf ee Xisbiga UCID ayaa ku soo beegmaya maalin ka hor natiijada laga sugayo garsoorka maxkamadda sare ee looga fadhiyo inay kala saaaraan khilaafka hadheeyay Xisbigan Qaran ee masuuliyiintiisii isku haystaan lahaanshihiisa.

Maalinta Berri ah ayaa Maxkamadda sare ee Distooriga ah laga sugayaa garsoorka looga fadhiyo sidii xal loogu heli lahaa muranka ka dhex dillaacay guddoomiyihii hore ee Xisbiga iyo masuuliyiinta kale ee ay isku xisbiga yihiin

Somalilandpos.net

Somalilandpost08@gmail.com

Hargeysa, Somaliland   

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories