HomeGarabka Raadinta Guusha Qaranka ee ay ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo...

Garabka Raadinta Guusha Qaranka ee ay ku Bahoobeen Siyaasiyiin Miisaan leh oo la Midoobay xisbiga KULLMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiin miisaan leh oo ku bahoobay Garabka Raadinta Guusha Qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo maanta lagu soo dhaweeyey siyaasiyiinta, kana qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, siyaasiyiin miisaan leh, xildhibaanno, haween, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ku bahowday madasha Raadinta guusha qaranka, taageerayaashooda iyo marti-sharaf kale, waxaana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweeynayey cudduda cusub ee xisbiga ku soo biirtay, isla markaana lagu iftiimiyey inuu KULMIYE yahay xisbi aan la kala sheeganin, balse loo soo kala horreeyey.

1 (3)Xubnaha Garabka Raadinta Guusha Qaranka ee xisbiga UCID ka soo baxay oo ay ka mid yihiin xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo Golaha Wakiillada ka tirsan, Guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Md. Aadan Xuseen Maxamed, Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Md. Axmed Maxamed Buuni, Xoghayihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa Gobolka Togdheer Md. Saleebaan Maxamed, Suldaaan Jimcaale Maxamed Ciise, siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali, siyaasi Cali Aadan Seed, siyaasi Maxamed Mahdi Buubaa, Caaqil Cabdiraxmaan Siciid Axmed, Suldaan Cabdiraxmaan Ibraahim, Cabdifataax Muuse iyo xubno kale oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday siyaabihii ku kallifay inay ka baxaan xisbiga UCID, kuna biiraan KULMIYE, waxaanay sheegeen inay si wadajir ah u go’aansadeen inay codkooda iyo cuddudoodaba ku dhisaan xisbiga talada haya ee KULMIYE.

1 (1)Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah Golaha Wakiillada, isla markaana hormuud ah siyaaisyiinta cusub ee ku soo biiray KULMIYE, ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey madasha ka jeediyey, waxaanu bulshada u soo bandhigay qardoofooyin sharci oo uu ku kacay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waqtigii uu hoggaaminayey Golaha Wakiillada, waxaannu yidhi, “Waxaan hayaa khiyaano uu WADDANI galay oo qofka gala ee masuul ah ay tahay in maxkamad la taago, taas oo ahayd inuu Guddoomiye Cirro wax ka beddelay xeerka gobollada iyo degmooyinka, waxaana uu is-weydaariyey qoddobka Toddobaad oo ahayd Lix bilood in la soo gudbiyo oo uu u beddelay Lix bilood gudahood.”

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhinaca Amniga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga ku soo biiray iyo taageerayaashoodaba, waxaannu ku boorriyey inay u wada guntadaan sidii uu KULMIYE talada dalka mar labaad ugu guulaysan lahaa.
Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey garabka miisaanka leh ee UCID kasoo baxay, kuna soo biiray KULMIYE, waxaannu xusay in awoodooda, cuddudooda iyo codkoodaba xisbiga KULMIYE dhexdiisa looga baahanyahay.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in siyaasiyiinta cusub ee xisbiga ku soo biiray la xuquuq yihiin kuwii hore u sii joogay, isla markaana aanay marnaba qariibnimo dareemi doonin, waxaannu yidhi, “Dhaqanka xisbiga KULMIYE ayaa ah in dadka ka tirsani ay xuquuq siman wada leeyihiin, taladiisa iyo arrinkiisana meel bay uga soo wada jeedaan, idinkuna qariib kuma tihidine shidhkaad saaran tihiin.”

Guddoomiye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ka digay tallaabooyin la sheegay inay xisbiga WADDANI kaadhadhka cod-bixinta kaga urursanayaan meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaannu tilmaamay inaannu dhaqankaasi dimuqraaddiyadda ku haboonayn, isla markaana aannu KULMIYE dhaqankaas lahayn, “Haddii aynu bahda KULMIYE nahay waxa la doonayaa inay doorashada si nabadgelyo ah ku galno oo qof KULMIYE ahi aannu maalintaas codkiisa la seexanin, warbaahintuna waxa ay qoraysaa inuu xisbiga WADDANI doonayo in meelaha taageerayaasha KULMIYE ku badan yihiin uu kaadhadhka ka iibsado, innaguse dhaqankaas ma lihin,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories