HomeGarabka Kulmiye ee Madaxtooyada oo Kulan Qado-sharaf ah oo ay isku muujinayeen...

Garabka Kulmiye ee Madaxtooyada oo Kulan Qado-sharaf ah oo ay isku muujinayeen ku Qabsaday Hotel Ambasaddor (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- In ka Badan 250 Xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe iyo Xubnaha Fulinta Kulmiye ee Garabka Madaxtooyada taabacsan, ayaa maanta Kulan Qado-sharaf ah oo madaxweyne Siilaanyo u fidiyey isugu yimi Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas laga sheegay inay Aqbaleen baaqa dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtidu ugu jeediyey in lagu Xaliyo khilaafka ka dhex-aloosan labada garab ee Kulmiye u kala fadhiyo.

IMG_9987Kulanka oo ujeeddadiisa lagu sheegay inay isku-bartaan Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee dhowaan ay magacaabeen Shir-guddoonkii Shirweynaha 3aad ee Xisbiga, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xoghayaha Guud ee Kulmiye iyo xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta Xisgbiga ee Garabka Madaxtooyada taabacsan, kuwaas oo qaarkood ka yimaaddeen gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka si ay uga qayb-qaataan shirka Golaha Dhexe ee garabka Xukuumadda oo maanta u qorshaysnaa inuu furmo, haseyeeshee u baaqday dhex-dhexaadin guurtidu labada ka dhex bilowday.

Garabka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa iyaduna adib u dhigay Qabsoomidda Shirkooda Golaha Dhexe oo shalay ku muddeysnaa ka dib markii ay aqbaleen baaq Guddoomiyaha Guurtidu u jeediyey.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay madasha ku sugan yihiin 257 xubnood oo Golaha Dhexe ah, halka labaataneeyo kale hawlo shaqo ugu maqan yihiin Dibeda.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka hadlay madasha, ayaa sheegay in balantu ahayd in maanta uu qabsoomo shirkii Golaha Dhexe ee Garabkoodu balse ay talo ahaan qaateen baaqii Ergada Golaha Guurtida, taasoo uu ku tilmaamay in ay qaadan doonto maalmo kooban.

Xubnihii kale oo halkaas ka hadlay, waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Cabdiraxmaan Talyanle iyo Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaanay hoggaanka Xisbiga ugu baaqeen inay ku soo laabtaan hoggaaminta talada Xisbiga.

Intii aan ku sugnaa munaasibadda is-barashada ah ee laysugu keenay Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta Garabka Kulmiye ee Madaxtooyada, waxa ay ishaydu Qabanaysay Shakhsiyaad ku jiray Liisas ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye dhowaan magacaabay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories