HomeGarabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye oo Kullan ay ku Xoojinayaan Diidmadooda Shirka Berri...

Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye oo Kullan ay ku Xoojinayaan Diidmadooda Shirka Berri Furmaya Ku Qabsaday Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Musharaxiinta isbahaystay ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale, ayaa kulan qado sharaf ah ku leh hotelka Guuleed ee Hargeysa.

 

Kulankan oo ay joogaan ilaa 350 qof waxaa qayb ka ah madaxdhaqameed, taageerayaal, masuuliyiintii iscasilay iyo musharaxiinta isbahaystay iyo dadweyne kale, waxaana lagu sharaxay calanka xisbiga Kulmiye.

 

Madasha ayaa lagu xoojinayaa taageerada garabkan iyo taageerayaashoodu u hayaan qaadacadaa musharaxiinta isbahaystay shalay ku dhawaaqeen ee ah inaanay ka qayb gali doonin kulanka bari ee lagu dooran doono musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne xigeen ee xisbiga Kulmiye.

 

Madashan ayaa dhalliilo loogu jeediyay garabka Muuse Biixi oo lagu eedeeyay inay afduubeen xisbiga, islamarkaana khilaafka ka dhigeen la isku joojin maayo, iyagoo ka digaya mustaqbalka xisbiga.

 

Xubno ka mid ah aasaasayaashii Kulmiye oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay xisbiga ka bixi doonaan haddii aan la isku joojin oo shirku sidaasi ku qabsado.

Xildhibaan Kijaandhe oo ka mid ahaa musharaxiinta isbahaystay ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye in yari wadato“Tareenkii Kulmiye ee aynu inta badan soo saarnayn waxaynu uga degnay waxaynu arkaynaa halka uu ku socdo. In yar ayaa maanta saaran, intaasina waxay saaran tahay shidhka hore oo isteerinka ayay isku haysaa. Isku ciil kaabiyi maayo oo waxan ahay qof weyn oo waxa xun iyo waxa san kala garanaya,” ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

 

Cabdicasiis Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka tartanku ahaa in dadku helo cid uu kala xusho, balse aanay ahayn cid dadka loo jujuubo “Guushu maaha inaad gaadho waxa aad doonayso gaadho oo kale ee waa in xaqu guulaysto. Waa in dadnimada iyo damiirku guulaysto. Waxaan leeyahay waynu guulaysannay oo damiirka fiican ayaa guulaystay. Shirkaas Kulmiye ee bari qabsoomaya, anigu isma lihi wuu qabsoomiye, waa laga yaabaa in 24 saacdood ee soo socda aad maqasho wuu qabsoomi waayay shirkii oo dhawr markii hore dulmi ku heshiisay ayaa wax isku qabatay,” ayuu yidhi Samaale.

 

Wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna goobta ka sheegay inay shirka Kulmiye u diideen caddaalad darro ka jirta xisbiga, islamarkaana madaxweynaha laga waayay xal arrintaasi laga gaadho. Wuxuu sheegay in garabkoodu samayn doono wadatashi balaadhan oo ay ku go’aansan doonaan halka ay xaaladda taagan uga dhaqaaqi doonaan.

 

Dr Cali Aw Yuusuf Axmed, guddoomiye xigeenka labaad ee wakiillada oo soo gabogabeeyay kulanka ayaa sheegay in Guddoomiye Muuse ku dedaalay sidii uu u heli lahaa musharaxa, balse dedaalkii madaxweyne lagu noqon lahaa dadkii ka soo horjeedaan  “Waa la helay sidii musharax madaxweyne loo noqon lahaa ee waxaa dhiman sidii loo noqon lahaa madaxweyne,” ayuu yidhi Dr Cali Yuusuf.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories