HomeGarabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xaalada Qalafsan Ee Dhalinyarada Somaliland...

Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xaalada Qalafsan Ee Dhalinyarada Somaliland Ku Gadaaman

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Garabka dhallinyarada heer-qaran ee xisbigaWADDANI, wuxu walaac xoog leh ka muujinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada Somaliland oo muddooyinkii danbe si aadah uga tahriibaayey wadanka, ka dib shaqo la’aan baahsan, qaraabo-kiil iyo daryeel-la’aan ay kala kulmeen xukuumadda talada dalka haysa ee Kulmiye.

XisbigaWADDANI, mar walba isaga oo ka duulaya daryeelidda iyo ilaalinta dareenka waddaniyadeed ee dhallinyarada,wuxu si mug leh u dhalliilayaa qorshela’aanta xukuumadda Kulmiye ay ku wajahdo dhallinyarada Somaliland, waxaana suuqyada iyo maqaaxiyaha shaaha fadhiya kumanaan ka mid ah dhallinyaraddii ka qalin-jabisay jaamacaddaha dalka oo u shaqo la’ qorshe la’aan,eex, qaraabo kiil, musuq-maasuq iyo danaynla’aan ay kala kulmeen xukuumadda Kulmiye oo wax ku xulata hayb iyo nin jeclaysi.

Wasaaraddii qaranka uga masuulka ahayd siyaasadda dhallinyaradu, waxay noqotay magac lagu mushahar qaatooo aan manfac iyo macne ugu fadhiyin dhallinyarada, waxaana ay ku fashilantay dhammaan qorshayaashi mustqabal ee ay siyaasaddeeda masuulka ka ahayd oo dhan. Iyada oo ay ugu danbeeysay oo marag furay innoogu filan tahay ugukoobkii gobollada halkay la mareen.

Dhibbaatada Shaqo-la’aanta:

Sida ay khubarada dhaqaale-yahannadu sheegaan,shaqo-la’aantu waa aafo qaran, balse hadana waxa ay isku raacsan yahiin in aan la tir-tiri karin, waxaana aykhubarada dhaqaale-yahannadu aamminsan yihiin inkaliya uunla yarayn karo heerka shaqo-la’aaneed ee bulsho, waxaana aynu ka warqabnaa in guud ahaan ay waddanka ka jirto shaqo-la’aan aad u baahsan gaar ahaan dhallinyarada kumaan-kunka

ah ee sannad walba ka soo qalin-jabiya jaamacadaha dalka taasi oo saamayn xoog ah ku yeelatay rajadoodii mustaqbal ee ay hiigsanayeen iyo guud ahaan qaranka Somaliland.

Dhallinyaradu waa xoog dihin una diyaar ah sidii looga faa’idaysan lahaa, waxay waddanka ka yihiin ilaa 70%, waaqaybta ugu badan ee bulshadeenna, waxaana hubaal ah in haddii aan loo samaynqorshelagu abuurayo fursado ay shaqooyin ku helaan sannad walba dhallinyarada jaamacadaha ka soo qalin-jabinaysa ay abuuri karto inxooggaa dihin ee aan laga faa’iideysan eedhallinyaraduuu keeno in ay mar uunayfulkaane’ inagu noqdaan, taas oo sababi karta in ay ka dhalato falal ammaan-darro ahiyo arrimo kale oo badan oo aan mustaqbal ahaan innoo fiicneyn.

Xukuumadda Kulmiye, waxa ay u muuqataa mid aan ilaa haddadhaadanayn dhibaatada ay abuuri karto shaqo la’aantu iyada oo tan iyo waagii ay talada dalka qabteen aanay la iman wax qorshe ah oo dhallinyarada Somaliland looggu abuurayo fursado shaqo, waana ayaan-darro in xukuumaddaKulmiye ay illowdo dhallinyarada Somaliland oo waagii ay mucaaradka ahayd si aad ah ay ugu ololaysan jirtay in ay wax u qabanayso.

Dhibaatada Tahriibta

Tahriibtu, waa aafooyinka qaran ee muddooyinkii danbe sida aadka ah inoo saameeyey, waxa maalin walba badaha iyosaxaraha Liibiya ku dhinta dhallinteennii, xooggeennii, ubadkeennii iyo caruurteennii oo markii ay shaqo iyo daryeelidba ka waayeen dalka u boqoolay waddammo kale oo Ajnabi ah siuga baxaan rajo-beelka.

Dhallinyarada Tahriibta, waa kuwii xoogga iyo aqoonyahanka u ahaa waddanka, waa kuwii la doonaayey in la daryeelo si ay xooggooda dihin ay uga faa’ideeyaan dalka balse waxa awooddoodii ka faa’idaysanaya waddammo kale oo Ajnabi ah. Waad qiyaasi kartaan waddan dadka intiisii xoogga ahayd ay ka tahriibayso cidda iskugu soo hadhaysa! Waxa iskugu soo hadhaya waa Aabboyaal, Hooyooyin, Awoowyaal iyo Ayeeyooyin, aan awood badan u lahayn in ay soo saaraan khayraadka iyo wax-soo-saarka waddanka.

Garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani, wuxu mar kale walaac xooggan ka muujinayaa aayaha danbe ee waddanka maa-daama ay dhallintii ay u tahriibayaan waddammo kale oo shisheeye.

Gunaanad/Tallo Soo Jeedin:

Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbigaWADDANI, isaga oo walaac ka muujinaaya xaaladda dhallinyarada sida oo kalena ka hor tegaaya hadimo kasta oo ku xeeran mustaqbalka dhallinyarada Somaliland, waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda, hay’addaha daneeyaha arrimaha dhallinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta Somaliland in ay badbaadiyaan sida oo kalena ay la yimaadaan qorsheyaal lagu horumarinaayo laguna daryeelayo dhallinyarada Somaliland.

Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, waxa uu sida oo kale uu ugu baaqayaa

madaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu dib-u-eegis iyo dib-u-habeyn uu ku sameeyo wasaaradda fadhiidka ah ee dhallinyarta iyo ciyaaraha, oo hagar-daamo ku ah qaranka Somaliland.

Waxa kale oo garabka dhallinyaradu ugu baaqayaa madaxweynaha in uu iyadana dib-uu-eegis ku sameeyo siyaasadda horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan sanduuqahorumarintadhallinyarada oo aan wax horumar ahka geysan duruufaha ku xeeran dhallinyaradaisla markaana uu hada hafrid iyo hugun beenakuyahay dhallinyarta Somaliland.

Ugu dambeyntii, garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI, waxa uu soo dhaweynayaa tallaabo kasta oo looggu hiilinaayo mustaqbalka iyo horumarka dhallinyarada Somaliland, sidoo kalena lagaga hortegaayotallaabo kasta oo lagula tacaalayo dhibbaatooyinka shaqo la’aanta iyo tahriibta.

Af-hayeenka dhallinyarada Xisbiga WADDANI

Maxamed Sidiiq Dhamme.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories