HomeGarabka Cali Waran-cade ee Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inay carqaladaynayaan Doorashada...

Garabka Cali Waran-cade ee Xisbiga UDUB oo ku hanjabay inay carqaladaynayaan Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost), Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Md Cali Yuusuf oo todobaadkan kulamo goni gooni ah la yeelanayey garabyada Xisbiga UDUB u kala qaybsan yahay ee Cali Waran-cade, Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), Guddiga Komishanka Doorashooyinka qaranka iyo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ahaana Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md Axmed Yuusuf Yasiin oo jagada Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga iska casilay, markii khilaaf daba dheeraaday uu hadheeyay Xisbiga UDUB ayaa maanta isaga iyo garabkii Cali Waran-cade hogaaminayey waxa u yeedhay shir-guddoonada labada Golle oo todobaadkan aynu ku jirno xog-waraysi waday ku saabsan waxa u sabab ah in Xisbiga UDUB uu ka hadho doorasha Golaha Degaanka ee 28-ka November ka dhacaysa dalka, isla markaana maanta marki labada shir-guddoon ay shir albaabadu u xidhan yihiin lagaleen waxay Garabyada Xisbiga UDUB is-ku haysta u shegeen inay iyagu masuul ka yihiin burburka Xisbiga UDUB oo uu sidaas kaga hadhay Doorashada Golaha Degaanka.

blankKullankaas oo ka dhacay Aqalka Golaha guurtida ayaa marka uu soo dhamaday garabka Cali Waran-cade uu hogaamiyo waxay shir jaraa,id ku qabten Xarunta Xisbiga UDUB ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo Murashaxa Xisbiga UDUB Cali Waran-cade iyo ku-xigeenkiisa oo ka hadal go’aanka ay qadayaan, isla markaana Xildhibaan Mataan Hoori oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa waxa uu sheegay inay go’aan ku gadheen in dalkaba ay doorasho ka dhicin haddii khaladkaas wax laga qaban.

Xildhibaanku waxa kale oo uu fariin u diray Ha’yaddaha Somaliland xagga doorashada ka tageero oo uu sheegay inay ku soo lugin haddii arrintayada waxba laga qaban, isla markaana waxa uu sheegay  go’aanka ay qateen labada Golle, Komishanka doorashooyinka iyo xukuumadu ay kaga jawaabayaan in dalkaba ayd oorasho ka dhicin, isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi. “ Guddoomayaashii Gollayaasha iyo Komishankii waxan ka masuul ahaa iyo wixii iyaga oo dhan tageerayay waxa isku raceen in saxaada Siyaasada laga saaro Xisbiga UDUB oo laga reebo doorshada. Anaguna haddaanu nahay UDUB waxa taas kaga jawaabnaynaa oo aanu go’aansanay in doorashaba dalka ka dhicin. UDUB doorashada ay diidana ka dhicimayso dalka. Haddii taas wax laga qaban oo khaladkaas dawlada iyo tageerayaasheedu khaladkaas ay galeen dib uga noqon,”Ayuu yidhi Xildhibaan Hoori oo ka tirsan Golah Wakiilada ee Somaliland.

“Ha’yaddaha Caalamiga ah ee yidhaahda doorasha ayaanu idiin qabanaynaa waxaanu leenahay tan ha ku soo lugo’ina. Haddaad waxtaraysaan wannaagayaga wax ka qabta inay dhibaatadaasi imman. Talaabada aanu qaadaynaa waxay tahay in doorashaba ay dhicin oo waxaanu isku halaynaynaa taageerada Xisbiga UDUB.”

SomalilandPost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories