HomeGarab Gaashaanbuureed Musharaxiinta Kulmiye Ah Oo Shir Yeeshay Iyo Qodobo Afar ah...

Garab Gaashaanbuureed Musharaxiinta Kulmiye Ah Oo Shir Yeeshay Iyo Qodobo Afar ah oo Laga soo Saaray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Hotel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Kulanka waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro iyo wasiir xigeenno tiradoodu soddomeeyo tahay, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano tira badan, siyaasiyiin badan koodu hore xukumadda xilal uga soo qabteen, salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo cuqaal.

 

 

Ugu horayn munaasibada qadada ah waxaa ka hadlay guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe,” ayuu yidhi Mr Talyanle.

 

 

Xildhibaan Talyanle waxa uu sheegay in markii ay maqleen in golaha dhexe laga diwaangalinayo xarunta xisbiga ay Madaxweyne xigeenka kulan la qaateen saddexda Musharax ee kala ah Maxamed  Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye iyo saddexaad ee Kulmiye Xildhibaan Talyanle, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha ay diidan yihiin, balse xilligii balantu gaadhay uu madaxweyne xigeenku u sheegay in sida guddoomiyaha Kulmiye u qorsheeyay aan waxba laga bedelayn.

 

 

“Waxaa jirtay in xalay madaxweyne xigeenku soo hadlay oo noo yeedhay, oo nagu yidhi subaxnimada Sabtida ha ii yimaadaan saddexda musharax iyo labadayaga guddoomiye xigeenno, waxaanu isla eegnay arrintaas waxaanuna isla garanay inaanu u tagno. Balankii oo aanu halkaas dhignay ayaa xalay waxay ciidamada RRU-du waxay ku gudeen oo guluf galiyeen hotelkii aanu qadada maanta ka balaminay oo Maansoor ahaa. Ciidankii hotelka joogay waa la qaaday, waa lala wareegay oo meeshii argagax baa laga abuuray. Waa markii u horaysay ee dawladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye golihiisa wasiirada, goleyaasha qaranka oo dawladda oo isku duubani ay isku adeegsato RRU. Waa wax aad iyo aad loola yaabo oo aan hore u dhicin. Markii intaasi dhacday ninkii Hotelka lahaa ee ganacsadaha ahaa wuu dano sheegtay oo wuxuu yidhi haddii aanay xukumaddii iyo xisbigiinii is waafaqsanayn meesha dad caddaan ah baa jooga, waxaana madashan inoogu deeqay Cali Cumar Guuleed,” ayuu yidhi Xildhibaan Talyanle.

 

 

Waxa uu intaasi raaciyay in markii ay madaxweyne xigeenka saaka u tageen uu ku amray inaanay qaban Karin kulankooda maanta,balse arrintaasi ay ku gacan saydheen maadaama shirar badan hore loo qabtay maantana madaxweyne xigeenku leeyahay munaasibad qado sharaf ah.

 

 

Cabdikariin Xinif, agaasimaha maamulka xisaabaadka ee komishanka la dagaalka AIDS-ka, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaanu guddoomiyaha Kulmiye awood u lahayn qabashada iyo qabanqaabinta shirka golaha dhexe. Waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, wuxuuna meesha ka saaray in jaamac Shabeel yahay guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.

 

Cabdikariin Xinif wuxuu soo bandhigay afar qodob oo garabkoodu u arkaan xalka khilaafka Kulmiye waxayna kala yihiin:-

 

“Talo soo jeedintayada waxay tahay oo aanu xal u aragnaa afartan qodob:

  1. In la joojiyo hawlaha imika sida khaldan u socda ee cid gaari si gaar ah u maamulanayso ee la xidhiidha shirka ee aan la isla ogolayn; sida kaadhadh samaynta iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday ee aan la isla ogolayn, xal baanu aragnaa garna waanu u aragnaa.
  2. In la helo guddi dhexdhexaad ah oo hawlaha shirka golaha dhexe maamusha;
  3. In la abuuro jawi keeni kara kalsooni iyo niyadsami lagu tartamo, taas oo ay ka dhalanayso in musharaxa si xalaal ah ugu guulaysta lagu hambalyeeyo laguna gacan qaado, kadibna loogu midoobo sidii soo saaristiisa loo fulin lahaa;
  4. In laga fogaado in la isku colaadsado fikirka iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha ee musharaxiinta dhexdooda iyo xubnaha kale ee golaha waa la isku colaadsaday oo waa taas saakaba Baybayada la isku adeegsadaye, yaan la isku colaadsan artida xisbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Mr Xinif.

 

 

Somalilandpost Office, 2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories