HomeGaraaddada Sool Oo Sheegay inay Odayaasha reer Muqdisho Ka Aqbaleen Xabbad-joojin ay...

Garaaddada Sool Oo Sheegay inay Odayaasha reer Muqdisho Ka Aqbaleen Xabbad-joojin ay Hore U Diideen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Garaaddada Colaadda Ku baaqay ee ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa caawa sheegay inay Isimada Dhaqanka ee ka yimi Muqdisho ka dalbadeen xabbad-joojin ay ka dalbadeen.

Suldaan Mustafe Muxued Aw Seed oo ka mid ah Madaxda Dhaqanka Beelaha Dhulbahanta warbaahinta la hadlay Caawa, ayaa shaaciyay in dhinacooda ay si rasmiya u aqbaleen codsiga xabad joojinta ee madaxda Dhaqanka ee Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku sii daray inay Xukuumadda Somaliland ka rajaynayaan inay xabbad-joojin ku dhawaaqeen, in kasta oo xukuumaddu hore u iclaamisay xabbad-joojintaas balse ay Garaaddadu ka dhego-furaysteen.

Odayaashan oo shalay yimid Laascaanood ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe iyagoo haddana qorshaynaya in ay ku dedaalaan in ay yimaadaan Hargeysa inkasta oo aan weli xukuumadda Somaliland ka hadal socdaalka Odayaasha oo isla maanta magaalada Laascaanood kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo La Saftay Garaaddada Gobolka Sool.

blankXukuumadda Somaliland ayaa hore u shaacisay xabbad joojin balse Sabtidii dorraad laashay xabbad-joojintaas kaddib markii maleeshiyaadka Laascaanood weerarro dhowr jiho ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka.

Xukuumaddu waxay sheegtay in maanta wixii ka dambeeya ay qaadi doonto tallaabooyin military oo Qorsheysan maadaama loo hoggaansami waayey xabbad-joojintii ay hore u iclaamisay.

Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqameedka Somaliland Oo maanta magaalada Burco kula hadlay warbaahinta, ayaa odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ka yimi ku eedeeyey inaanay dhexdhexaad ahayn isla markaana u muuqanin ergo lagu kalsoonaan karo.

Madaxda Dhaqanka Muqdisho qaarkood oo shalay kormeer indho-indhayn ah ku tagay goobaha dagaaladu ka dhaceen ee Laascaanood, ayaa u muuqday ergo indho-indhayn ah oo gacanta ku jira garaaddada Sool, waxaanu hadalka ka soo baxay Garaaddadu caawa u muuqdaa mid lagaga hor-tagayo Go’aanka Xukuumadda Somaliland ku qaadatay inay tallaabo miltari ka qaaddo malleeshiyaadka isku urursaday magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories