HomeGaraad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Waramay Ujeedada Kulan Saax-dheer Ku Dhex-maray...

Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Waramay Ujeedada Kulan Saax-dheer Ku Dhex-maray Madaxdhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Saaxdheer (SL.Post) ulan natiijadiisa si weyn loo sugayey oo u dhexeeyey garaadka guud ee beelaha Dhul-bahante Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Salaadiin ka soo jeeda gobolka Togdheer, ayaa maxsuul wanaagsan kusoo dhammaaday, waxana halkaas la iskula gaadhay is afgarad iyo isu soo dhawaansho dan weyni ugu jirto guud ahaanba bulshoweynta ku dhaqan deegaannadaas.

 

garaad-jaamac

 

Kulankan oo ka dhacay gudaha magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool, ayaa ahaa mid muddo maalmo ah halkaas ka socday, waxana dhinacyadu iskula faaqideen sidii taageero mug leh loogu muujin lahaa wada-hadallada dhawaan u bilaabmay maamulka KHaatumo iyo Somaliland oo haatan meel fiican maraysa.

 

 

Garaadka guud ee Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu casuumadda u fidiyey Salaadiinta reer Togdheer, ayaa halkaas si weyn salaadiinta ugu soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu wada-hadalkaas bilaabmay taageersan yahay, isla-markaana ay ka go’an tahay sidii meesha looga saari lahaa colaadda iyo kala shakiga kala dhexyaalla bulshada deegaannadaas ku wada dhaqan.

 

 

Garaad Jaamac oo markii wada-hadalkaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey waxyaabaha ay diiradda ku saareen wada-hadalkooda, “wada-hadallo ayaanu lahayn kadib anigaa salaadiinta casuumad saax-dheer ah u fidiyey salaadiintu Iyana waa iga ajiibeen oo danaha dadkayagaanu kaga wada-hadlaynay, waxana aanu isla garanay maadaama oo aanu madax-dhaqameed nahay inaanu nabadgelyada ka wada shaqayno oo iska kaashanno. Wixii dhibaato ku keeni karona laga hortago.” Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

 

Garaad Jaamac, ayaa si cad u sheegay inuu taageero buuxda u hayo midho loo aayo oo kasoo baxa wada-hadalka maamulka Khaatumo iyo Somaliland dhawaan u bilaabmi doona, isagoo intaas ku daray inuu ku dedaali doono sidii hawshaasi guul ugu dhammaan lahayd, waxana uu yidhi,“Wada-hadalka Somaliland iyo Khaatumo waanu ku garab taaganahay sidii dhibka jira loosoo afjari lahaa, meel kastoo ay ka adkaatana waxa naga go’an inaanay hawshaasi qabyo yeelan, sababtoo ah dadkayagay dani ugu jirtaa oo deris wanaagay dani noogu jirtaa.”

 

 

Garaad Jaamac waxa uu xusay in isaga iyo salaadiinta uu casuumay ay hab nabadeed ku wada joogaan oo ay is afgarteen, waxana uu yidhi,“nabadgelyaanu iskugu nimi oo ku wada joognaa si fiican oo wada-dhalasho leh oo xigto lehna waanu isu afgaranay.”

 

 

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee Beelweynta Dhulbahante, ayaa ahaa mishiinka dhaqaajiya kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif ee Khaatumo, waxana uu in muddo ah ahaa nin si weyn uga soo horjeeda arrimaha Somaliland, balse waxa ay tallaabadani noqonaysaa mid yididiilo weyn gelisa nabad kuwada-noolaanshaha shacabka walaalaha ee deegaanada Bariga dalka ku nool oo ay muddooyinkii dambe u ifaysay xiddig naruuro lihi.

 

 

 

Somalilandpost.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories