Home“Garaad Cabdiqani heshiiska Somaliland ayuu ka taliyey, Inna Garaad Cali-na Colaaddeeda...” –...

“Garaad Cabdiqani heshiiska Somaliland ayuu ka taliyey, Inna Garaad Cali-na Colaaddeeda…” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ciidanka JSL maaha qabiil ee waa Ciidan Qaran” – Wasiirka Gaashaandhiga

“Deegaankan aynu joogno dadkiisu waxay ka isiran yihiin oo dhalay Hargeysa,” -Wasiirka Warfaafinta

Laascaanood (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibadii aasaaska ciidanka qaranka ayaa sheegay in horumarka furahiisu tahay nabadgelyo.

Mar uu ka hadlayey burburkii dalkii soomaaliya la odhan jiray ku dhacay, sida Somaliland uga soo kabatay, iyo sababtii qoladii Soomaaliya ugu fashilmeen ayuu sheegay in Somaliland isugeysay aqoonteedii, waayeelkii iyo waxgaradkii dhaqankii Somaliland, taasina keentay inaynu ka soo kabano burburkii.

“Waxgaradkii, garaadadii beesha Sool waxay ahaayeen dadkii martida looga ahaa isu keenista bulshada Somaliland, dhamaan shirarki dhacayna hormuud ayey ka ahaayeen.

Wasiir Kaahin oo ka sheekaynayey taariikhda hormoodka Beesha Sool sida Garaad Cabdiqani, Fagadhe, Baashe Cali jaamac ayaa sheegay in beesha dhulbahante ka mid ahayd dadka tashaday, reer Somaliland-na la tashaday, una taliyey

“shirkii burco keliya kamay qeybgelin, balse dadkii ka talinayey ayey ahaayeen, taladoodana martida looga ahaa.”

Wasiir kaahin ayaa sheegay in dadka maanta la doonayo in la qixiyo yihiin dadka nugul, ninka ubadkiisu qurbaha jooga, waxuu qixinayaan ubadka iyo dumarka laascaanod jooga

“Maalintii Somaliland heshiinaysay Garaad Cabdiqani ayaa talinayey, maantana inankii Garaad Cali dhalay, ayaa colaad nabadgelyo daro abaabulaya.”

Wasiirka Gaashaandhiga Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo hadal ka jeediyey munaasibadii xuska 29aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inaanu Ciidanka Somaliland  qabiil ahayn, balse yahay Ciidan Qaran oo dhamaan Somaliland ka kooban.

“Dadkii xaqdarada lagu dilay waxaa muhiim ah inaynu wadajir u doonano waxii dilay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu inaas ku daray oo uu sheegay in sababihii argagaxisadu rabashada uga abaabuleen Laascaanood ahayd carqaladeynta diiwaangelinta iyo in bulshada reer Sool ka hadhaan diiwaangelinta.

“Waxa la saadaalinayey in laba boqol is-diiwaangeliyaan, laakiin dad kooban ayaa is-diiwaangeliyey” ayuu sheegay Wasiirka Gaashaandhiga.

Mar uu fariin u diray bulshada reer sool ayuu sheegay in rabashadahii la soo abaabulay keeneen in noloshii magaaladu istaagto, oo ubadkii tegi kari waayaan iskuulada

“Dhalinyaradu waa inay ubadka waxbarashadooda u ogolaadaan oo fidmada ka dhex baxaan. Horumarkii gobolka ee istaagay bulshada Sool ayey dhibaato ka soo gaadhaysaa.” Ayuu sheegay Md. Cabdiqani

Wasiirka Warfaafinta Md. Saleebaan Cali Koore oo hadal ka jeediyey munaasibada ciidanka qaranka ayaa sheegay in deegaanka aynu joogno dadkiisu ka soo isirmeen Hargeysa.

Md. Koore oo ka hadlayey taariikhda ummada wada leh JSL ayaa sheegay inay wada deganaayeen muddo ka badan 750 sannadood, oo wada lahaayeen ehelnimo, wada noolaansho, biyo-cab, oo taariikho wanaag ah iyo mid is-diidmo ka dhexeysay.

“Deegaankan aynu joogno dadkiisu waxay ka isiran yihiin Hargeysa, oo dhalay.” Ayuu sheegay Md. Koore

Mar uu ka hadlayey taariikhdii halgamada ayuu sheegay in taariikhda Daraawiish tahay ta ugu mudan ee ummada Somaliland leedahay, sida lagu qeexay dastuurka Somaliland.

Wasiir Saleebaan oo ka hadlayey taariikhda Somaliland ee la soo noqoshadeeda madaxbanaanida ayaa sheegay in ergooyin badan oo beesha Sool ah goobjoog ahaayeen shirkii Burco, oo ugu mudnaayeen Garaad Cabdiqani garaad Jaamac, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,

“Waxa saxeexay madaxbanaanida Somaliland dad badan oo Garaad Cabdiqani, Caaqilki Axmed Xirsi. Iyo Aw Daahir ku jireen.”

Waxuu sheegay inay jiri karaan wax lagu kala duwan yahay, sida aragti, fikir, laakiin mowqifka xukuumadu waa in waxii lagu kala aragti duwan yahay laga wada hadlo

“Annigoo ka wakiil ah Madaxweynaha waxaan diyaar u nahay waxii tabasho ah, goob kasta iyo goor kasta lagaga wada hadlo.” Ayuu sheegay wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories