HomeGar-naqso aad Garowshiiyo Heshide! - W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Qayb...

Gar-naqso aad Garowshiiyo Heshide! – W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Qayb I )

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

eng“Hadafka iyo Himilada ay ku qotonto Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jam. Somaliland

“Gar-naqso aad Garowshiiyo Heshide! Waa Maqaal Taxane ah oo aynu ku falan-qayn doonno Amba-qaadka iyo Geeddi-socodka Gar-naqsi ee uu Qaranka Jam. Somaliland go’aansaday, si uu Garowshiiyo uga helo Beesha Caalamka. Waana Hadafka iyo Himilada ay ku qotonto Siyaasadda Arr. Dibedda ee Jam. Somaliland.”

 “Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Garowshiiyo uga Hesho Beesha Caalamka. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda Dunida ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay……………..”

1.             HORDHAC:

Muhimadda iyo baahida koowaad ee Qaranka Jam.Somaliland waa sugidda ammaanka, adkaynta nabad-gelyada shicibka iyo difaaca jiritaanka QarankaBaahida ama muhimadda labaadna waa raadinta iyo badi-goobka ictiraaf iyo aqoonsi ay JSL ka hesho beesha caalamka. Ka midho dhalinta hanka iyo hiigsiga ummadda JSL iyo in geed gaaban iyo ku dheerba loo fuulo ambaqaadka ictiraaf raadinta iyo qadiyadda JSL waa himilo ay aaminsan tahay Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa. Balse Xukuumad walba leh tabteed iyo xeesheed. Waxaa kala duwan qaabka iyo haannaanka ay Xukuumad walba u iib-geynayso qaddiyadda JSL iyo hilinka ay u marayso xidhiidhka bulshada caalamka.

 

Muddo ka badan 20 sano ayey Jam. Somaliland gebi ahaanba ka gaabsatay inay ka dhex muuqato sayladaha lagu dillaalo arrimaha iyo xaaladaha murugsan ee dalka Soomaaliya iyo dadka ku nool. Shacab, Xukuumad iyo Goleyaal Sharci-dejinba waa laga midaysnaa in  Jam. Somaliland aanay sinaba ugu dhex milmin arrimaha ka socda dalkii la odhan jiray Soomaaliya waxaana ka yaallay Qodob distoori ah oo arrintan xakamaynayey. Waqtiga iyo waayihii markaa jiray ayaa khasbayey in sidaa la yeelo waxaanan aaminsanahay inay ahayd talo iyo tallaabo aad u muhiim ah oo Rabbi ina waafajiyey, dalka iyo dadkana ka bedbaadisay carqalado iyo faro-gelin shisheeye oo khatar ku ahaan lahaa wada-jirka ummadda iyo jiritaanka qarannimada Jam. Somaliland.

Saddexdii Xukuumadood ee talada dalka uga horreeyey Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo, inkastoo ay mid weliba lahayd waayaheeda iyo duruufaheeda u gaarka ahaa kuwaasoo saamayn ku lahaa geeddi-socodka Ictiraafka iyo taabbo-galka Siyaasadda Arr. Dibedda Jam. Somaliland, haddana waxay dhammaantoodba ka sinnaayeen dedaalka iyo baadigoobka ictiraaf raadinta, haba ku kala duwanaadeen qaabka iyo tubta ay u marayeen iib-geynta qadiyadda Jam. Somaliland iyo xidhiidhka ay la lahaayeen beesha caalamka.

Dhinaca kale, Xukuumadihii talada dalka uga horreeyey Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxa jirtay hal arrin oo ay  dhammaantoodba ka midaysnaayeen, taasoo ahayd:  inaan Jam. Somaliland sinaba wada-hadal ula yeelanin Soomaaliya ama ugu dhex milmin arrimaha ka socday dalkii la odhan jiray Soomaaliya, maadaama oo uu Qodob Distoori ahi si cad arrintaa u xakamaynayey.

 

2.  Ambaqaadka Weji Cusub oo Diblomaasiyayeed:

Go’aan kasta oo ay ummadi qaadato waxaa saldhig u ah waayaha, wacyiga iyo marxaladda siyaasadeed ee xilligaa taagan. M/weyn Ahmed Silaanyo markii ay xukuumaddiisu talada dalka la wareegatay, waxa uu arkay baahida Qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado xidhiidhka ay JamSomaliland la leedahay bulshada caalamka, taasoo uu yaqiinsaday inay daruuri iyo lagama maar-maanba tahay in la dardargeliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsi raadiska JamSomaliland.

M/weynaha JamSomaliland waxa uu dib u qiimayn ku sameeyey guud ahaanba qaabka iyo hannaanka Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka beesha caalamka ee xukuumadihii isaga ka horreeyey ay  kula dhaqmi jireen bulshada caalamka. Dib u qiimayntaa iyada ah waxa M/weynaha uga soo baxay oo uu arkay inay daruuri iyo lagama maarmaanba tahay in Xukuumaddiisu ay la timaado Qorshe iyo Weji Siyaasadeed oo cusub oo ka duwan kuwii hore u jiray.

 

In gebi ahaanba aan lala hadal Soomaaliya wakhti iyo xaalad u gaar ah ayey lahayd. Su’aasha is-weydiinta mudani waxa weeyi: Jam. Somaliland ma sii wadi kartaa ku adkaysiga go’aankii ahaa inaan Soomaaliya la hor-fadhiisan oo aan lala hadal; kaasoo ahaa hannaanka Siyaasadeed ee ay Somaliland muddo ka badan 20 sano ku dhaqmi jirtay. Haddaba, ku sii adkaysiga arrintani ma u adeegaysaa danaha iyo maslaxadaha Qaranka Jam. Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah??

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay ku qanacday in ku sii dhegennaanshaha arrintaasi aanay wakhtigan xaadirka ah sinaba ugu adeegayn danaha iyo masaalixaadka Qaranka Jam. Somaliland. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay daruuri iyo lagama maarmaanba u aragtay in dib-u-qiimayn lagu sameeyo Ambaqaadka Siyaasadda Arrimha Dibedda ee Qaranka, isla markaana lala yimaado Siyaasad ku Dhac,  Dhiiranaan iyo Hadafba Cadba leh  oo la jaan-qaadi karta isbeddellada xawliga ku socda ee dunida ka dhacaya, isla markaana u adeegi karta Danaha iyo Maslaxadaha ay Jam. Somaliland ka leedahay dunida.

Xidhiidhka Diblomaasiyadda iyo ka Iskaashiga ee dalalka dunida u dhexeeyaa ma aha mid mar walba meel iska sii yaalla oo si weyn la iskugu hallayn karo ama aan weligii isbedelayn. Wakhtigan xaadirka ah dunidu waxay gashay xilli ay adagtahay in laga sii saadaaliyo qaabka ay u socdaan isbedellada siyaasadeed ee caalamka ka socda.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay Gar-naqsato si ay Garowshiiyo uga Hesho Beesha Caalamka. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah in Jam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ee lagu gorfeeyo siyaasadda ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda JamSomaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka.  Jam. Somaliland waxay ku dedaashay inay suurto geliso inay beesha caalamka ka dhaadhiciso kuna qanciso inaan dunidu isku qaldin  JSL iyo Soomaaliya ee ay yihiin labada dal oo gebi ahaanba kala duwan marka dhan kastaba la eegotaariikh ahaanummad ahaan, xuduud ahaan iyo qaabka maamulka dawliga ahba……..

 

(INSHA ALLAH, BI IDMILLAAH); La Soco Qaybta II-aad ee Maqaalkan:

“Gar-naqso aad Garowshiiyo Heshide!”

 

Wa Billaahi Tawfiiq,   

 

Guul, Horumar iyo Ictiraaf Jam. Somaliland

 

W/Q: Eng.  Hussein Adan Igeh || Hussein Deyr || ||Hargeysa, Jam. Somaliland ||

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories