HomeGanacsatada Somaliland Oo Maalintii Sagaalaad Diidan Inay Dekedda Berbera Wax Kala Soo...

Ganacsatada Somaliland Oo Maalintii Sagaalaad Diidan Inay Dekedda Berbera Wax Kala Soo Degaan Iyo Farriinta Ay Madaxweyne Siilaanyo U Direen

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Ganacsatada Somaliland ee waaweyn ayaa maalintii sagaalaad marinaya gadood ay ku joojiyeen inay dekedda Berbera wax badeecad ah kala soo degaan, ka dib markii uu maamulka dekedu kordhiyay lacag ay ku tilmaameen mid aanay qaadi karin.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, ayaa iyadoo ay hareerihiisa fadhiyaan ganacstada dalka ugu magaca weyni, wuxuu shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaanay ganacstadu qaadi karin lacagaha lagu kordhiyay adeega dekedda Berbera, “Xafiiska ayay ganacsatadu yimaadeen, cabashadaas ayay soo bandhigeen, maamulkoodii markaanu nahay in culayskaasi badanyahay, loona baahanyahay inay ganacsatada iyo dawladu iska arkaan oo ay dawladu dhagaysato cabashada ganacsatadeeda ayaanu isla qaadanay.” ayuu yidhi.

Wuxuu Maxamed Shukri intaas raaciyay “Waa maalintii 8aad intii arrintaasu taagnayd ee ay ganacsatu ku dhiiran weyday in badeecadii dekedda ka taalay ay la soo baxdo. Laba ganacsade oo tartan ka dhexeeyo oo suuqay haystaana ku filnayn isku badeecadna sita way adagtahay inay arrinta noocaas oo kale ah heshiis ka yeeshaan laakiin danbaa midaysay maanta, nin walibana wuxuu arkay inuu culayskaasi badeecadiisii ka dhigayo mid aan tartami karayn, markaas qasab ayay noqotay inay xal raadiyaan.”

Wuxuu Maxamed Shukri, sheegay inay ganacsatada isla qaateen in lacagta la kordhiyay aanay dan u ahayn qaranka iyo ganacsatadaba, waxaanu farriin u diray Madaxweynaha, isagoo yidhi “Waxaanu u aragnay culayskaas maareeyuhu badeecad saaray inaanu cidna dan u ahayn, oonu isaga dan u ahayn, anana dan noo ahayn. Waxaanu codsigayaga u jeedinaynaa madaxweynahayaga aanu dooranay oonu leenahay raggaagii ayaanu nahay, dadkaad ku tiirsantahay ayaanu nahay, waxaanu doonaynaa in lanoo dhego nuglaado oo lana dhagaysto.”

Ganacsade kale oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Korodhsiimada dekedda, horena waanu uga hadalnay imikana waanu ka hadlaynaa oonu leenahay tacriifad la qaadi karo maaha, culays badan ayay leedahay, qarankana dan uma aha.”

Mid kale ayaa isna sheegay inaanay aqbali karin tacriifada la kordhiyay, waxaanu farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories