HomeGanacsade Reer Somaliland ah oo Si Badheedh loogu Dilay Dalka Itoobiya

Ganacsade Reer Somaliland ah oo Si Badheedh loogu Dilay Dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hawadaay (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya lagu dilay  Ganacsade reer Somaliland ah oo la odhan jiray Maxamed Qaasim Ibraahim.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Qaasim oo Magaalada Hawadaay ku haystay Xawaalad lacageed oo dadka reer Somaliland ee Itoobiya iyo Dalka ka dhex ganacsada u kala xawili jiray lacagaha, ayaa waxa toogasho ku dilay laba nin oo dablay ah, kuwaasi oo la sheegay inay ugu soo galeen meheraddiisa dhexdeeda isla-markaana si badheedh ah u toogteen.

Marxuum Maxamed Qaasin Ibraahim11Warka geerida Marxuumkan, ayaa sheegaya in geeridu dhacday ka dib markii laba nin oo midna qori sito midna toorey ay u soo galeen meheraddiisa oo ay kula sugnaayeen dhowr qof oo Soomaali ah isla-markaana ku amreen inay beerka dhulka dhigaan, balse waxa la sheegay in Marxuumka dhintay uu u cararay halkii ay taalay qasnadda lacagta xawaaladdu ku jirtay isla-markaana qufulay, balse ninkii qoriga ku hubaysnaa ayaa la sheegay inuu shan xabbadood oo rasaas ah ku riday, ka dibna laba xabadood madaxa kaga dhaceen, halkaasi oo uu ka soo gaadhay dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.

Falkan oo dhacay sagaalkii fiidnimo ee habeen hore, ayaa la sheegay in loo qabtay labadii nin mid ka mid ah iyo dad kale oo qoomiyadda Oromada ah.

Marxuumkan, ayaa noqonaya kii sagaalaad ee ganacsatada reer Somaliland ah ee lagu dilo Magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories