HomeGanacsade Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh oo Shaaciyey inuu u Sharraxan Xildhibaanimada Golaha...

Ganacsade Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh oo Shaaciyey inuu u Sharraxan Xildhibaanimada Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaynu ognahay in Gabiley ay buuxisay shuruudihii gobolnimo, laakiinse ay wayday cid u dhaq-dhaqaaqda oo sharciga ugu hiilisa.” – Murashax Maxamed Cabdilaahi Bookh.

Gabiley (SLpost)- Waxa magaalada Gabiley habeen hore ku qabsoontay munaasibad ballaadhan oo uu hankiisa siyaasadeed ku shaaciyey Murashax Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh oo gobolka Maroodijeex u meteli doona Doorashada xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayo inay dalka ka qabsoontay horaanta sannadka dambe.

Murashax

Munaasibaddan oo Xalay hore ku qabsoontay Hotel Bookh ee magaalada Gabiley, waxa ka qayb-galay siyaasiyiin, madax-dhaqameed dhalinyaro, haween iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood ku taageeray hankiisa siyaasadeed iyo inuu ka mid ah noqdo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ku dhiirraday inay shacabka ay ka soo jeedaan u metelaan golayaasha dowladda.

 

Madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo ka hadlay munaasibadda ayaa dhammaantood isku raacay inay ku kalsoon yihiin kartida Maxamed Cabdilaahi Jaamac ku meteli karo bulshada gobolka, waxaanay ugu baaqeen taageerayaasha inay la garab-joogsadaan codkooda marka la gaadho xilliga doorashada.

 

Waxa kale oo wax-garadka munaasibadda ka hadlay sheegeen in Maxamed Cabdilaahi yahay murashax ay isku raacsan yihiin, kuna kalsoon yihiin bulshada Gabiley inuu u metelo Golaha Wakiillada, waxaanay halkaas ugu duceeyeen murashax in Eebbe ku guuleeyo tartanka doorashada.

 

“Ma oggolin nin marka Gabiley laga doorto Hargeysa u guura ee waxaanu doonaynaa nin maalgashada Gabiley,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqsiyaadka munaasibadda ka hadlay oo tusaale ku bixinayey in murashaxani yahay ganacsade meherado waaweyn ku leh magaalada.

 

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo munaasibadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyey murashaxnimada Maxamed Cabdilaahi oo ay kalsooni ugu muujiyeen inuu xisbiga u meteli doono murashixiinta gobolka ee ka qayb-qaadanaya doorashada Golaha Wakiillada, waxaanay sheegeen inay kalsoon yihiin in murashuxu guul ballaadhan ka soo hoyn doono doorashada.

 

Masuuliyiinta, siyaasiyiinta, madax-dhaqameed iyo Dhalinyaro ka hadashay munaasibadda, ayaa ku booriyey shacabka gobolka inay doortaan shaqsi ay garanayaan sida murashax Maxamed ah qof hanti haysta oo hadhow marka ay codka siiyaan aan dib ugu soo noqon, iyagoo tusaale u soo qaatay xildhibaannadii hore ee degmadu u dooratay goleyaasha Dowladda.

 

Murashax Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahiyey sababaha ku kallifay, kuna dhiirri-geliyey inuu isu-sharraxo Golaha Wakiillada.

 

“Waxa igu kallifay murashaxnimadayda markaan arkay baahida sharci ee bulshadayda haysata, waxaanan dhisi doonaa sharciga, taasaanan u taaganahay. Waxa kale oo igu kallifay markii aan arkay xidhibaannadii gobolkan ka soo baxay oo aan muuqan oo aan ka waayey meel aliyaale meel ay joogaan,” sidaas ayuu yidhi Murashax Maxamamed.

 

Murashax Maxamed Cabdilaahi Bookh waxa uu bulshada u ballan-qaaday, “Waxaan halkan ka ballan-qaadayaa inaanan ahayn nin u soo shaqo tagay, laakiinse u dambaday dadkiisa. Maalinta aad I doorataan ma noqonayo nin gobolkan ka guura oo meel kale u guura.

 

Waxaan ahayn nin xogogaal u ah baahi kasta oo ka jirta gobolkan. Waxaynu ognahay in Gabiley ay buuxisay shuruudihii gobolnimo, laakiinse ay wayday cid u dhaq-dhaqaaqda oo sharciga ugu hiilisa. Waxaan ballan-qaadayaa inaan u dhaq-dhaqaaqi doono sidii Gabiley ay u heli lahayd Xuquuqdeeda ka dhiman ee ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Murashax Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh.

 

Si kastaba ha ahaatee, Murashax Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh ayaa si aad ah looga yaqaanna gobolka Gabiley gaar ahaan magaalada oo uu ku leeyahay meherado ganacsi, waxaanu ku soo biiray liiska dhalinyaro tiro-badan oo hore u muujiyey iyo qaar u hanqal taagaya hankooda siyaasadeed ee ka qayb-qaadashada inay Shacabka u metelaan Golayaasha Dowladda.

 

 

MUUQAALKA HOOSE KA DAAWO HADALLADA DADKII KA QAYB-GALAY XAFLADDA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories