HomeGanacsade Maareeye Cali Xoor-xoor ku bogaadiyey Dib-u-casriyeyn iyo Qaybo cusub oo lagu...

Ganacsade Maareeye Cali Xoor-xoor ku bogaadiyey Dib-u-casriyeyn iyo Qaybo cusub oo lagu Kordhinayo Dekedda Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

BERBERA (SLpost)- Guuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Dekedda Berbera Ganacsiyada kala duwan kala soo dega, ayaa soo dhaweeyey Dhismaha Deked Cusub oo Koontiinnarada u gaar noqon doonto oo laga hirgelinayo isla Berbera, isla markaana lagu dhisayo qaab iskaa-wax-u-qabso ah.

Dhismaha Dekeddan cusub ee laga dhisayo magaalada Berbera ee ay ku taallo Dekedda ugu wayn Somaliland oo ay wax uga soo degaan Somaliland iyo dalalka Jaarka la ah qaarkood, waxa dhawr iyo tobankii maalmood ee ugu dambeeyey dhismeheeda waday Shaqaalaha, Madaxda iyo Masuuliyiinta Sagaalka Waaxood ee ay ka kooban tahay Dekedda wayn ee Berbera oo si iskaa-wax-u-qabso ah ku fulinaya dhismahaas.

GuuleedGuuleed Jaamac Faarax oo ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland ee wax kala soo dega Dekedda magaalada Berbera, oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay gudaha Dekedda cusub ee dhismeheeda la bilaabay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hannaanka cusub ee iskaa-wax-u-qabsada ah ee ay Shaqaalaha iyo Madaxda Dekedda Berbera oo iskaashanayaa u fulinayaan dhismaha Dekedda cusub ee labaad ee Berbera. Waxaanu hawshaas ku ammaanay Guuleed Masuuliyiinta Dekedda Berbera iyo weliba Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Dekedda.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay Dhismaha Dekeddan labaad ee Berbera ee sida iskaa-wax-u-qabsada ah ay u dhisayaan Sagaalka Waaxood ee Dekeeda Berbera, oo aan saaka la kulmay Waaxda Faraca Badda oo ku jirta oo Shaqaalihii iyo Raggii Xafiisyada joogay oo ka shaqaynayay ay Gacantooda ku walaaqayeen Qaldaddii Sibidhka ahayd ee dhismaha Dekedda labaad ee Berbera, waana arrin aad loogu farxo oo ay tahay inuu qof kasta oo reer Somaliland ah soo jiidanaysa oo loo baahan yahay in laga wada qayb-qaato.”

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), waxaan leeyahay Caliyoow ha daalin, hawl wayn iyo Shaqo muhiim ah baad waddaa, waana horumar ballaadhan oo qof kasta oo reer Somaliland ahi ku diirsanayo, Allaah ha kula garab-gelo ee dedaalkaaga halkaa ka sii wad baan ku leeyahay.”

Nidaamka Iskaa-wax-u-qabsada, ayaa waxa dadka reer Somaliland ugu dambaysay wakhtigii ay Soomaaliya ka midka ahayd, isla markaana ay talada haysay dawladdii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey, markaas oo ay Hanti badan oo Qaran ku hirgelisay iskaa-wax-u-qabso iyo nidaamka hanti-wadaagga ah. Waxaanay tallaabadani dhiirrigelin u noqonaysaa in Mashaariic badan oo wax ka taraya horumarka dadka iyo dalka Somaliland lagu hirgelin karo nidaamkan iskaa-wax-u-qabsada oo dawlad iyo Shicib-ba loo siman yahay.

Inkasta oo ay Bulshada Somaliland dawladda tabarucaad dhaqaale kagala qayb-qaataan Mashaariicda horumarineed ee dalka laga hirgeliyo oo ay qaarkood bixiyaan lacagta lagu dhisayo sida waddooyinka toddobaatan boqolkiiba Dhaqaale u dhigma, haddana hannaankan shaqada gacanta laga fulinayo ayaa ah mid dhismaha Somaliland bilaw ku ah hadda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories