HomeGadood Ka Dhashay Hooyo Umul Ah oo U Geeriyootay Madax-furasho D/Hoose Ka...

Gadood Ka Dhashay Hooyo Umul Ah oo U Geeriyootay Madax-furasho D/Hoose Ka Qaaddo Shacabka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Degmada Gacmadheere ee Galbeedka Magaalada Hargeysa, waxa ilaa caawa ka socday bannaan-baxyo shacabku kaga fal-celinayaan Gaadhi ay Dowladda Hoose leedahay Oo Galbeedka caasimadda caasimadda ku jiidhay Hooyo Umul Ah.

Dadweynahan oo caawa kala xidhay Jidka Laamiga ah ee daba-mara Sacadadiin Super Market, ayaa dalbanayey in cadaaladda la horgeeyo darawalka gaadhiga jiidhsiiyey hooyada Umusha ah oo isla markiiba ku geeriyooday goobta.

Dhacdadan sababtay geerida Haweenaydan, ayaa qabsatay baraha bulshada iyadoo dadweynuhu arrintan si weyn ugu dhaliileen maamulka Dowladda Hoose ee caasimadda, kaddib markii sida la sheegay goobta shilku ka dhacay lagaga tagay meydka hooyada geeriyootay oo darawalka Jiidhay iyo maamulka Dowladda Hoose ee dhacdadan wax ka ogaa aanay masuuliyad iska saarin meydka marxuummadda.

Ciidanka Booliska Somaliland oo goor-dhawayd war ka soo saaray dhacdadan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedaysane  Axmed Ibraahim Muxumed 40-jir oo subaxnimadii hore ee Salaasada maanta gaadhi jiidhsiiyey marxuumadda oo xilliga shilku ku dhacay ku gudo-jirtay baadi-doonka neefaf Riyo ah oo ay leedahay.

Xildhibaan Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa dhaliilay falkan ay sameeyeen hawl-wadeennada Dowladda Hoose oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin.

Xildhibaanka oo caawa warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Haweenayda Geeriyooday ay shilka la kulantay xilli ay baadi-doon ugu jirtay Naafaf Riyo ah oo ay leedahay, kuwaas oo qayb ka ahaa hawl-gal shaqaalaha Dowladda Hoose ku ururinayeen Xoolaha lagu dhaqdo xaafadaha Magaalada Hargeysa.

Eedaysanaha falkan loo haysto, ayaa ka mid ah Shaqaalaha Dowladda ee Hargeysa oo xilligaas ku gudo-jiray Howl-gal bulshadu sharci-darro ku tilmaantay oo xaafadaha caasimadda lagaga ururiyo Adhiga ay dhaqdaan dadka magaalada.

Shaqaalaha dowladda Hoose ayaa soo ururiyah Riyaha Xaafadaha magaalada, waxaanay isugu geeyaan xero ku taalla Dooxaha Hargeysa, halkaas oo Lacago madax-furasho ah lagaga ururiyo dadka Xoolaha Iska leh.

Tallaabada dowladda Hoose kaga ururiso Xoolaha oo lagu tilmaamay qorshe caasimadda lagaga sifeynayo xoolaha si kor loogu qaado bilicda Hargeysa, ayaa isu beddelay xeelad ganacsi oo dadka xoolaha leh madax-furasho lagaga qaado.

Hoggaanka Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo uu ugu horreeyo maayirka Hargeysa, ayaan ilaa hadda ka hadal dhacdan. Lama Oga in Maamulka Golaha Deegaanku kula socdaan hawl-wadeennada Dowladda Hoose lacagaha madax-furashada ah ee shacabka caasimadda lagaga qaado “af-duubka” lagaga ururiyo Neefafka Xoolaha ah ee ay dhaqdaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories