HomeGad-gadoonka Siyaasadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Gad-gadoonka Siyaasadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa  (SL.Post) Isbedelada iyo gad-gadoonka waayaha siyaasadeed ee Somaliland ayaa u muuqda inuu hadba ku soo noqonayo halkii uu hore uga hayaamay ee ay shacabku filayeen inaan dib loogu soo noqon doonin.

 

madaxweyne-siilaanyo

 

Mawduuca muddo kordhinta ayaa ahaa kii ugu xaasaasinaa ee xilligii uu talada dalka hayay Daahir Rayaale, dhawr goor sababay mudaharaado khasaare keenay, ka dib markii ay mucaaradkii wakhtigaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo horkacayay diideen muddo kordhin.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sannadihii 2008, 2009 ahaa nin aad uga soo horjeeda waxa loogu yeedho “Muddo kordhin.”, waxaanu golaha guurtida ku canaanan jiray inay muddo kordhin aan sharciyad lagu salayn u sameeyaan Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa, isagoo soo bandhigi jiray khasaaraha ay muddo kordhintu ku hayso Somaliland.

 

Sidoo kale wuxuu geesta kale Axmed siilaanyo baaqyo u diri jiray beesha caalamka oo uu ka dalban jiray inay culaysyo soo saaraan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, si uu ugu soo noqdo jidkii dimuqraadiyadda.

 

September 24, 2009, wuxuu Axmed Siilaanyo oo uu weheliyay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, goor habeenimo ah soo wada saareen baaq qaylo dhaan ah oo la xidhiidha muddo kordhin ay guurtidu wakhtigaas u qorshaynayeen in loo sameeyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

Axmed iyo Faysal, waxa ay shacabka ugu baaqeen inay isugu soo baxaan mudaharaad salmi ah oo isugu yimaadaan xarunta golaha guurtida hortiisa, iyagoo geesta kalena baaqyo u diray beesha caalamka.

 

Bayaankaas Axmed iyo Faysal ay soo saareen waxay iyagoo beesha caalamka la hadlaya ku yidhaahdeen sidan “Sidoo kale, waxaanu ku wargelinaynaa beesha caalamka ee daneeya Somaliland iyo wadamada aynu saaxiibka nahay ee deriska ah, muddadana ku hawlanaa xal-u-helida khilaafyada siyaasadeed iyo kuwa sharciyeed ee dalka ka jira in xukuumadda Riyaale ay hortaagan tahay dedaalkii iyo gunaanadkii iyo soo ururintii qodobada saldhiga u noqonaya heshiis waara oo dhex mara saddexda Xisbi Qaran, una horseeda qabsoomidda doorasho xor  oo xalaal ah.”

 

Axmed Siilaanyo oo shirka jaraa’id ee bayaankaas laga akhriyay ka hadlayaa wuxuu yidhi

 

“Madaxweynuhu wuxuu maanta qasbay Golaha Guurtida qayb ka mid ah oo uu doonayay inay u kordhiyaan..Waxaanu doonaynaa inay umaddu isu-soo-baxdo oo ay diido, sidii ay horeba u diidi jirtay oo ay Golaha Guurtida isugu hor yimaadaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo.”

 

Haddaba, maanta waxa taladii Somaliland haya Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu golaha guurtida saaka horgaynayaa muddo kordhin uu ka dalbanayo in loo sameeyo golaha wakiilada si loo kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka.

 

Geesta kale, waxa iyaguna shalay bayaan soo  saaray dalalkii beesha caalamka ee uu ka dalban jiray inay Daahir Rayaale culays saaraan. Waxay dalalkan oo Somaliland taageeraa Madaxweynaha ka codsanayaan inuu joojiyo muddo kordhinta oo uu wakhtigooda ku qabto doorashada baarlamaanka.

Shacabka Somaliland waxa la gudboon inay doortaan hoggaamiye mudakar ah oo ay imtixaan adag ka qaadeen iskana dhaafaan inay siyaasiyiinta ku doortaan hadalada ay codka ku raadinayaan iyo haybta guud ee ay la wadaagaan.

 

Somaliland waxa ay u baahantahay siyaasi hore u socod leh oo hal baarkeed ka  halacsada siyaasadda Geeska Afrika islamarkaana aan ku tallo qaadan dareenada ee ku tallo qaata hoggaamin iyo tallo urursi.

 

Somalilandpost.net

Source Wargeyska Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories