HomeGacan Gadaal Ka Baqaysaa Geed Ma Goyso! W/Q: Dr.Georgi Kapchits

Gacan Gadaal Ka Baqaysaa Geed Ma Goyso! W/Q: Dr.Georgi Kapchits

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaan aad ugu faraxsanahay in qayb kasta oo ka mid ah murtida Soomaaliyeed ay weli nooshahay soona jiidato dhallinyarada.

1

Haddii wax laga taataabto maqaalka la yidhaahdo “Ayax teg, eelna reeb” ee uu qoray Cabdirisaaq Baraag, waxay ila tahay inuu mudan yahay in faallo kooban laga bixiyo.

Marka ugu horreysa, waxaan raalli ka ahay in Cabdirisaaq uu yahay nin geesi ah mar hadduu ku dhiiraday in uu muujiyo ra’yi ku saabsan “maahmaah” iyo “xig” isagoon cilmibaaris badan ku samayn sheyga uu xiiseynayo.

Anoo u jawaabaya Cabdirisaaq ayaan marka hore jeclaan lahaa in aan u tilmaamo maqaalkii aan hore u  oo aan ku magacaabay “Tol Waa Nin Qumman Qabanqaabadiis iyo Nin Qalloocan Qabanqaabadiis”, kaasoo aan ku muujiyey waxay ku kala duwan yihiin maahmaah iyo oraah, misna noocyada ay labadoodu u kala baxaan.

Taa waxaa weliba u sii dheer in aan dooneyo in aan la qaybsado Cabdirisaaq qodobbo dhowr ah oo ku saabsan aragtida casriga ah ee la xiriirta maahmaahda. Isagoo ku halqabsanaya odhaah Ingriisi ah, wuxuu yidhi: “Maahmaahdu waa weedh gaaban ee ku saleysan waaya’aragnimo qoto dheer leh”. Waa suurtoggal, inkastoo ay jiraan kumanyaal qeexidood (definitions) oo kale oo muujiya maahmaahdu waxay tahay. Hase yeeshee midna kama ay salgaarin dabiicadda maahmaahdu waxay tahay.

Sida runta ahna maahmaahdu waa astaan xaaladeed (a sign of a certain situation). Dabeecadda astaameed ee maahmaahdu waxay ka dhigtaa shey ku habboon af la arkaba, waxayna ka jawaabtaa su’aasha ah: Maxaa jira ee maahmaahaha u kala gaarka ah dadyawga kala duduwan ee adduunka ku nool ay aad isugu eg yihiin? Sababta ay isugu eg yihiin waxay tahay in xaaladuhu (situations) ay iskaga mid yihiin meel walba, weliba hab-ku-fekerka dadyawga, meel ay joogaanba, uu isku mid yahay:

Far keli ah fool ma dhaqdo (Soomaali) = Far keliya diqsi ma qabato (Oromo) = Nin keliya col ma aha (Ruush). Saddexdaas maahmaahood macno-ahaan waa isku mid. Waxaa keliya ee ay ku kala duwan yihiin waa hummaaggada laga adeegsaday.

Haddiise wax laga taataabto maahmaah iyo xig (xigasho, halqabsi, halkudheg, ku wad), labadoodu waa weedho qof afkiis ka soo baxay. Waxayse ku kala duwan yihiin in qofkii maahmaah gaar ah curiyey magaciisu uu yahay mid aan la aqoon (la iloobay, maadaama uu noolaa muddo dheer ka hor), kii xig gooni ah alkumayna magaciisa la yaqaanno (maadaama uu weli nool yahay ama uu geeriyooday kol dhoweyd).

“Ayax teg, eelna reeb” muddo dheer ka hor ayay noqotay maahmaah, taasoo aan ku arkay buuggaag badan oo la daabacay ka hor intii af-Soomaaligu uu helay far rasmi ah, sannadkii 1972kii. Siduu ii tilmaamay Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo” ee aan arrintaa kala hadlay, “Ayax teg, eelna reeb” waxay ka mid ahayd maahmaahihii uu daabacay Sh. Maxamed Cabdi Makaahiil sannadkii 1351kii ee Hijriyada. Waxaana xilligaa laga joogaa 86 gu’.

Xig waliba si ay u noqoto maahmaah laba shardi bay ku xiran tahay: 1) waa inay aad u faafto oo ay bartaan dad badani; 2) waa in la iloobo qofkii curiyey magaciisa.

Haddaba arrinta yaabka lihi waxay tahay, anigoo muddo aad u dheer ku hawlanaa urrurinta iyo baarista maahmaahyada Soomaaliyeed in aanan hore u maqal arrinta uu Cabdirisaaq ku andacoonayo ee ah in Cigaal Caymo uu iska lahaa murtida Ayax tag eelna reeb.

Arrinta kor ku xusan oo aan anigu shaki badan ka qabo xaqiiqnimadeeda waa mid u baahan in dib loogu noqdo dood badanina ay ka dhalan karto.

W.Q. Dr.Georgi Kapchits

E-mail:geedka@aha.ru

Website: www.kapchits.narod.ru

Moosko

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories