HomeGabowdee Guurtida ku Biir Qalinkii Libaan fagadhe

Gabowdee Guurtida ku Biir Qalinkii Libaan fagadhe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii 8aad

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
Waxa 3/5/2002 waxa aynu odhankarnaa waa maalintii ugu horeysey ee dastuurka JSL ugu horeysey in laraaco waxaan ugu horeynba si dastuuriya xilkii madax weyne nimo ee somaaliland lawareegey loona dhaariyey Daahir Riyaale.shacbiga reer somaliland si wadaninimo iyo xaq ba ah ayey ugu taageereen in mudada 8 bilood ah si karti leh madaxweyne Daahir Riyaale dadku ula shaqeeyeen. Balhada eeg markii uu madaxweynahan hada talada haya ee Siilaanyo ahaa wasiirka qorsheynta ee uu iscasiley waxa uu yimi dalka england waxaanu shir jaraa’id ku qabtey kuna dhawaaqey inuu siyaasada kabaxey oo uu waliba raaciyey in aanu dibna ugu soo laabaney ,hase ahaatee markii uu xijaabtey madaxweyne Cigaal ayaa uu dalka dib ugu soo laabtey waxaanu ku dhawaaqey ururkii kulmiye oo ahaa ururkii ugu dambeeyey.

Intaasi waxaan idinku xasuusinaayey bal inaad Siilaanyo ogaataan markii uu furey ururka kulmiye. Aynuse ku noqono intii uu xilka hayey Daahir Riyaale waxa uu halkii kasii wadey howlihii qaranka isagoo fuliyey in uu sameeyo axsaab qaran oo ahaa axsaabtii ugu horeysey ee somaliland yeelato iyadoo badabi dalka marka laga reebo degmooyin bariga somaliland mooyee ay dalka intiisa kale ay kadhacdey doorashooyinkii dowladaa hoose ee Somaliland kadhaca oo si xaq ah loo doortey aanu muran badan kadhicin iyo dhib iyo dhimasho toona waxa ay xildhibaanadii iyo shacbigu sameeyeen si dimuquraadiyada ,waxa kaloo lagu xasuustaa in aaney xukuumadii xiligaasu doorashada ku sameyn wax jujuuba ,muquunin iyo faragalina oo aad arkeysey laba qof oo aqalkasoo wada toosey oo midba urur taageeraya ama ba dad kala duwan oo safkuwada jira oo qofba urur taageeraayo oo dhamaantoodna qoslaya waana habkii iyo hanaankii uu bud dhiga u ahaa madaxweynihii geeriyoodey ee Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal Alle naxariistii jano haka waraabiyee.

Xiligii madaxweyne Riyaale dadku wax kumaad arkeyn isbadal ah ama qabyaalad iyo xumaan ah madaxweyne Riyaale waxa uu ku dadaaley inuu dowlada iyo xukuumada gaadhsiiyo bariga somaliland waxa mahadle dadka ama shacbiga oo sidii isgu duubnaa siina yaraaneysey xumaantii iyo qabyaaladii,madaxweyne Riyaale waxa uu dhisey ciidanka oo uu tayeeyey isagoo walibana ku guuleystey haayada sirdoonka inuu kadhigo mid aad u firfircoon oo si adag u qabata howlaheeda shaqo.

Madaxweyne Riyaale shacbiga Somaliland waxa ay u qabeen inaanu siyaasada ubislaan balse hogaankiisii waxaa ka qeyb noqdey siyaasadeed lasoo shaqeyntii ruugcadaagii marxuum Cigaal oo uu howlihii halkii ka sii wadey waxa uu ahaa runtii nin da’yar aan lagu tilmaamikareyn joogana xiligii hogaan madaxweyne waxa uu lahaa go aan waxa kale oo lagu xasuustaa dadkii ku xeernaa oo ka soo jeedey shacbiga Somaliland oo aan lagu tuhmeyn inuu nin reer jecleysi hayo uu yahey runtiina kaalintii looga baahnaa ka soo baxay .

Madaxweyne Riyaale isagoon loo kordhin waxa uu markiiba qabtey nasiibna uyeeshey inuu qabto doorashooyinkii ugu horeeyey ee dowladaa hoose ee dhacey 2003 xiligaas oo ay sadex xisbi soo baxeen iyo gole deegaameed yadii,waxa uu udhabar adeygey dhibaatooyinkii dhaqaale iyo siyaasadeed runtiina taarikhda baal dahaba ayaa uu ka galey. Waxaana iyadoo aaney waxbadan ka soo wareegin la qabtey oo uu madaxweyne Riyaale hirgaliyey in axsaabtii soo baxdey oo xalaal aheyd oo kala ahaa UCID,KULMIYE IYO UDUB ,halka ay ka hadheen sadexdii urur ee kale SAHAN ,ASAD IYO HORMOOD na ahaa yeen ku wii hadhey waxaana loo diyaar garoowey tartankii madaxweyne nimada ee Somaliland waxaana umada Somaliland codkoodii siiyeen Daahir Riyaale Kaahin iyo kuxigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin halkaasi oo loo doortey 5 tii sano ee u horeeyey .waxana loo dhaariyey xilkii 18 may 2003 qudbadii ugu horeysey waxa uu ka jeediyey khayriya magaalada Hargeysa isagoo aan shacbigii ku yidhi (intii aan codka isiin iyo intii codka isiisayba waxaan ahey madaxweynihiinii) Maalintan waxa quustey ragbadan oo siyaasiin ahaa oo ku doodi jirey somaliwayn waxaana halkaa uga cadaatey inay Somaliland deysey oo ay tashatey baa ba ayna ereygii ay kuwaasi odhanjireen ee ahaa ma reer ayaa dowlad noqda mr.Riyaale waxa uu halkaasi ka sii bilaabey howshiisii shaqo waxa ay ku dadaaleen inay inta tamartood ah qabteen balse

Lasoco……

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories