HomeGABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR Qalinkii:Libaan xaji fagadhe Qormadii 3aad

GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR Qalinkii:Libaan xaji fagadhe Qormadii 3aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

 

Waa markhaati madoon  iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney  misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Qormadii 3 aad

Heybada maamul iyo hanashada shacbigaad horjoogtaa waa hadyad uu bixiyo wahaabigu dadku waxay yidhaahdaan abeesadu markey ku qaniinto hadii aad ka badbaado markaad 50 jir gaadho ayey sunteedu kugu soo baxdaa hadaba shirkii Baligubadle ee 1990 waxay markaa mujaahidiintu muujisey in ay 6 dii sano ee Siilaanyo ahaa hogaanka SNM ay fahmeen siyaasadii xumeyd ee beertey qabiilka iyo kala fogaanshaha laga diga rogtey waxaa dhacdey intii uu hogaanka hayey SNM Axmed Siilaanyo inuu korneyladii qaar ay ku xidhnaayeen Ethopia nimankaasi qaarbaa nool waxase isweydiinle  Sababta ay hadana markii uu xisbiga Kulmiye ku dhawaaqey ay u taageereen  iyagaaba shacbiga uga aqoon badnaaye maalintaa ayuu qabasho lahaa markaan 1984-1990 iyo maanta aan eego is shabahaada siyaasadiisa ayaan xasuustaa nin mujaahida oo aad Siilaanyo u yaqaan ayaa mar aan joogey hargeysa waxa uu ii sheegey in uu mid aad ugu yaqaan oo ah hadii aad halmaalin wax qalada oo aad arkeyso isna uu leeyey waa sax oo aad tidhaa maaha Axmedow waa qalad oo sidaas ayaa sax halkii uu ka qaadanlahaa uu ku qaniino oo uu gows dambeedka kugu qabto waliba kuu qoslo ayuu maalinta uu jaanis helo sida Halaqa kuugu dhufanayaa qaniinyada deedna waynu naqaanaa qofka uu Maskaasi qaniino Aa hadii qofku yidhaa wuxuu yidhaa kuma qaniin. Hadaba yeynaan fogaane aynu taxanihii halkii ka sii wadno e waxay mujaahidiintii Baligubadle 1990 ku doortii Gudoomihii shanaad C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac.

Alle ayaa inala jiree waxaa mujaahidiintii SNM soo qaadeen dagaalkii kama dambeysta ahaa ee ay taliskii siyaad bare kaga xoreeyeen cariga Jamhuuriyada Somaliland  dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay ka dambaysay halgankaa qadhaadh ee Ururkii SNM oo taageero ka helayay shacbiga ku dhaqan dalkan, la galleen dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii uu tacadi, xasuuq iyo dhibaatooyin kale kula kacay shacbiga Somaliland.

Shirweynihii  Burco ee 1991 in badan ayaa laga dooday  go,aanaakaas goosahada  waxaa leysku raacey oo la go aansadey 18 May 1991 in ay jamuuriyadii Somaliland la soo noqotey madax banaanideeda maalintaa laga bilaabo waxaa xusuusmudan Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar .

Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku, kuwaas oo kala ahaa

Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye
Suldaan Ismaaciil Muuse
Suldaan Rashiid Suldaan Cali
Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh Saalax
Sheekh Daahir Xaaji Xasan
Axmed Xirsi Cawl
Suldaan Maxamed Jaamac
Xasan Cumar Samatar
Maxamed Warsame Shiil
Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo
Suldaan Cali Muuse iyo
Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi
Markii ergada shirka Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirka Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad. Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon kaddib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa
1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.

Waxaa halkaa kaaga muuqta in uu shirkii 1991 ee burco na yahey shirkii labaad ee Somaliland mahadisey isla 18 May 1991 kii waxaa madashaa gooni isutaaga somaliland qudbad ka jeediyey

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco…………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories