HomeGABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR QALINKII : LIBAAN XAJI FAGADHE

GABOWDAYE GUURTIDA KU BIIR QALINKII : LIBAAN XAJI FAGADHE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii 4aad

 

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Qormadii 4aad

Waxaa halkaa kaaga muuqta in uu shirkii 1991 ee burco na yahey shirkii labaad ee Somaliland mahadisey isla 18 May 1991 kii waxaa madashaa gooni isutaaga somaliland qudbad ka jeediyey waxaanu ku bilaabey hadalkiisii“Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlada madax
banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen shirarkii u socday dadka waqooyiga.

Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara.
Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”

Waxa iyaguna halkaas khudbado ka jeediyay Madaxweyne xigeenkii dawladaas u horaysay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye xigeenka SNM iyo guddoomiyihii golihii wakiilada ee u horeeyay Mujaahid Ibrahim Maygaag Samatar oo Alle haw naxariiste ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.

Waxa uu Tuur dhisey xukuumadiisii ugu horeysey balse waxa ka horyimi caqabadihii la dhaxley intii uu gudoomiyaha SNM ahaa siilaanyo isaga laftiisu kama madhna oo sababaa ubadan isagaa siilaanyo ahaan ee deedu saarantey waayo mujaahidiintii SNM oo mid ah ayuu kala qeybiyey waxaana halkaas ka bilaabmay dagaalo sokeeye maney joogsadeen hadaaney jirin Guurtii SNM ee lagu dhisey 1990 Baligubadle waxaa markaa dhamaadey labadii sano ee Dowladaa uu hogaaminaayey Tuur .

1993 ayaa la isugu yimi shirwaynihii Magaalada Boorama halakaasi oo shirwayne Qaran lagu qabtey laguna caleemo saarey madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo ku xigeenkii sii c/raxmaan Aw Cali Faarax Tolwaa .Xiligaasi waxay ahayd wakhti ay dalka iyo dadkuba dunsanayeen, sharciga iyo kala-dambayntu dhamaan way lumeen, caydh iyo colaadana ayaa geyiga aafeeyey, Wuxu qabtay oo allaha awooda lehi la qabtay shaqo ay quwadaha adduunka iyo bulshada caalamku 22 sanno ka qaban kari la’ yihiin wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Xaq la duudsiyi maayee,
Dalalkeennan is-raacay,

Haddaan lays dafireynin,

Nin kastaa ha dumaalo e,

Madaxweyne la doortana,

Adigawgu da’ weyn,
Sida doollida hoorta,

Ninna soo di’I maayoo,

Dooxyo soo rogi maayoo,

Durdur liin iyo dhey ah,

Cidina u dudi meyso e,

Dalka maamulistiisiyo,

Dulqaad uu hayinoobuu,

Wax ku deeqi karaa,
Maansadii, Adaa noo Duq ahaa ee Timacadde, 1968kii, Hargeysa.

Waxuu ku dhaqaaqay in dadkii Somaliland jiheeyo, isla-markaana wuxuna ku guuleystay hub-ka-dhigis rasmiya , oo ku sameeyey maleeshiyaadkii is hor fadhiyey iyo daydaygii laga tallaabsan kari waayey ee qoriga ku qadhaab tagaayey. Wuxu dhisay dhamaan hay’adihii qaranka ee loo baahnaa ama halbowlaha ahaa meesha ka maqnaa sida Ciidamadii Booliska, Kuwa Qaranka iyo Asluubta,sidoo kale Hayaddii Garsoorka, Wasaaradihii iyo Wakaaladahii kale ee fulinta ee loo baahnaa.

Wuxu markiiba soo daabacay kana shaqaysiiyey lacag wadanka Somaliland u gaar ah iyo weliba Baasaboor, wuxuna diyaariyey dastuur casriyeysan oo markii danbe afti dadweyne lagu ansixiyey, Sidoo kale wuxu seeska dhigay nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan.Akhriste ma isweydiisey sababta burco lacagtii somaliland looga qaadanwaayey ? Jawaabteedu waxay tahey waxa hortaagnaa Siilaanyo inbadana u ololeeyey in aaney qaadan imikana guulaha uu sheegto ayuu ku daraa balse isagaaba hortaagnaa.

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco……

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories