HomeGabiley: Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo Deeq Agabka Ciyaaraha ah ku wareejiyay Guddida Ciyaaraha

Gabiley: Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo Deeq Agabka Ciyaaraha ah ku wareejiyay Guddida Ciyaaraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Urur-Siyaasadeedka WADDANI ayaa deeq ka kooban agabka Ciyaarahaya ku wareejiyay Guddida Ciyaaraha ee Gabiley.

Munaasibada Deeqda Lagula Kala Wareegayey oo Ka Dhacaday Xarunta Urur Siyaasadeedka Wadani ee Gobolka Gabiley ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle, Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani ee Gabiley Axmed CabdiLaahi Xuseen (Al Imam), Maamulaha Dugsiga Sare Ee Timacade Maxamed Maxamuud Aw Saleebaan (Aws), Xoghayaha Urur Siyaasadeedka Wadani ee  Gabiley Xasan Axmed Aw Maxamed (Dhagjar), Iyo qaar ka mida Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga tartami doonta Urursiyaasadeedka Wadani iyo Dhalinyaro tiro badan Oo kamida Ciyaariyahanada Gobolka.

blankUgu Horayn Waxaa Munaasibadaas  hadal kooban ka Jeediyey Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI Axmed Cabdilaahi Xuseen, waxaanu faah-faahi Ka bixiyay u Jeedada Deeqdani taasoo uu Ku Sheegay mid uu Urur Siyaasadeedka WADDANI u Soo gartay Dhalinyarada Ciyaaraha ee Gabiley oo Intabadan aan helin Qalab Ciyaareed oo Ku Filan, Waxaanu xusay In ka Urur ahaan ay kala qayb qadan doonaan Ciyaaraha Islamarkaana ay dareensiin doonaan inay ag Joogaan, madaama ay Ciyaaruhu Yihiin meel u wanaagsan xaga Jidhka Iyo Caafimaadka Qofka.

Waxa kale Oo Munaasibadani hadal Ka Soo Jeediyay Maamulaha Dugsiga Sare Ee Gabiley Maxamed Maxamud Aw Saleebaan (Aws) Waxaanu Mahad naq  u soo Jeediyay Urur Siyaasadeedka  WADDANI, Waxaanu Tilmaamay madaama Uu Urusiyaasadeedka WADDANI  ka farxiyay Dhalinyarada Ciyaaraha Gabiley uu isaguna bari ma Maalin ay ka farxin doonaan, waxaanu Illahay uga baryay in uu noqdo kii ku guulaysta Dooroshooyinka soo socda.

blankWaxa kale oo Isaguna Munaasibadaas  Hadal Ka Jeediyay mid ka mid ah Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga Tar-Tamidoona Urur Siyaasadeedka Wadani Sacad Maxamud Gadhley Iyo Xasan Axmed Aw Maxamed Xasan (Dhagjar) Waxaanay Sheegeen In Uruka Wadani u heelan yahay Sidii Dhalinyaradu uga qayb-qaadan lahayd xaga Siyaasada, islamarkaana ugu dhiiri gelin lahaa xaga Waxbarashada Iyo Ciyaaraha si ay uga bad badaan balwadaha xun-xun, taas oo ay haboon tahay inay noqdaan kuwo Dadkooda, Diintooda iyo Waliba Waalidkoodaba anfaca.

Gabagabadii waxa isaguna Munaasibadaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle Waxaanu Sharaxaad Ka Bixiyay Xidhiidhka ka dhexeeya Waxbarashada iyo Ciyaaraha Waxaanu xusay in Ciyaaruhu yihiin mida ardaydu kaga badbaadayso balwadaha ay ka mid yihiin Qaadka,Sigaarka iyo waliba Caajisnimada.

Waxaana ugu dambayntii halkaas deeqda agabka Kubada cagta lagu guddoonsiiyay Guddida Ciyaaraha ee Gabiley.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories