HomeGabiley oo noqotay Degmadii u horeysay ee Mashaariicdeeda Wax-qabad Si daah-furan loogu...

Gabiley oo noqotay Degmadii u horeysay ee Mashaariicdeeda Wax-qabad Si daah-furan loogu tartamayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hageysa (SLpost)- Maamulka gobolka iyo ka degmada Gebilay oo ay weheliyaan guddida qandaraasyada qaranka, ayaa maanta daah’furay sagaal mashruuc oo laga fulinayo degmadaas, kaas ooay sheegeen in si siman loogu tartami doono.

Mashaariicdan oo laga hirgelinayo degmada Gebilay isla markaana laga maalgelinayo dakhliga degmada, ayaa kala ahafar xafiis oo loo dhisayo maamul daadejinta xaafadaha degmada, dhismaha hoolka shirarka ee dawladda hoose, dhismaha dugsiga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo mashaariic kale.

blankUgu horeyn, waxa munaasibadda lagu daah-furay mashaariicda oo ku qabsoontay xarunta maamulka degmada hadal ka jeediyey maayarka degmada Gebilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, waxaana uu sheegay in dawladda hoose ee degmada Gebilay ay noqotay meeshii ugu horreysay ee degmooyinka dalka si daahfuran u shaacisa in mashaariicdeeda loo soo tartamo, isagoo xusay in maanta ay shaacinayaan lix mashruuc oo laga fulinayo gobolka Gebilay oo si daahfuran ay ugu soo tartamayaan shirkadaha ku lug leh mashaariicdaasi.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Muuse Faarax Jaambiir oo ku hadlaayay magaca guddida qandaraasyada qaranka, waxaana uu sheegay in hay’adda guddida qandaraasyada qaranku ay xafiisyo ka furan doonto gobollada iyo degmooyinka dalka. Isagoo xusay in degmada Gebilay ay noqotay degmadii ugu horreysay ee la soo xidhiidha guddida qandaraasyada ee heer qaran.

Badhosaabka gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si caddaalad ah loogu soo tar tami doono mashaariicdaasi oo ay marag ka noqon doonto guddida qandaraasyada qaranka oo ugu xil saaran qaranka arrimahaasi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories