HomeGabiley: Musharixiin Si Wayn Ugu Eedeeyey Gudoomiyaha Kulmiye ee Gobolka Gabiley Inuu...

Gabiley: Musharixiin Si Wayn Ugu Eedeeyey Gudoomiyaha Kulmiye ee Gobolka Gabiley Inuu Ku Xulanayo Musharraxiintiisa Sida Ay U Kala Jeeb Roon-yihiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabiley (SLpost)-Laba Musharrax oo ka mid ah Musharixiinta diyaarka u ah inay ku tartamaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanada Dalka ee dabayaaqada Bisha Nofember ka qabsoomi doona Dalka ayaa eedaymo cul-culus u soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Amiin Muuse Xirsi in uu ku xulanayo Musharraxiinta Xisbiga sida ay u kala jeeb roon yihiin, ee aanu u eegaynin in Shakhsiga u tartamaya Xisbigu uu yahay Xisbiyahan mudo badan u soo Ollollaynayey Xisbi-Xukuumiga Kulmiye.

Labadan Musharax oo magacyadoodu kala yihiin Isaxaaq Sheekh Axmed Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa Taageerayaashii waawaynaa ee Xisbiga Kulmiye Xilligii Ollollaha Doorashadii Madaxtooyada, iyo Kaltuun Haaruun Muxumed oo Iyaduna ka mid ahayd Madaxdii garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, isla-markaana ka soo wada jeeda Beesha Baha-Samaroon ee degta Magaalada Gabiley, ayaa Sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye u dhago-nuglaaday Caaqil Wakhtigii lagu jiray Ollollaha Doorashada Madaxtooyada ku sheegi jiray Xubnihii kaga jiray Xisbiga Kulmiye ee Beeshooda ka soo jeeday in ay yihiin Afar Iibaan Laawe.

blank“Waxaan ka mid ahaa Taageerayaashii tirada yaraa ee Beesha Baha-Samaroon ka soo jeeda ee sida hagar la’aanta ah ugu Ollolleeyey Xisbiga Kulmiye, Gaadhigaygii ayaa taayiradu igaga madheen sidaan Miyi iyo Magaalaba ugu jiray Ollollaha,  Ujeedadaydu waxay ahayd oo kaliya in Isbadal Hogaamineed oo horumar keena la helo, iyo in aan Xisbigan Kulmiye aan ka dhex noqdo Musharax u tartama Doorashada Golayaasha Deegaanada, Ballantaa Anigoo Madaxdii Xisbiga ee Gobolka isla og ayaa markii ay timid Wakhtigeedii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolku inta uu Sii Fiigii naga qabtay oo uu naga qaaday Lacag uu noogu sheegay Lacagta diiwaangalinta, Ayuu markii danbe nagu yidhi Caaqilkaagii ayaa ii keenay Nin kale kaasi oo uu ka qaatay Lacag laaluush ah, Anigana igu yidhi meel kuuma hayo”. Sidaa waxa yidhi Isaxaaq Sheekh Axmed Sheekh Muxumed oo Maanta Shir-Jaraa’id ku wada qabtey Isaga iyo Kaltuun Haaruun Muxumed oo Labaduuduba ka mid ah Musharraxiinta Golaha Deegaanka Gabiley.

Kaltuun Haaruun Muxumed oo Iyaduna Shirkaa-Jaraa’id ka hadashay waxaa hadalladeeda ka mid ahaa: “Caaqilka uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye nagu yidhi waxa uu ii keenay Musharax kale oo Beeshiina ah, waa Caaqilkii Maalintii aanu ku jirnay Ollollaha Doorashadii Madaxtooyada ee aanu Xisbiga Kulmiye u xiiqsanayn, Ninkii Fagaaraha Khayriyada kaga khudbadeeyey, Hadaanu Beesha Baha-Samaroon nahay ee degan Gobolkan Gabiley Afar Iibaan laawe ayaa Xisbiga Kulmiye nagaga jira ee intayada kaleba waxaanu nahay Xisbiga Udub, Maalintaa ismaan lahayn Ninka sidaa u hadlaya ayaa Xisbigiinii Kulmiye wax idiin waydiin doonaa, waa nasiib darro arrintan aanu kala kulanay Masuulkii aanu Jihaadka soo wada galnay”. Ayay tidhi Kaltuun Haaruun.

Maalmahan ugu danbeeyey ayaa Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley iyo guud ahaanba Dalka oo dhan uu loolankii ugu adkaa ka dhex taagan yahay Urrurrada-Siyaasada iyo Axsaabta Qaranka, Iyaga oo loolan ugu jira sidii Urur kastaa ama Xisbi kastaa u heli lahaa Musharixiin uga tartama Doorashada Golaha Deeganka Dalka.

——————————-

Mukhtaar Nuux Ibraahim

Gabiley Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories