HomeGabiley: Magaalo aan wali nasiib u helin maamul ku kalsoon nolosheeda iyo...

Gabiley: Magaalo aan wali nasiib u helin maamul ku kalsoon nolosheeda iyo bulsho aan dareensanayn Hab-dhaqanka madaxdooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Magaalada Gabiley waa deegaanka ugu soo dhaw caasimadda ee magaaloobay  waqtigii Hargaysa  la dagayay, dadka taariikhyahankuna waxay yidhaahdaan way wada socdeen  labadii Sheikh ee aasaasay Hargaysa iyo Gabiley. Waxaa ku yaala adeegyad aasaasiga ah sida waxbarashada kuwo dawli ah kuwo madax banaanba. Waxay leedahay laydh afar iyo labaatanka saacadood shaqeeya.  Waxaa ku yaala cisbitaal iyo goobo caafimaad oo si gaara loo leeyahay. Nasiib wanaag biyihii ceelashiii Botoreed waa la soo galiyay biyo la’aana looga baqan maayo.  Adeegyada isgaadhsiinta shirkaduhu dhamaantood waxay ka furteen laamo waxaana laga helaa adeeg dhamaystiran.  Magaaladu waxay leedahay laba sariibadood oo caanaha iyo hilibka lagu iibiyo kuwaasi oo dhismay waqtigii Siyaad Barre. Magaaladu waxay leedahay dugsiga sare ee Timacade oo labada galinba la dhigto, laba dugsi oo hoose dhexe ayaa ku yaala oo galaasyada qaarkood ay fadhiistaan boqol iyo wax ka badan. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa konton kun ooqof oo waagii hore beeralay ahaan jiray iyo xoolo dhaqato. Dabeecadda dadka daga waa dad qabow oo quyar socoda.  Waa magaalooyinka ugu rabshadaha yar tuuga iyo budhcadu kuma noolaan karaan. Bulshada ku nool waxay  si gaara u tix galiyaan qofka aan deegaankaa ka soo jeedin ee maamul looga soo dhigo  aad baanay ugu farxaan marka loo soo badalo dhamaan shaqaalaha dawlada ee loo soo magacaabo. Inta badan shaqaalaha ka shaqeeyaa waxaa Gabiley laga beddelaa iyagoo jeebkooda wax ku jiraan muuq ahaana ladnaystay. Dhanka siyaasada, urur walba wuu tagaa, waa la soo dhaweeyaa  wax dhadhamo dhaafsana ma waydiiyaan halka magaalooyinka dhiggeeda ah ururka tagaba la hor dhigo mashruuc qabyo ah lagana shubo lacag aad u badan. Siyaasiyiinta Gabiley ka soo jeeda ayaa ah kuwo si wayn isku khilaafsan  cid kale in ay dhaaftana diiddan. Golihii deegaanka ee u horeeyay ayaa gabi ahaanba ku fashilmay xilkii bulshadu u igmatay kuwaasoo awoodi waayay in ay xalaashadaan gunada oo ay kal fadhiyo iskugu yimaadaan waxaanay dhaxalsiisay in maayar dibad jooga oo bilaa saxeexa  iyo ku xigeen ah kusime maayar oo marwada madaxwaynuhu shahaadad gudoonsiiso wax qabad lagu sheegay waxay garashada saliimki iswaydiinaysaa  ku simahan maayarku  muxuu kaga duwan yahay maayarada kale eedalka maxaase lagu macnayn karaa xidhiidhka ka dhexeeya marwada madxwaynaha marka laga tago tii xisbinimo  waxaa is waydiin mudan yaa ku eedaysan hoos udhaca maqaamkii gabiley  waxaan filayaa in dawaynaha ka xoog batay koox dumara  oo aan illaahay u baryayo in wixii loo abuuray ilaahay garansiiyo iyo safka madax dhaqmeedka oo aan leeyahay waligayo idin saamixi mayno golaha deegaankana waxaan ku dhaafayaa waa inoo qiyaamaha

Waa wax lala yaabo oo aan la aqbali Karin hab dhaqanka maamulka gabiley run ahaantiina waa ficil xun meelo badanoo soomaali land  kamida aan ka suurto gasheen  hadii tusaale usoo qaadano badhasaabka gobolka gabiley m ,cali nuur aw aadan waa qurba jooge londhon uga yimid xilkan loo soo magacaabay mar kale badhassb ku xigeenka  cali cabdi  cabdi laahi  waxuu ka mid ahaan jiray shaqaalaha wasaarada maaliyada  waaxda cashuuraha bariga  si rasmiyana udaganaa magaalada hargaysa waxaanu ka soo shaqo tagaa  hargaysa maamulaha bangiga gabiley oo ah hay,ada kaliya ee nasiib u heshay in ay isla dayr qudha kuwada yaalaan guriga loo talo galay in uu dago xaaska maamuluhu balse waxuu ka door biday in uu daganaado hargaysa oo uu galabtii ka caraabo  aroortiina ka soo ka laho  xisaabiyaha gobolka ayaa isna ka soo shaqo taga hargaysa maamulaha kastamka kalabaydh iyo ku xigeenkiisa ayaa iyaguna lamid ah taliyaha xabsiga gabiley taliyaha saldhiga gabiley dhamaantood waxay ka soo shaqo tagaan hagaysa maayarka dagmada gailey ayaa ah masuulkii ugu danbeeyay ee ka guura gabiley iyadoo ku sabobaysay magaalo aan wax barashadeedu fiicnayn sidoo kale gudoomiyaha maxkamada ayaa ka soo shaq taga hargaysa isku soo wada duubuu dadwaynaha reer gabiley waxay u arkaan dhaxalkii codkii faraha badnaa ee madaxwane siiraanyo madaxwayneha ku noqday iyadoo dadwaynuhu ku jiraan codkaygii  eersaday

Wariye: sacad maxamuud gadhle

Tell : 4669910 sacadgadhle@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories