HomeGABILEY: Beeraleyda oo la Guddoonsiiyay Cagaf-gacmeedyo Kor loogu Qaadayo Waxsoosaarka Beeraha Somaliland

GABILEY: Beeraleyda oo la Guddoonsiiyay Cagaf-gacmeedyo Kor loogu Qaadayo Waxsoosaarka Beeraha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargaysa(SLpost)-Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa maanta ka qayb galay munaasibad deegaano ka tirsan beeralayda Gabiley lagu gudoonsiinayey Cagaf gacmeed loogu talo galay in kor u qaadka wax soo saarka beeraha.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka beeruhu ee ka qayb galay munaasibada ay hay’adda ADRA ku gudoonsiinaysay Cagaf Gacmeedka  beeralayda Gabiley ayaa waxa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Beeraha C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe, Guddoomiyaha Arabsiyo Cabdilaahi  iyo masuuliyiin ka socday hay’adda ADRA.

Wasiirka Beeraha oo goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu  beeralayda ugu baaqay inay mashruucan lagu gudoonsiinayo Cagaf Gacmeedka ka faa’iidaystaan, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa sugida cuntada.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa hay’adda ADRA oo mashruuc ay ka waday shan deegaan oo ka mid ah Gobolkan Gabiley ku soo gabo gabaynaysa siinta ay beeralayda siinayso Cagaf Gacmeedkan oo haddii uu mashruucii ay ka waday shantan goobood dhamaaday ma dhammaan shaqooyinkii ay dalka ka qabanaysay waxaanan rajaynayaa inay sii wadi doonto shaqooyinka noocan oo kale ah”

Wasiirka oo beeralayda dardaaran u jeedinayaa waxa uu yidhi “Beeralaydana waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo yaynaan mucaawino sugin oo haddii la ina caawiyo ku fikira sidii aynu u gaadhi lahayn isku filnaansho cunto, sanad walba waxa biyo badda inagaga darsama waad aragteen waxaana loo baahan yahay inay biyahaasi qabsano oo Cagaf Gacmeedkan la idin siiyey aad uga faa’iidaysataan sidii aan biyo dhulka inooga halkii dibigana inoo gasho maadaama oo abaarihii soo noq noqday ay dhameeyeen dibidii loo adeegsan jiray qodaalka”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sidii dibiga oo kale Cagaf gacmeedkan loo isticmaali doono loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Cagaf gacmeedkan waa in looga faa’iidaystaa sidii dibiga beeraha loogu qodan jiray oo kale, hay’addana waxaan codsanaynaa inay kordhiso tababarada ay beeralayda ka siinayso qalabka noocan oo kale, dadka beeralayda ahna waxaan leeyahay masuuliyad ayaa arintan idinka saaran ee waa inaad sidiisa uga soo baxdaan oo aad ku dedaashaan sidii wax soo saar muuqda looga soo saari lahaa”

Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Beeraha C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe iyo Guddoomiyaha Arabsiyo Cabdilaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in mashruucan uu ahaa mid ay ka faa’iidaysanayeen beeralayda shan deegaan oo hoos yimaada Gabiley, kuwaasi oo kala ah Ceelginiiseed, Agasmaha, Qudhaco, Hadhlay iyo Dalaada, Isla markaana waxay xuseen in mashruucani hay’addu fulinaysay isugu jiray Tababar beeralayda la siinayey, Xadhkaha beeraha oo beeralayda loo xidhayey, dhaqaale samayn loo fidinayey beeralayda, Dooxyo la xidhay iyo qaybtan oo ah qaybtii ugu dambaysay ee 10 Cagaf gacmeed oo la isku siinayey shantaasi deegaan si ay u kala qaybsadaan.

Madaxa mashruucan oo ka socday hay’adda ADRA oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay in mashruucan looga dan lahaa kor u qaadida wax soo saarka Beeralayda deegaanadan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories