HomeGABBAL-DHACAY: GABAY BAROOR-DIIQ U AH GAARRIYE, W/T Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

GABBAL-DHACAY: GABAY BAROOR-DIIQ U AH GAARRIYE, W/T Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Siciid Maxamuud Gahayr

Gabaygan magaciisu yahay Gabbal-dhacay waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq), wuxuu soo baxay 05/10/2012-ka. Waa gabay baroor-diiq u ah Gabyaagii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Abwaankii Weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Alle ha u naxariisto’e. Waa tix xusaysa kaalintii Marxuum Gaarriye iyo mahadhada uu ifka kaga tegay, sidoo kalena Alle uga baryaysa inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo.

 Waa kuwan meerisyadii gabayga Gabbal-dhacay:

Warka xumi ma gaabshoo dabayl, gaaru leeyahaye

Gabbood kuma negaado habeen, guula sugi waaye

Gudguduudka waaguu guryaha, noogu soo galaye

Gelin buu ku gaadhoo dadkii, wada galiilyawye

Geeridu xaq weeyee mid baa, lala gariiraaye

Gocashiyo xanuun bay midkeed, gaar u leedahaye

Naxdin iyo gujaa laga dhaxlaa, tii halyeey go’oe

Fiinta gii leh, tiiraanyo gooh, galawga wiiwii leh

Dhiilladu si gooniya hadday, godoshay laabtayda

Go’ haddaan hagoogtiyo haddaan, keligay goobyaalay

Qalbigay gobtahanyoonayiyo, murugaday gaadhay

Madaxay gadaadiyo ilmaday, gabaxli waa daw’e

Jidhku ima gigleeyeen ishuna, may galgalateene

Naftay garab la’aantay ogtahay, diidday gama’iiye

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Gidaarkiyo albaabkays ballaqay, waa mid geydh badane

Geestuu ku beegnaa qayood bayga, soo galaye

Halkuu ku gudbanaa baa i go’an,. Geesigaa tebaye

Lammuun garasho dheer buu ahaa, gaadh-hayii qarane

Guurti iyo wax-garad buu ahaa, geed-ka-taliyiiye

Gudbiyaha tacliintuu ahaa, geeddi-geliyiiye

Durdur aan go’ayn buu ahaa, ceel gannuun adage

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Garab jabay aqoontuu ku yahay, gudashadeediiye

Geed qarqoormay murtidii ku yahay, gogol-dhiggeediiye

Gudhayuu runtii iyo ku yahay, garashadeediiye

Goblin buu afkii iyo ku yahay, dhaqanki gaadhnaaye

Gabayoox bannaan buu ku yahay, guurtidoo kale’e

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Talo-gooste, hoggaankii gurracan, wuu gujayn jiraye

Goobaha naf-waaguu ahaa, bir iyo gaashaane

Ma-gabbade halyeeyuu ahaa, guusha raadsada’e

Gadoodkii Siyaad iyo ma biqin, weerar-geliddiiye

Gulufkii sokeeyaha markuu, gobolku qiiqaayay

Haye-Bari gariirkii ka dhacay, wuu dhex gololnaaye

Gubashadii Hargeysiyo Berbera, gaabis muu noqone

Go’uu xooray, murtibuu godlay, tix iyo geeraare

Gabaygiyo dhawaaquu hinqaday, galawgu dhiillooye

Gardarruu necbaa iyo gefkiyo, gaada beenlaha’e

Gedaafada xigaalkuu ahaa, gaadhka caabbiya’e

Garta eexo, goobna laguma xaman, Gaarriyoo falaye

Gadh-hayeenka nabadduu ahaa, geed hadh loo dayo’e

Gees kastoo la eegaba ifkaa, guulo loo qiraye

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Ma gedmanayo liibaan qofkaad, ugu gargaartaaye

Godka iyo su’aalaha dhexyaal, iilka gudihiisa

Garansii jawaabaha Rabbow, yaanu gees-marine

Allahayow jannada gee bulshada, guday xilkeediiye

Aamiin, Aamiin, Aamiin

Dhammaad

Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq)

Haldeeq1@gmail.com

Tell: 4194095 TELESOM, 9133446 SOMTEL

Tebinta iyo Tifatirka

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories