HomeGABAY: Ilmadii Yaxaaska – W/T: Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Fartaag)

GABAY: Ilmadii Yaxaaska – W/T: Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Fartaag)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabaygan loogu magac Daray [Ilmadii Yaxaaska] waxa tiriyey Hal-abuurka Da’da yare e Axmed Cabdilaahi Maxamuud (Fartaag). Abwaanku waxa uu gabaygiisa ku muujinayaa Guul-darradii laga dhaxlay in la helo Shanta Soomaaliyeed oo midowda, Hamigii Shacabka Somaliland ee Wakhtigaas iyo Go’aanka ay ka qaateen dhibaatadii ka soo gaadhay midowgii lagu hungoobay ee Somalia.

Abwaan Fartaag waxa kale oo uu Gabaygiisa ku iftiimiyey Siyaasada Dawladda Ingiriiska ee wakhtigan ay kula shaqaynayso Soomaaliya iyo Doorka uu ka ciyaarayo isbeddelka dibloomasiyadeed ee siyaasaddiisa Arrimaha Debedda.

Waxa uu Abwaanku Gabaygiisa ku bilaabay:

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-FartaagIsraacii horeetiyo kol bay eeday midawgiiye

Shantii loo abtirinaayay way kala irdhoobeene

Amxaarada darbaa raacay oo adiis tagaye

Enf,dhii ma soo noqon ilaa aagii nayroobi

Jabuutina iskeed bay jirtaa awr u rarataaye

S/land aqoonsay rabtaa iyo aradkii dawlaade

***        ***        ***

Ku asqoobe soomaalidii aagagaa xidhane

Isticmaarkii kala qaybiyiyo gaalo eersada,e

Inay urursanaatiyo la diid qaar is aaminaye

Afrikaanka waa loo tashaday aadmi kala roone

***        ***        ***

Unuga iyo seeskiyo dalkaan nabad ku aas-aasay

Ambaqaadka Qarannimo dalkaan cadaw ka oodaayay

Ubaxa iyo beeraa dalkaan samo ku iidaamay

Ayaantii qadhaadhayd dalkii kumanka loo aasaayay

Isticmaaradii yimid dalkaan ololka jiidhsiiyay

Afwayniyo danaystaha dalkaan orod ku dhaafsiiyay

Ubadka iyo hooyada markii ayda lagu daadshay

Abaarii na soo maray waxaan omas ka soo doognay

***        ***        ***

Isma dhiibin shacabkani intuu aadmi soo jiraye

Adkaysuu yaqaanaa markay talo irdhawdaaye

Islaam weeye diintiyo waxyiga aaminoo qiraye

Asxaabtii rasuulkiyo csw,waa ehelkii khayraade

Rabi baa ilaashada Dalkoo iilanwaa kaniye

Agoomada u soo hadhay baa aabo,yaal noqone

***        ***        ***

Ingiriis wuxuu wado beryahan uunki wada yaabye

Argagixiso maahee jugtani waa amuur culuse

Uurka wuxuu ku haystaana waa asraar kale,e

Ujeeduu ka leeyahay warkuu yidhi iblayskiiye

Oohin yaan la moodine  hayay waa ilmo yaxaase

***        ***        ***

Isku laabta buu leeyahoo raranka oogaaye

Axankuu sugaayaa markay laba is eedaaye

Is cun buu ku leeyahay aan kuu sii cuno,e

Arligii nabdoonaa haduu eed ka soo sheegay

Bal ogaada somaliyeey aarki soo noqoye

Ogaalka iyo waayeel maxaa odayadii seexshay

Aqoonyahankii joogiyo mee indheer garadkii

‘Maah Maah Soomaaliyeed baa ahayd:

[Waxa maanta jooga ninkaan garani waxa soo socda ma garto]’

 Erayadii Abwaan Axmed C/laahi Maxamud
[Axmed Fartaag]

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories