HomeGABAY: Gaashaantuu la doodaa ninkii Guurti loo diraye - W/T: Axmed Fartaaq

GABAY: Gaashaantuu la doodaa ninkii Guurti loo diraye – W/T: Axmed Fartaaq

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tixahan waxa tiriyey  Abwaanka Da’da yar ee Axmed C/laahi Maxamud Axmed Fartaag. Waa Gabay ka hadlaya Dacwadda ka dhaxaysa Wasiir Xirsi iyo gabadha u xidhan ee Nadra Maxamed Jaamac oo ku eedaysan inay Farriin Aflagaaddo ah ku dirtay Telefonka Wasiirka.

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-Fartaag

Gabadh baabu xidha’yuu geeyay jeelkiiye
Noo goleeya buu yidhi yartani way gafaysaaye
Dumarkiina loo gudub markay taladu guuraysay
Gaashaantuu la doodaa ninkii guurti loo diraye
Gar habeenkii loo dhiganayay galabta joogtaaye
Gadhka kii lahaa iyo hadmaa dumar gudboonaaday?

Garaadkiyo dulqaadkii ayay gabi ka tuureene
Dhaqankii gobta ahaa waa la gees maraye
Golihii wasiirada maxaa dumarka gaadhsiiyay?

Guyaal iyo guyaal hablii geela badan joogay
Gaari baa la siistaa waxaad guunyo haysaaye
Guhaad looma quudhoo habluu waa gayaankiiye
Gurdoobkiyo caruurtay korshaan geesiyaal badane
Guriga iyo Hooyadu waa geedkii laga beermay

Dacwadaadu garanwaa ayay tahay gadiisiiye
Garyigeenu muu arag Wasiir xaafadaa galaye
Gaanibaa waxaa lagu eryee guriga haw leexan
Gaabane hablaa daa niyaw gocasho waa ceebe
Messegeyadaa ganan iyo yay ku gubin eedu
Xilka guudka kuu saaran iyo garo waxaad hayso

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories