HomeGabay fariin u diraya Madaxda siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo qaybaha bulshada: Rabboow Naga...

Gabay fariin u diraya Madaxda siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo qaybaha bulshada: Rabboow Naga Dhig Duul Wada Dhashoo Dhud iyo Laanteed ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Rabboow Naga Dhig Duul Wada Dhashoo Dhud iyo Laanteed ah 

blankWaxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil oo uu fariin iyo dardaaran ugu jeedinayo qaybaha kala duwan ee bulshada, sida madaxda siyaasiyiinta ah, ganacsatada, madax-dhaqameedka, saxaafadda iyo dadweynaha, waxaannu gabaygan ku bilaabay sidan;

  1. Taladii wanaag lagu dhisaad guul ku dhalisaaye

Dhulka aynu leennahayna waa Dheeho noo dihine

Baddaa dhereran maal baa dhexyaal Dheemman iyo Luule

Dhugmo lagu hantiyo bay rabtaa xoog ka soo dhura’e

Weliba waxaa inoo dheer adduun kaynu dhaqanaaye

Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran

 Aan shaqada loo dhego-nuglaan waa dhitinaynaaye

Ku dhaqaaqa tacabbaa arlada la isku dhaafaaye.

 

  1. Dhudhunkaaga aad maasho baad dhereg ku gaadhaaye

Waxa Hay’adahu dhiibayaan malaha dhawraale

Dhugmo welefta iimaan dham’a iyo garisho kaa dhoofta

Iyo dhaqanka oo kaa lumay dhiirigelisaaye

Hadbana si aad hog ugu sii dhacday kuugu dhigayaane

Waar waa laysku dhaandhaamayaa ha u dhegtaagina’e.

 

  1. Dhifalloobman kuuguma hirgalo dhaanto iyo boobe

Marka uu dhaqaaluhu kobcaa qaranku dhaataaye

Dalbana siduu u dhawrtaa hantidu ugu dhitawdaaye

Dhibiq-dhibiq u gee buu ku yimi dhiilka buuxsamaye

Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran

Aan shaqada loo dhega-nuglaan waa dhitinaynaaye

Ku dhaqaaqa tacabbaa arligga la isku dhaafaaye

 

  1. Inta qaranka loo dhaariyee talada loo dhiibay

Ammaanada haddii aanay dhugan saaran dhabarkooda

Oo aanay dhawrayn dantii looga dhigay raaci

Ifka waa u dhib aakhirona waa u dhammacdii naareede

Iyaguna dhunkaashay hayaan ha iska dhawreen

 

  1. Inta miidhiyaha dhaadhidee xummaha soo dheegta

Ee dhurra dharaariyo habeen dhiiladiyo cayda

Waxa ayku dheel-dheelayaan waa dhimbiil dab’ahe

Qofbana waxa uu dhigtaabaa u yaal dhiisha aakhiro’e

Iyaguna suntay dhidhinnayaan ha iska dhaafeen’e

 

  1. Haddii geel ka dhaadhacay habeen dhaafo xeradiisa

Dhurwaaga iyo libaax laaya iyo dhawrta waa u halise

Dhabarka iyo hiddihii wuxuu ka jabay dhuuxa bawdada’e

Isku dhidhinta qaar loo boqriyo qaar iskaba dhaashtay

Xilkii dhaqanka waxaa soo huwaday dar aan is-dhawrayne

Way dhalanrogeen haybaddii dheemmanta ahayde

Haddii aan shuruuc lagu dhaqoo dhawrta loo curinin

Sharafka iyo dhegtii aad lahayd waa qaldhebayaane

Dhurwaayada ka rida tallo hadday kuugu dhawdahaye

 

  1. Ganacsiga intaa dheefsatee dhoofsha ama keenta

Dhibaatooyin badan baa jiroo lagu dhalliilaaye

Sicirka oo bulshada lagu dhejoo dhibaya kii liita

Dhulka hooyo oo aanay gelin maal wax laga dheefo

Iyo qaar allaabada dhacday ee dhimmatay soo waarya

Iyo dar aan sekona dhiirigelin deeqna kaba dhaartay

Iyo qaar xadkaba dhaafay oo dhimaya miisaanka

Dhibaatooyikaasaa jiriyo qaar kaloo dhimane

Maalkii xalaal laga dhaqdaad dhaxalka reebtaaye

Dhadhan malaha xaaraan maqdaca waxaad ka dheeftaaye

Iska dhawra xaqa aadamaha aakhiraa dhimane

 

  1. Dhuun-qabad dhirtoo taagan buu dhuuxa ma dhiyaaye

Afku-dhiigle dhaayaha ilmada been ka dhibiqsiiya

Dhagar qabbe xummaan dhaadhiyoo haybta ugu dhuunta

Waa waxa bulshada dhabar jebshaye dhigay halkay taale

Dhar siyaasi qaar soo xidhiyo dhaqan mid soo duubtay

Ninba halkuu dhufays mooday buu beerka soo dhigaye

Xilna ma dhibo’e yoolkoodu badi waa dhadhamo raace

Mana kala leh dheeriyo dhowena gooh-dhegaystuhuye

Ummadyahay intaad dhama’sannayd haadku kaa dheregye

Wixii kale dhammayste’e naftaa loo dhugtamayaaye

Dhegaha iyo araggiina fura oo dhugmo u yeesha

Iskana dhiciya dhuuryooyinkaa dhiigga yu’annaaya

 

  1. Waxba hadalku yuu illa dhamcine haatan aan dhigo’e

Islaam dhab ah walaalo isdhaqdiyo gacal isdhawraaya

Ay dhaxal caddaaladi u tahay dhaqana diinteenu

Oo khayrka wadda dheefsadaan cinniq isdheeraysan

Oo dhinnac u wadajeeda aan kala dhegtaagaynin

Rabboow naga dhig duul wada dhashoo dhudiyo laanteed ah

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories