HomeGabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ka Mid Noqota Saraakiisha Booliska Magaalada...

Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ka Mid Noqota Saraakiisha Booliska Magaalada ST,paul ee Gobolka Minnesota ee Cariga Maraykanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Minnesota(SLPOST)Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ayaa ka mid noqotay saraakiisha booliiska magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota,

khadaray-

iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka mid noqoto saraakiisha booliiska magaaladaas.

Khadro Maxamed ayaa ka shaqeynaysay qaybta arrimaha bulshada ee booliiska St. Paul dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Khadro waxay kasoo jeeddaa Soomaalida dalka Kenya ku nool, waxayna ka baxday dugsiga sare sannadkii 2010-kii.

Sidoo kale, Khadro waxaa lagu wadaa inay ka qalinjabiso bisha May ee sannadkan 2014-ka machadka barashada barista dambiyada iyo cadaaladda ee St. Paul, iyadoo howsheedu ay noqon doonto inay difaacdo Soomaalida ku nool gobolkaas.

“Rajadii aan muddo badan qabay ayaan maanta ii rumowday, waadna garan kartaan inaan dadaal badan u galay sidii ay riyadeydu ku rumoobi lahayd,” ayay Khadro ku sheegay hadal ay bixisay markii garaadaha sarkaalnimo loo xiray.

Iyadoo sii hadashay ayay Khadro Maxamed ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minneosta, gaar ahaan haweeka inay dadaal u galaan sidii ay darajoojin sar-sare uga gaari lahaayeen hay’adaha kala duwan ee gobolka.

Ma jirto magaalo kale oo ka tirsan gobolka Minnesota marka laga reebo St. Paul oo u ogolaatay inay ka mid noqoto saraakiishooda booliiska haweeney Soomaaliyeed, sida Khadro oo kale.

Dhanka kale, magaalada St. Paul ayaa noqonaysa magaaladii ugu horreysay oo si rasmi ah u ogolaata in haweenka ka shaqeeya gobolkaas ee muslimiinta ah ay xirtaan xijaabka lagu yaqaan haweenka muslimiinta ah.

Taliyaha booliiska St. Paul, Tom Smith ayaa sheegay inay rajeynayaan Khadro ay tusaale u noqoto haweenka kale ee Soomaaliyeed ee doonaya inay ka mid noqdaan booliiska magaaladaas.

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka, waxaan dhawaan xilalka sarsare ee gobolkaas loo doortay dhallinyaro Soomaaliyeed oo rag ah.

Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories