Home"Gabadhaas Masaajidka La Jaarka Ahi, Waxba Kamay Xishoon..." Qaar Ka Mid Ah...

“Gabadhaas Masaajidka La Jaarka Ahi, Waxba Kamay Xishoon…” Qaar Ka Mid Ah Culimada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost) – Qaar ka mid ah Culimada Masaajidka Raabida ee ku yaalla Xaafadda Badda cas ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedo ay culimada Masaajidkan iyo Culimada Dalka qaarkood u soo jeedisay Haweenay Deris la ah Masaajidka.

blankHaweenaydan oo Deggan guri Dawladdu leedahay oo Masaajidka ku Ag-yaalla ayaa sheegtay in Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) iyo Culimada Masaajidka Masuulka ka ahi ay ku khasbayaan inay Gurigan ka iibiso isla-markaana dhib lagu hayo.

Hase-yeeshee, Culimada Masaajidka Raabida oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in eedaynta Gabadhaasi tahay been aan Sal iyo Raad lahayn.

Sheekh Cali Sheekh Mahdi oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ah Imaamka Masjidka Raabida, waxaan halkan ka caddaynayaa hadalkii ay Gabadha Saynab Maxamed kaga hadashay aad iyo aad baanu uga xunnahay, waanuna cambaaraynaynaa..”

Sheekhu wuxuu sheegay in eedda ay Gabadhu u jeedisay Sheekh Aadan-Siiro tahay wax aan raad lahayd, “Sheekhu waa nin Hanti ku filan haysan, Masaajidkana wuxuu u taro mooyaane waxba ma yeelo, Ummadana wax tar buu u yahay, ka nool iyo ka dhintay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Gabadhaasi Ilaahay iyo Ummaddiisa midna kama xishoon, markay leedahay Gurigaa la igu haystaa, waxaan leeyahay iyadaa Masaajidka haysata, waa Gabadhii ugu horraysay ee aan arko ee leh Dhul baa Masaajidka igaga jira ama Kaabaddii Masaajidka haysata. Annagu Guriga kuma haysano…”

Sheekh Cali wuxuu sheegay inay Saynab uga baahan yihiin inay soo caddayso eedaha ay u jeedisay Maamulka Masjidka Raabida, “Gabadhaasi hadday soo caddayn waydo eeddaa ay samaysay, Maxkamadda Sharciga ah ayaanu ku kala baxaynaa..”, ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Wasiirka hawlaha guud oo yidhi Dhul 9 Mitir ah oo u dhexeeya Masaajidka iyo Guriga Dawladda ee Gabadhu ku jirto uu u qaybinayo, “Ummadda waxaan leeyahay, wax walba lama rumaysto, waayo? Waa Aakhiru-samaan..”

Sheekh Mustafe Maxamed ayaa isaguna yidhi, “Gurigan malaha Gabadhu, Culimaduna malaha ee Dawladdu go’aan fiican haka soo dejiso..”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories