HomeGabadh Uu Indhaha-tiray JIN Ka Soo Raacay Hindiya Oo Araggu U Soo...

Gabadh Uu Indhaha-tiray JIN Ka Soo Raacay Hindiya Oo Araggu U Soo Noqday Markii La Qur’aan Saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Gabadh dhallinyaro ah oo Dalka Hindiya Hooyadeed u geysay Caafimaad, ayaa la kulantay Xaalad Caafimaad oo khatar ah, ka dib markii labada indhoodba ay waxba ka arki wayday.

Warka-Jinka

Gabadhan oo Magaalada Haydrebad ee Dalka Hindiya ka soo laabatay iyadoon labada Indhood aan waxba ka arkayn, ayaa markii ay soo gaadhay Puntland, waxa loo geeyay  Sheekh daweeya Dadka Jinku galo, waxaanu ku akhriyey Qur’aan.

Akhrinta Qur’aanka Kariimka ah ka dib, waxa Gabadhii oo Da’deeda tahay Labaataneeyo ka dhex hadlay waxa uu Sheekhu ku sheegay Jin Kiristaan ah, kaasi oo uu sheegay inuu ka soo raacay Dalka Hindiya.

Sheekha oo Akhriyaya Qur’aan, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay Gabadha oo aan Indhaha waxba ka arkayn, isla-markaana ay ka dhex hadlayaan waxa uu Sheekhu ku sheegay Jinka.

Sheekhan oo Deegaannada Puntland caan ka ah, ayaa jinka Gabadha ka dhex hadlay waydiiyey halkay ka soo raaceen Gabadha, siday ugu suurto-gashay inay Aragga ka waxyeeleeyaan iyo Su’aalo kale oo badan.

Waxa Sheekhu uu Jinka ku sheegay oo su’aalaha la waydiiyey ka jawaabayey, ayaa sheegay inay ka soo raaceen Dalka Hindiya isla-markaana ay yihiin 25 Jin, Gabadhuna ay aragga wayday markii ay neerfaha Madaxa ee indhaha ka shaqeysiiya ay dhaawacyo gaadhsiiyeen.

Laakiin, markaasi ka dib Sheekha oo aad u qaylinaya ayaa labadiisa Suul ku dul-qabtay Labada Indhood ee Gabadha, waxaanu ku akhriyey Qur’aan iyo Duco badan, waxaana markaasi ka dib Gabadhu sheegtay inay wax arki karto oo ay fiican tahay.

Haweenay Eddo u ah Gabadha uu Jinku araggeeda waxyeeleeyay, oo sheekhu waydiiyey Muddada ay Gabadhu indhaha la’ayd, ayaa tidhi, “25 Maalmood ayayna waxba arkaynin.”

Nasiib wanaag, Xaalad caafimaad ee Gabadhan ayaa wanaagsanaatay isla-markaana sideedii caadiga ahayd ku soo noqotay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories