HomeGabadh Reer Somaliland ah Oo Ku Guulaysatay Abaal-marin Caalami ah

Gabadh Reer Somaliland ah Oo Ku Guulaysatay Abaal-marin Caalami ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dr Sacda Mire Oo Haysata Shahaadada PhD, ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata Cilmiga Aataarta qadiimiga

Washington DC (SLpost) – Dr. Sacda Mire oo ah Aqoonyahanad ku Takhasustay baadhista Aataarta Qadiimka ah, kana shaqaysa, ayaa ku guulaysatay Abaal-marin Caalami ah.

Dr Sacda oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, haysatana dhalashada Dalka Sweden, isla markaana ka shaqaysa u ololaynta iyo horumarinta Hiddaha iyo dhaqanka, ayaa ku guulaysatay abaal-marinta Caalamiga ah Wayfinder Award oo ay bixiyaan Ururka National Geographic Society oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka.

Abaal-marinta ‘Wayfinder’ ayaa lagu maamuusaa Dadka dedaalkoodu saamaynta wax-ku-oolka ah yeesho, kana shaqeeya Isku-xidhka Taariikhaha Umadaha isla-markaana Shaqadoodu daah-furto Hal-abuur Horumar Horseeda.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Ururka ‘National Geographic Society’ waxaan ku hanweynahay inaan magacowno 15-ka qof ee raad-raacayaasha ah inay yihiin kuwa sanadkan 2023-ka helay Abaalmarinta Wayfinder, taasi oo ku timid Wax-qabadkooda gaarka ah ee heer maxalli ah iyo mid caalami ah,” sidaa waxa yidhi Alexander Moen oo ah Madaxa Hawl-gelinta National Geographic Society oo ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn caalamka ee ka shaqeeya horumarinta Cilmiga iyo Waxbarashada.

Sacda Mire oo haysata Shahaadada sare ee PhD, ayaa ka hawl-gasha Machadka Cilmi-baadhista Aataarta qadiimiga ah ee Jaamacadda London, iyadoo ah Aasaasaha Madxafka Horn Heritage Foundation, waxayna ka shaqaysaa oo kale Cilmi-baadhista iyo ilaalinta Hiddaha iyo dhaqanka Geeska Afrika.

Dr Sacda Mire, ayaa ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga Aataarta qadiimiga ah oo ay ka shaqaynaysay in ka badan toban sano, waxay cilmi-baadhis ka samaysay Somaliland iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay War ay baahisay Hay’adda Abaal-marintan bixisa, taasi oo intaa ku dartay Inay ahayd Agaasimihii aasaasay Waaxda Aataarta Qadiimka ah ee Somaliland.

“Waxa aan Aad ugu faraxsanahay in aan la wadaago in aan ku guulaysto Abaalmarinta Wayfinder, anigoo ka mid noqonaya shabakada caalamiga ah ee National Geographic,” sidaa waxa tidhi Sacda Mire oo qoraal kooban oo ay guusheeda kaga dareen-celisay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Abaal-marinta lagu maamuusay Dr Sacda Mire, ayaa u saamaxaysa inay ka mid noqoto shabakadda Khubarada caalamiga ah ee ka hawl-gala hay’adda National Geographic Society.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda National Geographic Society, Dr Sada Mire ayaa ah Qofka Kaliya ee Soomaali ah ee ku jira 15 Aqoonahan oo ee sannadkan ku guulaystay. Sidoo kale, Sacda Mire ayaa noqonaysa Qofkii u horreeyey ee Soomaali ah ee ku Guulaysta Abaalmarintan.

Aqoonyahan Sacda Mire, ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay Goobo Taariikhi ah oo laga helay Somaliland, gaar ahaan Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km ah dhinaca Woqooyi-Bari kaga beegan Hargeysa.

Khubaro caalami ah Oo ku takhasusay Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah, ayaa tiraba dhowr jeer booqasho ku tagay deegaanka Laasgeel oo laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin, kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Sacda Mire ayaa noqonaysa Gabadhii labaad ee reer Somaliland ah ee Muddo bil gudaheed ah ku guulaysata abaal-marin Caalami ah oo lagu maamuusay.

Hore waxa sidan oo kale Abaal-marinta Caalamiga ah ee Templeton Prize ugu guulaysatay Dr’s Edna Aadan Ismaaciil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories