HomeGabadh Reer Hargeysa Ah Oo Masiibo Laga Bedbaadiyey

Gabadh Reer Hargeysa Ah Oo Masiibo Laga Bedbaadiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waa Masiibo Illaahay laga Magan-galo in Qof Miyirkiisa iyo Maankiisa qabaa uu isku diyaariyo inuu Is dilo oo uu Naftiisa Halligo.

Laakiin, waa Dhacdooyin si Maalinle ah uga dhaca Dalalka dunida badankooda, sababaha Dadka ku riixaya inay qudhooda jaraana way kala duwan yihiin.

Dadka Islaamka ah, Qofka qudhiisa jaraya waxa lagu tuhmaa inaanu Maskax ahaan Fayoobayn iyo inay jiraan Culaysyo nololeed oo uu maarayntoodu ku adkaatay iyo in Shaydaan uu wax kale u sawirray.

Hase-yeeshee, waxa cusub in Gabadh dhalinyaro ah oo Waxbarashada ka gaadhay Heer Jaamacadeed ay gaar uga baxdo Magaaladii ay ku noolayd isla-markaana isku diyaariso inay qudheeda Goyso, iyadoo sheegaysa inay Geeridu u dhaanto inay noolaato.

Sabab kasta oo keentay, isku-daygaa dil waxa samaysay Huda Xuseen oo ah Gabadh dhallinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargeysa.

Dadweynaha ayaa ku War helay Muuqaal ay iska duubtay iyadoo ku sugan bariga Mayaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku sheegayso inay is dilayso isla-markaana ay Gaadhi isku dhigayso.

Nasiib-wanaagse, Dadweynaha ayaa ku War-geliyey Ciidammada Booliska, kuwaasi oo markiiba bilaabay inay Baadi-goobaan, si ay Nafteeda u bedbaadiyaan.

Hawl-galkan oo Ciidammadu si Tallaabo-tallaabo ah ay dadweynaha ugula socodsiinayeen Warbaahintooda Bulshada, ayaa aakhirkii guulaystay.

Ciidammada, ayaa Huda Xuseen ku qabtay Magaalada Gabiley, si ay u samato-bixiyaan, sida ay ku sheegeen Qoraal ay Caawa baahiyeen.

Huda Xuseen oo baraha Bulshada ku baahin jirtay Hadallo ay nolosheeda kaga dayrinayso, ayaan si rasmiya looga War qabin dhibaatada haysata iyo Caafimaadkeeda midna, balse waxa hore Baraha Bulshada ugu baahay Muuqaallo ka warramaya khilaaf dhinaca Qoyskeeda ah, wallow la soo weriyey in Hooyadeed yo xubno kale oo Qoyskeeda ah oo xanuunsanaya ay ku keentay inay nolosho ku adkaato, Eheladii ay taageerada ugu baahatayna la fahmi waayeen duruufteeda, taasi oo sababtay in Maalinba Maalinta ka dambaysa ay quus ka istaagto nolosha, arrintaas oo ah waxa ku riixay Falka Argaggaxa leh ee Maanta laga bedbaadiyey.

Ugu dambayn, Muuqaalka ay baahisay Maanta iyada oo ooyeysa isla-markaana sheegaysa inay is dilayso, ayaa Bulshada Somaliland ku abuuray Argaggax iyo in loo wer-wero nolosha gabadhan dhalinyarada ah, taasi oo keentay in mar keliya Magaceedu uu qabsado Baraha Bulshada, iyadoo dadku ku baaqayeen in si deg-deg ah loogu gurmado.

Hadda’se, haddii Allaah uu Geeri ka bedbaadiyey, Dawlad iyo Shacabba waxa fuulaya Masuuliyadd ah in iyada iyo Dadkq la duruufta ah noloshooda la maareeyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories