HomeGabadh-Maanyo ‘Mermaid’ Run mise ma Riyo?

Gabadh-Maanyo ‘Mermaid’ Run mise ma Riyo?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sannadkii 2012 ayuu Talefishanka ‘Animal Planet’ sii daayay barnaamij lagu gorfaynayay in Gabadh-maanyadu tahay run. Barnaamijka waxa loo duubay qaab filim ah oo loogu talogalay in uu noqdo warbixin ‘Documentary’ kaas oo ka kooban waraysiyo lala yeeshay Saynisyahano ‘Dhaqaatiir la laaluushay’ iyo muuqaalo mobaylo lagu duubay. Caddaymaha uu barnaamijku soo bandhigay in kasta oo ay u muuqdeen khiyaali haddana dad badan ayaa rumaystay isla markaana aaminay in xaqiiqdii jiritaanka Gabadh-maanyadu ifka u soo baxday.

Bil kadib markii barnaamijka la sii daayay  ayaa ururka ‘National Oceanic and Atmospheric Administration’ waxa uu maqaal diidmo ah ku daabacay degelkiisa. ‘Xaqiiqdii ma jirto caddayn dhab ah oo xaqiijinaysa jiritaanka noolahan’ ayuu maqaalku ku bilaabmayay.

Sheeko xariirooyinka adduunka in ka badan kumanaan sanno ayaa lagu xusayay Gabadh-maanyada. Sheeko xariiradii ugu horraysay ee Gabadh-maanyadu waxa ay ahayd ku dhawaad 1000 BC, Sheekadaasi oo ahayd boqoraddii Suuriya ee ku boodday wabiga si ay isugu beddesho Kalluun. Balse Kalluun isku may wada baddalin quruxdeeda awgeed sidaas darteed bay qaybtii hoose oo kali ahi Kalluun u noqotay. Intaa wixii ka danbeeyay sheeko xariirooyinka ka warrama gabarmaanyadu waxay ka jireen waddamo badan oo adduunka ah.

Aynu din ugu laabanee falcelinadii laga bixiyay barnaamijkii ka baxay telefishanka Animal Planet-e, muddo kadib markii barnaamijkaa hawada laga sii daayay ayaa degelka ‘Deep Sea News’ daabacay maqaal si adag loogu beeninayo jiritaanka Gabadh-maanyada. Maqaalkan waxa qortay gabadh Saynisyahanad ah oo ku takhasustay culuumta badda isla markaana ka qalinjabisay Jaamacadda Oregon State magaceedana la yidhaa Shea.

Shea waxay ku caddaynaysaa qoraalkeeda shan qodob oo aanay sinaba suuro gal u ahayn in noole la yidhaa Gabadh-maanyo jirto isla markaana ku dhex nooshahay badda gunteeda.  Waana kuwan shantii qodob:

Qodobka Koowaad: Baddu ama badweyntu sida la wada og yahay marba marka hoos looga sii dhaadhaco waxa hoos u sii dhaca heer-kulka biyaha. Biyaha  badweyntu sida ay u kala hooseeyaan ayay u kala qabow yihiin, tani waxay ka dhigan tahay in biyaha ugu hooseeya badweybtu ay yihiin  kuwa ugu qabow. Jidhka bini’aadamku marnaba suuro gal uma aha bay tidhi Shea in uu ku noolaado biyo sidaa u qabow illaa laba mid in mooyee : In jidhka biyahaa sidaa u qabow ku noolaanayaa lahaado timo badan ama in uu aad u buurnaado. Xayawaanka ku nool badda gunteedu labadaa mid uun bay soo kala galaan. Waxa ay leeyihiin lakabyo badan oo dul saaran kuwaas oo ka celiya qabowga ama waxay leeyihiin timo aad u badan sida xayawaanka loo yaqaan Sea Otter oo kale. Wuxuu leeyahay bay tidhi xayawaankani in ka badan 900,000 oo tin ‘900,000 hair per square inch’

Haddaba Gabadh-maanyadu haddii ay badda gunteeda ku noolaanayso waa in ay lahaataa timo badan ama lakabyo badan mana laha! Markaa haddii aanay lahayn sidee ayay suuro gal  u tahay in ay nolosheeda oo dhan ku qaadato deegaankaa qabowga badan?

thermocline

Garaaf muujinaya sida heer-kulka biyaha badweyntu hoos ugu dhaco marba marka ka danbaysa si kasta oo ay cimilada dibaddu tahay. Xigasho: (http://faculty.scf.edu/rizkf/oce1001/ocenotes/chap6.htm)

Qoddobka Labaad: Sida caadiga ah xayawaanka waxa loo kala qaybiyaa laba: mid dhiig diiran leh iyo mid dhiig qabow leh ‘Warm blooded and cold blooded’ bini’aadamku wuxuu ka mid yahay xayawaanka dhiigga diirran, kalluunkuna kuwa dhiigga qabow. Sidee bay suuro gal ku noqonaysaa bay tidhi Shea in laba jidh oo laba bah ku kala tirsadaa hal jidh ugu bahoobaan?

Qoddobka Saddexaad: Haddii aynu is waydiino sidee bay Gabadh-maanyadu u tarantaa wax jawaab ahi inooma soo baxayso. Guud ahaan nooluhu laba nooc ayuu u tarmaa. Noole wax u eeg dhala iyo noole beed dhala. Bini’aadamku noolaha uu ka mid ka yahay waxa uu dhalaa wax u eg, Kalluunku noolaha uu ka mid yahayna waxa uu dhalaa Beed. Haddaba Gabadh-maanyada maxaynu odhan karnaa way dhashaa? Ma wax u eg mise beed?!

Qoddobka afaraad: Sidoo kale sida la wada ogyahay bini’aadamku wuxuu leeyahay hab dhis u gaar ah oo ka bilaabma afka kuna dhammaada dhammaadka mindhiqirka wayn. Haddii aynu isa su’aalno Gabadh-maanyadu ma waxaynu odhan karnaa waxay leedahay habdhis dheefshiid dhammaystiran oo ah kii bini’aadamka?  Jawaabtu waa maya. Kalluunku wuxuu leeyahay hab-dheefshiideed  fudud isla markaana ka duwan ka bini’aadamka. Haddaba miyay suuro gal tahay in Gabadh-maanyadu yeelato laba hab oo dheefshiideed oo kala duwan?!

Qodobka u danbeeya: haddii noolahani yahay noole jira wuxuu wax ka baddali guud ahaan aqoonta Sayniska!

Isku soo wada duub oo waxa Gabadh-maanyada loo badiyaa in ay asal ahaan ka soo jeedo khiyaalka Badmaaxyo noolaa kumanaan sanno ka hor. Maadaama ay badmaaxyadu kaligood ahaan jireen oo cidloon jireen waxa ay khiyaal isku tusi jireen in gabadh qaarka hoose ka kalluun ahi uga soo dhex baxayso Badda. Khiyaalkan ayaa markii danbena laga sameeyay sheeko xariirooyin sidaas ayayna sheekada Gabadh-maanyadu ku gaadhay adduunka! Sidan ayay dad badani ku doodayaan.

 

Sida dhabtu tahay se Allaa og!

Xigashooyin:

Degelka: Live Science: http://www.livescience.com/45733-are-mermaids-real.html   

Degeka Deep Sea News: http://www.deepseanews.com/2013/10/fishful-thinking-five-reasons-why-mermaids-cant-physically-exist/

Muna Axmed Cumar

11.Nofambar.2015

Hargaysa, Soomaalilaan

Muna_gafaneh@hotmail.com

munagafaneh@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories