HomeGabadh Ku Nool Dalka Jarmalka Oo La Xaqiijisay In Saddaam Xuseen Uu...

Gabadh Ku Nool Dalka Jarmalka Oo La Xaqiijisay In Saddaam Xuseen Uu uu Aabo u yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berlin (SLpost)- Ciraaqiyad dhalinyaro ah oo deggen dalka Jarmalka ayaa Jimcihii dhowaa shaaca ka qaadday war dad badan u qaadan waa ku noqday, kadib markii ay soo bandhigtay shahaadooyin iyo dhukumantiyo ay ku caddaynayso in uu sifo sharci ah u dhalay madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen.

Dhukumantiyadan oo ay ka mid tahay shahaadadii dhalashada ayaa muujinaya in gabadhani ay dhalatay sannadkii 1984kii, kuna dhalatay magaalada Qadaa’i Dowr oo ku dhow magaalada Tikriit oo ah halkii uu ku dhashay Saddaam Xuseen. Shahaadadan dhalashada waxaa ansixiyey dhakhtarad lagu magacaabo Sucaad Daalib oo ah tii hooyadeed ka umulisay. Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo shabakado badan oo wararka ahi ay si aad ah u baahiyeen ayaa lagu sheegay in dhukumantiyadani ay caddaynayaan in gabadhan la filayo in uu Saddaam Xuseen dhalay uu magaceedu yahay Naana, da’deeduna 32 sano noqonayso, magaca hooyadeedna uu yahay Salma Ascad Saciid. Shahaadadan oo la hubiyey in aanay been abuur ahayn ayaa goobta magaca aabaha lagu buuxiyo waxaa ugu qoran; Saddaam Xuseen Al-Majiid oo ah magaca saddexan ee madaxweyne Saddaam, iyo in da’diisu ay markaas ahayd 47 sano. Laakiin goobta loogu talagalay in lagu qoro shaqada aabaha waa ay bannaan tahay.

Xogo ay warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay in dowladda Jarmalka oo iskaashi la samaynaysa dalka Maraykanku ay gabadhan ka qaadday dheecaanka DNA si ay u hubiso xaqiiqada sheegashadeeda Saddaam Xuseen, waxaana soo baxday in ay run sheegayso.

Nana Saddaam Xuseen oo aan hadda ka hor cidi ogeyn waxa ay ku nooshahay dalka Jarmalka oosida muuqata ay intii hore oo dhan warkeeda qarinaysay, laakiin hadda ay go’aansatay in ay caddayso abtirsiinteeda runta ah iyada oo weliba keenaysa qoraalladii iyo dhukumantiyadii taas xaqiijinayey.

Dhukumanti kale oo ay gabadhani soo bandhigtay oo ku taariikhaysan 4tii Diisambar 2015ka ayaa isna caddaynaya in safaaradda Ciraaq ku leedahay dalka Jarmalku ay qudheedu xaqiijisay runnimada xogta ku taalla dhukumantiyada caddaynaya in Nana uu dhalay Saddaam Xuseen, waxa aana ku saxeexan qunsulka Ciraaq, sidoo kale waxaa dusha kaga sii saxeexan caddaynta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo warkan sii hubisay.

Lama garanayo sababta ay Nana isu qarinaysay muddadaas dheer, iyo halka ay hooyadeed oo noqonaysa xaaskii Saddaam Xuseen ku dambaysay, sidoo kale waxa aan weli caddayn sababta ku kalliftay in imika ay nasabkeeda runta ah soo saarto.

Saddaam Xuseen oo 24 sano ka talinayey dalka Ciraaq oo la aaminsan yahay in uu horumarin aad u ballaadhan gaadhsiiyey gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo milateriga, in kasta oo nidaamkiisii xukun keli talis ahaa shakhsiyaddiisa maamulna muran badani ka taagan yahay. Saddaam Xuseen inta la og yahay waxa uu lahaa laba xaas oo kala ahaa Saajida Talfax oo ah xaaskiisa weyn ee ubadka badankooda dhashay, Samiirka Shahbandar oo dhashay wiil lagu muransan yahay jiritaankiisa iyo haddii uu jiro halka uu ku nool yahay oo lagu magacaabo Cali Saddaam. Carruurta ay xaaska koowaad u dhashay waxa ay ahaayeen Laba wiil iyo afar hablood, laakiin labada wiil oo iyagu waaweynaa waxaa lagu dilay dagaalkii Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Marar door ah ayaa ay soo baxaan warar sheegaya xaasas kale oo uu Saddaam qabay, laakiin waa markii ugu horreysay ee uu soo baxo qof uu Saddaam dhalay.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories