HomeGabadh Kaalinta 1aad u gashay Tartan Suugaaneed Hal-abuurro da’yar loo qabtay oo...

Gabadh Kaalinta 1aad u gashay Tartan Suugaaneed Hal-abuurro da’yar loo qabtay oo Abaal-marin Dahab ah la guddoonsiiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

deeqa nuuxHARGEYSA (SLpost)- Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa, ayaa abaalmarin Dahab ah ku maamuusay Deeqa Nuux Yoonis oo ka tirsan ardayda dugsigaas oo kaalinta koowaad tartan suugaaneed dhowaan loo qabtay Hal-abuurrada da’da yar ee Somaliland.

Munaasibadda loo qabtay abaalmarinta Dahabka ah ee la guddoonsiyey Ardayddan oo ku qabsoontay Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa xalay, waxa ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Waxbarashada degmooyinka Bari ee gobolka Maroodijeex, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim, Maxamed Axmed Cali (Jamhuuriya) oo tilmaamay sida ay dugsi ahaan ugu faraxsan yihiin guusha ay tartan Suugaaneedka ka soo hoysay Ardayad ka tirsan Dugsigooda, isaga oo abaal-marinta ay ugu talo-galeen Deeqa Nuux Yoonis tahay mid ay ku dhiiri-gelinayaan isla markaana kagala qayb-qaadanayaan guusha ay ka soo hoysay tartanka.

“Waxa aan caawa (Habeen hore) aad ugu faraxsanahay inaynu abaal marin ay mutaysatay halkan ku gudoonsiino,faraxad ayay noo tahay iskuulka biyo Sheekh Cali Ibraahin ayay u tahay inay Ardayda ka tirsani oo illaahay hibo u siiyay Suugaantu ka soo dhexbaxdo ,iyadoo ka guulaysatay dad badan, kuna soo baxday hibada illaahay ku manaystay Deeqa yar. Deeqa Nuux Yoonis waxa ay naga mudantahay haddaanu nahay iskuulka Sheekh Cali ibraahin inaanu dhiirrigelinno oo farxaddeeda la qaybsanno,” sidaas ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim (Ex-Biyo-dhacay Sare).

Guddoomiyaha Waxbarashada degmooyinka Bari ee gobolka Maroodijeex Ismaaciil Cali (Dhubato) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhiirri-gelinta ah inay da’yarta iyo Ardaydu Ebbe hibada u siiyey Hal-abuurnimadu ka qayb-qaataan tartan-sugaaneedka, isaga oo tilmaamay sida ay u yartay inay ardayda ka soo dhex-baxaan Hal-abuur ka dhex-muuqda bahda waxbarshada, isaga oo si gaar ah u xusay gabadha.

“Horta aan u ducayno Deeqa Nuux Yoonis, waan ku faraxsanahay inaan arko, gabadh da’yar oo hal-abuurad ah oo tirisa suugaan kala duwan. Wakhtiyadii hore may dhici jirin ama way ku yarayd in la arko gabadh Gabayda, waayo wakhtiyadaasi way buraan-buri jireen dumarku, malaha ogaalkayga waxan garanayaan gabadh kaliya oo wakhtigii isticmaarka gabay gobanimo doon ah tirin jirtay,waxa iigu xigtay Deeqa Nuux Yoonis oo aynu caawa u fadhino Abaalmarintan ay mutaysatay in la guddoonsiino,” ayuu yidhi Ismaaciil Cali (Dhubato).

Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Dhabbeeye, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan soo-dhawaynayaan isla markaana ay dhiiri-gelinayaan gabdho da’yar oo Eebbe ugu deeqay hibada Hal-abuurnimada. “Ka wasaarad ahaan haddii aanu nahay Wasaaradii dhalinyarada waanu ku faraxsanahay inaanu aragno dhalinyarada soo kacaysa oo Illaahy hibo u siiyay inay tirin karaan suugaan kala duwan, runtii aad ayaan ugu bogaadinaya Deeqa Nuux Yoonis inay soo bandhigto Gabayo inta badan dhalinyarada ka hadlaya,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarad dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland

Gabadha Munaasibadda Abaalmarinta dhiirrigelinta ah lagu guddoonsiiyey Deeqa Nuux Yoonis, oo munaasibadda ka hadashay, ayaa uga mahad-celisay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga ay ka tirsan tahay ee Abaalmarinta ku maamuusay iyo masuuliyiintii iyo marti-sharaftii kale ee ka qayb-gashay xafladda lagu maamuusay.

Deeqa Nuux Yoonis, ayaa ah Ardayad ku jirta Sannadkii Saddexaad ee Waxbarashada Dugsiga Sare.

Intii ay munaasibaddu socotay, waxa lagu soo bandhigay riwaayad wacyigalin ah oo ka hadlaysa Tahriibka, Maansooyin dhaqanka suuban laga tiriyey, kuwaas oo ay qayb ka ahaayeen Ardayda Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim, taas oo aad u soo jiidatay Dadkii ka qayb-galay Xafladda.

Gunaanadkii munaasibadda, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex Ismaaciil Dhubato, ayaa Abaalmarinta Dahabka ah ee Maamulka Dugsigu ugu talo-galay Guddoonsiiyey Hal-abuuradda Da’da Yar ee Deeqa Nuux Yoonis oo kaalinta koowaad u gashay tartan-suugaaneed dhalinyarada Somaliland loo qabtay oo lagaga hadlayey Aafada Tahriibta iyo dhibaatada ay leedahay.

HALKAN KA DAAWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories