HomeGAASHAAMO: Ciidammada Itoobiya oo Xasuuq u geystay Dad Shacab iyo Tirada Dhimashada...

GAASHAAMO: Ciidammada Itoobiya oo Xasuuq u geystay Dad Shacab iyo Tirada Dhimashada oo 40 kor u dhaaftay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ilaa Inta ogyahay tiro kor u dhaafaysa 40 Qof oo Shacab ah, ayaa dhintay tiro kalena way dhaawacantay, ka dib markii ay Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo kaashanaya Ciidammado ka tirsan dowladda Federaalka Ethiopia ay rasaas ku fureen Dad Shacab ah.

Falka lagu xasuuqay dadka Shacabka ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jaamac-Dubbad oo ka tirsan degmada Gaashaammo ee Ismaamulka Soomaalida.

liyuu policeSida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmada Gaashaammo, ka hor intii aanay Rasaasta ku furin Ciidammada Itoobiya Maalinnimadii Axadda ee shalay, ayey isku dhaceen laba Gaadhi oo mid ka mid ah ay wateen Ciidammadu. Dabadeedna ay Jiiteen Gaadhigii ay Duqeeyeen, ka dibna waxa Ninkii Gaadhiga laga jiidhay ee laga jiitay iyo dhawr Nin oo kale isku-dayeen inay Gaadhiga Burburka ah ee ay Ciidanku jiiteen kala hadhaan, markaa way rasaaseeyeen markay marayaan meel u dhaw Tuulada Jaamac-Dubbad oo Shilku dibeddeeda ka dhacay, markaasoo ay iyaguna dhawr iyo toban qof oo Shacab ah ku laayeen Tuulada Jaamac-Dubbad.

Warku waxa uu intaas ku daray in markaa ka dib ay Ciidammada Itoobiya dalbadeen ama u yeedheen Ciidan kale oo dheeraad ah, kuwaasoo la sheegay inay gelinkii hore ee Isniinta Maanta soo weerareen Tuuladaas, ka dibna ay Rasaas ku bilaabeen dadkii Tuulada ku sugnaa, isla markaana Dadku ay kaga yaaceen Masaajid Tuulada ku yaal oo ay ka galeen Rasaasta, balse aanay kaga hadhin ee ay gudaha Masaajidkaas ku laayeen inta badan dadka dhintay.

Maamulka Gaashaammo oo laga Xukumo gobolka Jarar oo Caasimaddiisu tahay magaalada Dhagax-buur ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, dowladda Federaalka Ethiopia iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya midkoodna wax war ah kama soo saarin dhimashada iyo dhaawacaas ka dhacay deegaanka Jaamac-Dubbad ee degmada Gaashaammo.

Haseyeeshee, Wararkan oo aanu ka soo xigannay shabakadda Aftahannews waxa lagu sheegay in Gelinkii dambe ayay dad Shacabka deegaanka ka tirsan oo is-urursaday la sheegay inay Jid-gooyo u galeen Kolanyo Gaadiidka Ciidammada ah oo ay wateen Ciidanka Itoobiya ee deegaankaas dadka ku laayey, iyagoo Kolonyadaas Rasaas ku furay, isla markaana halkaas kaga dilay Ciidanka Itoobiya illaa dhawr iyo toban Askari oo Baabuurta saarnaa.

Tirada Dadka Shacabka ah ee ku dhaawacmay isku-dhacyadaas, ayaan wali la xaqiijin in kasta oo tiradu badan tahay, balse tirada guud ee dadka ku dhintay ayaa la xaqiijiyey inay gaadhayso 43 qof oo shacab ah.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Ciidammo dowladda Itoobiya ka tirsan ama kuwa Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Shacab Xoolo-dhaqato ah uu Deegaannada Beriga Killalka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dagaal dhex-maro, waxaana hore u jiray dagaallo dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyey sida kan oo kale.

XIGASHO: Aftahannews

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories