HomeGaalkacayo: Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo lagu dilay...

Gaalkacayo: Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo lagu dilay iyo xiisadda colaadda oo cirka isku sareertay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost) – Taliyihii ciidamada Daraawiishta maamul-goboleedka Puntland Gaashanale-dhexe Maxamed Muuse Ilko-dheere ayay kooxo hubaysani maanta ku dileen Woqooyiga magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.

Sarkaalkan ayaa la toogtay isaga oo ku sugan badhtamaha magaaladaas isaga oo sida la sheegay ku gudo jira hawl-gal ciidamadiisu ku doonayeen inay halkaas kaga jiitaan gaari kaga waxyeelloobay dagaaladii shalay dhacay, taasina waxay sababtay inay cirka isku shareerto xaaladdii magaaladaasi.

blank
Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Maamul-goboleedka Puntland

Dadka ku sugan magaaladaas ayaa sheegay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan ayna kooxihii fuliyay goobta ka baxsadeen, iyadoo degmada laga dareemayo xiisad kacsanaan oo weli u dhexeysa ciidamada Puntand iyo maleeshiyo beeleeddii uu dagaalku dhexmarayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, xaaladda Waqooyiga Gaalkacyo ayaa maanta deggen iyadoo weli la dareemayo xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii ay dagaalameen.

Xaafadihii lagu dagaalamay ayaa waxaa maanta ka socda barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaasoo ku dhexjiray colaadda, iyadoo dowladda Puntland ay sheegtay in dagaalkaas ay ka qaybgaleen xoogagga Al-shabaab.

Puntland ayaa ku eedeysay maamulka dariska ay yihiin ee Galmudug inay daweyn u sameeyeen xoogaggii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo iyadoo mas’uuliyiinta Puntland ay arrintaas iska beeniyeen.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo maalimihii Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada 30-qof iyo dhaawaca tiro ka badan 60-qof, wuxuuna noqonayaa dagaalkii ugu xoogga badnaa ee magaaladas ka dhaca muddo sanooyin ah.

Somalilandpost.net

Nuuriye10@yahoo.com

Muqdisho, Soomaaliya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories