HomeGaadiidleyda oo Farta ku fiiqay Shirkadda Keentay Shidaalka Wasakheysan, Maamulka Haamaha oo...

Gaadiidleyda oo Farta ku fiiqay Shirkadda Keentay Shidaalka Wasakheysan, Maamulka Haamaha oo Xaqiijiyey iyo Doodda Shirkado ka hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Gaadiidleyda kala duwan ee dalka ayaa cabasho xooggan ka muujiyey Shidaal wasakhaysan oo dalka soo galay, kaasi oo wax yeello kasoo gaadhay gaadiidka qaarkood oo cillado ku yimaadden, waxaana la sheegay in shidaalkaas ay dalka soo galisay Shirkadda HASS PERTROLEUM oo kamid ah shirkadaha waaweyn ee soo dejiya Shidaalka.

Gaadiidleyda adeegga dadweynaha ka dhex fuliya caasimadda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba oo saxaafadda qaarkeed la hadlay, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay shirkaddan isla markaana ay shidaalka kaga shubteen kaalmo ay shirkaddu iska leedahay ama ay xidhiidhka leeyihiin, kuwaas oo dhammaantood ay ku taalo Astaanka Shirkadda HASS PETROLEUM.

shidaal wasakheysan“Gaadhigayga waxaan ku arkay cillad aanan hore ugu arag. Waxa uu noqonayaa sidii oo uu bilaa shidaal yahay gaadhigu. Anigoo immika kaga soo shubtay kaalinta ayuu haddana iska bakhtiyeyaa. Markii hore waan yaabbana, ta isoo baxday waxay noqotay markii aan eegay inay mar kastoon shidaalka kaga shubto kaalmaha ay ku xardhan tahay HASS waan dareemayaa cilladaas,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah gaadiidleyda caasimadda kaga shaqaysata baabuurta yaryar ee Fitis-ka loo yaqaano.

Gaadiid tiro badan oo dhibaato ka soo gaadhay shidaalka wasakheysan ee dalka la keenay, ayaa buux-dhaafiyey geerashyada lagu farsameeyo gaadiidka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Mid ka mid ah mulkiilayaasha geerashyada magaalada Hargeysa oo saxaafaddu wax ka weydiisay, ayaa arrintan qiray isagoo sheegay in gaadiid tiro badan oo shidaalka wasakheysan ku cilladoobay ay maalin kasta soo gaadhaan meheradiisa.

“Annaga suuq baabay noo noqotayoo, maalin kasta waxa laguu keenayaa gaadhi cilladiisu aanay ka fogeyn Bamka shidaalka iyo wasakh makiinadda dhex gashay, waxaana ugu wacan shidaal xun oo dalka la keenay,” Sidaa waxa yidhi Guled Jaamac oo ka mid ah farsamo-yaqaannada geerashyada Caasimadda, waxaanu intaas ku daray in shidaalkaas uu gaar u yahay Kaalmaha ay gacanta ku hayso ama xidhiidhka la leh shirkadda HASS. Waxa uu farsamo-yaqaankani uga digay gaadiid layda inay ku shubaan baabuurtooda shidaalkaa wasakhaysan oo uu sheegay inuu waxyeelo aan xalkeeda la maareyn Karin u geysanayo makiinadaha gaadiidka.

Dhinaca kale, jiritaanka shidaalka wasakheysan ee dalka soo galay waxa warbaahinta xaqiijiyey saraakiisha sare-sare ee shirkadda Berbera Oil Group oo gacanta ku haya maamulka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo laba sanno ka hor laga hirgeliyey Sheybaadh lagu hubinayo tayada shidaalka ay dalka keenaan Shikadaha waddaniga ahi.

Guddoomiyaha Shirkadaha Haamaha Berbera Oil Group Eng Cali Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey jiritaanka shidaalka wasakheyrsan ee dalka soo galay, isagoo taas ku sababo qaladaad farsamo oo ka jira adeegyada farsamo ee heerka hubinta tayada shidaalka Haamaha Keydka ee magaalada Berbera.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA MASUULKA

https://www.youtube.com/watch?v=IxK2wcPYIEY

Dhinaca kale, masuuliyiin ka tirsan shirkadda HASS PETROLEUM oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo jeediyey in baadhitaan lagu sameeyo halka uu dalka ka soo galay iyo cidda keentay shidaalka wasakheysan.

In kasta oo ay jiraan shirkado kale oo dalka keena shidaalka, haddana waxa ay gaadiidleyda si gaar ah farta u fiiqeen shirkadda HASS oo gacanta ku haysa inta badan kaalmaha shidaalka ee ugu waaweyn, gaar ahaan caasimadda, waxaanay arrintani fadeexad Maamulka haamaha Keydka Shidaalka oo ku qalabaysan sheybaadh casri ah oo ay ku baxday malaayiin Dollar, taas oo ay hirgelisay xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories