HomeFURSADD + KHATAR= KHILAAF – W/Q: Maxamed Faarax Qoti

FURSADD + KHATAR= KHILAAF – W/Q: Maxamed Faarax Qoti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Fmohamed26ursad marka loo geeyo khatar waxa ay noqotaa wadarteedu khilaaf, balse, waxa aad u adkaata muuqashada si loo arko fursaddaas, laakiinse, waxa keli ah ee muuqataa waa khatarta oo qudha, waxaannu khilaafku ku lug yeeshaa geeddi-socodka bulshada.

Waxa kala duwan sababaha keena isku-dhaca amma khilaafka oo lagu tilmaamo kuwo ka dhasha qeexitaanka qiimeynta nidaamyada, kuwo ah faragalin lagu wiiqayo qorshayaasha oo loogu tartamayo sidii ay dannahooda ugu heli laahaayeen, mid mucaaridnimo, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid halgameed, mid jinsiyadeed, mid shaqsiyadeed, mid iska caabineed, mid shaqo, amaba ha noqoto fikrado bilaa ujeedo ah iyo muranno khiyaali ah oo si ula-kac ah la iskaga soo horjeedo.

Dhammaan arrimahaasi waxa ay ka mid yihiin xaaladdaha khilaafku leeyahay, ha noqoto, kuwo laga gaadhay guul oo ku dhammaada heshiis amma kuwo sii daba-dheeraada oo qaarkood ay sababaan rabshaddo iyo qaab-dirireed, taasina waxa ay ku xidhan tahay oo kaliya haddba natiijadeeda ka soo baxda qaabka loo maro Maareynta Isku-dhaca iyo Wada-xaajoodka Xallinta Khilaafaadka.

Beri hore oo aynu soo dhaafnay, waxa jiray Boqor ka mid ahaa Boqorradii hore ee ka soo talin jiray dalka Koongo (Congo) ee qaaradda Afrika, kaasoo ku riyoon jiray dadkiisa oo cabbaya biyo macaan oo nadiif ah, wakhtigaa oo dadka reer Koongo’na ay ka cabbi jireen biyaha Wabiyada Ubangi–Uele iyo Kasai, kuwaasoo ahaa biyo wasakhaysan oo aan nadiif ahayn, isla markaana, waxa ay ka qaadi jireen cabbida biyaha wasakhaysan cuduradda ay ka mid yihiin, sida” Ebola, Yellow fever, Kolooraha, Beer-xannuunka, Dabaysha iyo Shubbanka oo sababi jiray in ay u dhintaan dad badan oo reer Koongo ah, ka dib markii uu sameeyey sahamin qaadatay muddo dheer, waxa uu ku guuleystay soo saarista ceel-biyood leh biyo macaan oo nadiif ah, laakiinse, muddo sannad ah, ka dib, ayaa la ogaaday in aanay bulshadii degaankaas ku noolayd isticmaalin biyaha ceelka macaan balse, weli ay ka sii cabbaan biyihii wabiyada ee ay hore u sii isticmaali jireen, taasoo ninkii Boqorka ahaa ku keentay wer-wer iyo walaac.

Hasa yeeshee, si uu u ogaado sababta keentay in aanay dadku cabin biyaha ceelka nadiifta ah, waxa uu magacaabay guddi farsamo oo ku soo sameeya daraasado iyo baadhitaano, taasoo qaatay wakhti dheer, muddadaas kadibna waxa ay guddidu soo saareen war-bixin ku saabsanayd natiijaddii ka soo baxday qiimeynta iyo xog-ururintii ay sammeeyeen, taasoo ahayd, “In 98.9% ay ku sababeeyeen dadkii la wareystay in ay ahayd goobta uu ku yaal ceelkaas oo u dhawaa beer uu deggenaa Boqorku, iyadoo markii dadka la weydiiyey sababta ay ceelka uga cabi waayeen ay yidhaahdeen; ‘Annaga waxa caado iyo dhaqanba noo ah in aannu xammano Boqorradayada, haddaba, maadaama uu ceelkaasi u dhaw yahay beerta uu deggan yahay Boqorku, waxaannu is nidhi Inta uu xanntiina maqli lahaa, malaha waxa ka qurux badan idinkoo kala fogaada xammashadiina, taasina, waa ta gun-dhiga u ahayd sababihii nagu kalifay in aannu ka cabbi weyno ceelkaas biyaha macaan.

Haddaba, markii Boqorku dhegaystay warbixintii guddida iyo nuxurka ay xanbaarsanayd, waxa uu gaadhay go’aan uu ku soo saaray qarraarro kala duwan oo ahaa; “in maanta laga billaabo, qofkasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in uu xamman karro Boqorkooda, isla markaana, xanntaasi aanay noqon doonin fal-danbiyeedyo lagu ciqaabo muwaadiniinta dadka reer Koongo.

Waxa go’aankaasi xal u noqday in uu soo af-jaro khilaafkii soo jiitamayey muddada dheer, ee ay dadka reer Koongo ku diidanaayeen in ay ka cabbaan ceelkii Biyaha macaan ee boqorkoodu ku riyoon jiray. Akhriste, maaha mid aynu ku jideynayno in ay tahay xantu wax fiican.

Haddaba, ka hor inta aynaan u guda-gallin xallinta khilaafaadka, waxa haboon in aynu ka fikirno su’aalo badan oo isweydiintoodu u baahan tahay jawaabo, taasoo aynu u kala saari doono laba weji oo kala ah;

  1. Wejiga hore: Waxa uu gaar u yahay in shaqsi kasta isweydiiyo su’aalahan u baahan jawaabaha, kuwaasoo ah; waa maxay danta kuugu jirtaa? Maxaad u qabanaysaa khilaafkan? Maxay u baahan tahay hawshan qabashadeedu? Maxaad adigu u baahan tahay? Waa intee rajada iyo cabsida aad ka qabtaa ee khusaysa arrintan? waa qaabkee heshiiska aad u baahan tahay in la gaadhno?
  1. Wejiga labaad: Waxa uu gaar u yahay kuwa kaa soo horjeeda inaad iska weydiiso su’aalahan oo u baahan inaad hesho jawaabahooda, kuwaasoo kala ah; waa maxay danta ay ka leeyihiin kuwa kaa soo horjeedaa? Haddii aad tahay kabihii aad ku soconaysay, sidee ayaad u dhowri kartaa khilaafaadkooda? Maxay doonayaan in ay qabtaan? Maxay u baahan yihiin in loo qabto? Waa maxay rajada iyo cabsidooda ee khuseeya arrintan?

Dhammaan isweydiinta su’aalahani waa kuwo si sahlan innooga caawiyay fahamka sababaha dhaliyey khilaafka waxa ay yihiin oo aynu xidhiidh la sameyno mucaaridka innaga soo horjeeda, innagoo raacayna qaraarada suuro-galka ah ee ka soo baxay maskaxaha aadamaha, ka dibna, aynu doorano xalka ugu wanaagsan, inagoo isticmaalayna gacan-saddexaad oo ina dhex-dhexaadisa, isla markaana sameyno baadhid iyo qiimeyn.

Marka intaas oo dhan laga yimaad, waxa innala gudboon sidii aynu u raaci lahayn tallaabooyinkii aynu u mari jirnay wada-xaajoodka iyo xallinta khilaafaadka ee aynu hore ugu gaadhay guulaha, sida:- wadahadalka, dhegeysiga fikradaha innaga soo horjeeda, kana haddalno teena oo aynaan ka hadal kuwa innaga soo horjeeda tooda, waliba innagoo si niyad ah uga hadlayna, isla markaana, aynu noqono dhegaystayaal wanaagsan, oo aynaan isku dayin in aynu xukun gaadho, balse aynu muujino dabacsanaan, markaana, aynu u ogolaano qof kasta oo doonaya inuu ka qaybgalo xalinta khilaafkaas, iskana illaalino weydiimaha su’aalaha amma sidoo kale in xog la innaga helo, waxa kale oo muhiim ah in aynu isku dayno in aynu weynayno oo aynaan yareysan kuwa innaga soo horjeeda, ka dibna, aynu raadino in xalku ku dhammaado guul iyo ballanqaad.

Gaba-gabada qormadaydan waxa ay tahay in aynu ka haddalno waxa aynu doonayno waxa uu yahay, inta aynu ka haddli lahayn waxa aynu diidanahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories